Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Hadal uu Isuduwaha Bani’aadamnimada ka soo saarey hawlgalka mileteri ee waddada Afgooye

Xiriiriyaha arrimaha bani'aadanimo ee Soomaaliya Mark Bowden (Sawir/Kaydka/Mohamed Hassan/Radio Ergo)

Nairobi 23 May, 2012

Madaxa ahna Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mark Bowden, ayaa hadalkan soo saaey maanta:

Iyada oo dhaqdhaqaaq ay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) ka wadaan waddada Afgooye, waxaan ku celinayaa baaqeygii aan dhammaan dhinacyada ugu baaqayey in ay dadaal kasta ku bixiyaan yareynta raadka uu iskahorimaadku ku yeelanayo dadka rayidka ah ayna oggolaadaan in gargaarka bani’aadamnimada uu si buuxda u gaaro dadka u baahan.

Ilaa hadda, ma hayno warar tilmaamayaa qax ballaaran oo dadku uga qaxayaan degaankaa. Haseyeeshee, waxaan ka welwelsanahay in cadaawadda oo korodha ama hawlgal dabadheeraada ay keeni karaan barokac, kaas oo sii yareynaya awoodda ay leeyihiin degsiimooyinka barokacayaasha iyo bulshooyinka degaanka ee martigeliyey ee Muqdisho ama dadka ka kaxaynaya gargaarka nafaha lagu badbaadiyo ee ay u baahan yihiin.

Iyaga oo ku adag dhexdhexaadnimadooda iyo ka madax-bannaanidooda arrimaha siyaasadeed iyo kuwa mileteri, ayaa hawl-wadeennada bani’aadamnimadu isku duwayaan diyaargarowyada lagu hubinayo in gargaar degdeg ah ay helaan dadka rayidka ah ee ay sida ugu badan u saameeyeen hawlaha mileteri ee waddadaas ka socda.

Office of the United Nations Resident & Humanitarian Coordinator for Somalia
  Springette, Off Lower Kabete Road, P.O. Box 28832, 00200, Nairobi, Kenya
Tel. (254 20) 4255000; Fax (254 20) 4255101 Website: www.unctsom.org

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS