Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Roobab khasaare ka geystay Galgaduud

Galgaduud 30 Apr, 2012

Roobab watay dabaylo xooggan ayaa ka da`ay deegaanno ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya,  kuwaasoo ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah dadka ku nool deegaannada ay ku dhufteen  roobabkaasi watay dabaylaha, iyadoo  sidoo kale dabaylahaasi ay dumiyeen  guryihi ay ku noolaayeen dadkaasi.

Deegaanka ay ku dhufteen roobabkaasi ay la socdeen  dabeylaha oo lagu magacaabo  Marjiicleey ayaa ah deegaan hoostaga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana la sheegay in halkaasi ay ka dhaceen  khasaarooyin ay geysteen dabaylahaasi. “Inta aan hubo illaa 65 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan  ayaa la soo gaarsiiyay xarunteenna caafimaadka ee ku taala  Marjiicleey, sagaal ka mid ah waxaan ku samaynay qalliimo kala duwan, laba ruux oo ka mid ah dadkaasina xaaladdoodu waxay ahayd mid halis ah waana sii gudbinnay.” sidaa waxaa Raadiyo Ergo u sheegay Dr. Axmad Cali Maxamed oo isagu ah  madaxa rugta caafimaadka ee deegaankaasi.

“Roobabkaani waxay dumiyeen ama ay qaadeen ku dhowaad illaa 400 oo guri, guryahaasi qaar waxaa ka duulay jiingadihii saarnaa kuwaasoo badi dadka dhaawacay, roobku wuxuu  billowday qiyaastii markii aan ka soo baxnay salaaddii maqribka.” sidaa waxaa Ergo u sheegay  guddoomiyaha deegaanka Marjiicleey Cabdi Axmad Xasan, isagoo intaasi ku daray in guryaha ka badbaaday roobka ay ka yar yihiin illaa 20 guri oo kaliya.

Dhinaca kale waxaa gurmad u fidiyay qoysaskii ay waxyeelladu ka soo gaartay roobabkaasi watay dabaylaha ee ku dhuftay deegaanka Marjiicleey maamulka degmada Guri ceel  ee gobolka Galgaduud, guddoomiyaha  garsoorka ee maamulka  Ahlu sunna waljamaaca  Sh. Siciid  Sh Muxummed  Sh. C/raxmaan  oo isna u warramay Raadiyo  Ergo ayaa sheegay in ay gurmad ay gaarsiiyeen halkaasi waloow uu sheegay in gurmadkaasi uusan ahayn mid dabooli kara baahidii ay qabeen dadkaasi  wuxuuna sheegay in maamulku uu gaaray deegaanka, si ay u arkaan wixii ka dhacay halkaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Marjiicleey ayaa ugu dambeyntii  codsi u diray hay`adaha samafalka, isagoo ka codsaday inay gurmad  la soo gaaraan qoysaska ay dhibaatadan soo gaartay.
Si kastaba ha ahaatee roobab ay ku diirsadeen shacabka ku dhaqan deegaanno kala duwan oo ku yaalla gobolka Gal gaduud ayaa ka da`ay gobolka,  xilli dadka deegaannadaasi ay muddooyinkii  ugu dambeeyay ay soo mareen abaaro adag oo saameyn xooggan ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool halkaasi.

Cabdifataax Xasan/AA/FM

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo

Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS