Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Roobab khasaare geystay oo ka da`ay degmada Qardho

Dhismayaal iyo waddo ay saameeyeen roobab Boosaaso(Sawir Keydka: Adam Shardi/Radio Ergo)

Qardho 09 May, 2012

Roobab xooggan oo socday muddo siddeed iyo afartan saacadood ah kuwaaasoo geystay khasaarooyin kala duwan, ayaa waxay ka da`een magaalada Qardho.

Roobabkaani oo ahaa kuwa watay dabaylo iyo daadad xooggan ayaa la sheegay inay burburiyeen goobo ganacsi iyo guryo ku yaalla degmada Qardho, sidoo kale waxay baabi`iyeen cooshado ay ku noolaayeen qoysas barakacayaal ah oo ku sugnaa duleedka degmadaasi, qaar ka mid ah waddooyinka way go`een halka qaar kalena ay cegaagaan biyaha roobka, waxaa istaagay oo hakad galay gawaaridii isticmaali jirtay waddada dheer ee dhex marta magaalada Qardho, taasoo muhiim u ahayd isu socodka gaadiidka isaga kala goosha gobolka Bari iyo gobollada Nugaal iyo Mudug.

“Waxaa hakad galay oo dib loo dhigay imtixaanaadkii ardayda ,  sidoo kale waxaa burbur uu soo gaaray qaar ka mid ah dugsiyadii degmada”sidaana waxaa Ergo u sheegay Siciid Maxamed Faahiye oo isagu ah guddoomiyaha waxbarashada gobolka Karkaar ee maamulka Puntland. Siciid ayaa intaasi ku daray in agabyadii yaallay dugsiyada qaar ka mid ah uu saamayn ku yeeshay roobku, isagoo ugu dambeyntii sheegay in maalmaha soo socda ay sii wadi doonaan imtixaanaadkii ardayda.

Si kastaba ha ahaatee roobabkaan ka da`aya degmada Qardho iyo nawaaxigeeda ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Boosaaso dadku u diyaar garoobayaan inay ka xagaa baxaan, maaddaama xilliyadaan oo kale magaalada Boosaaso la guda galo kulaylaha, waxaana roobabkaani ay yihiin kuwo ay ku diirsadeen dadka deegaanka xilli muddooyinkii ugu dambeeyay kulaylo xooggan ay ka jireen halkaasi.


Amino Ladan Axmed/CC/MG/FM


Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF