Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Wafdi QM oo DKMG ah ee Soomaaliya kala hadlay xuquuqul insaanka

Muqdisho 23 Apr, 2012

Wafdi heer sare ah oo ka socday guddiga madaxa bannaan ee Qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka  ayaa kulamo kula qaatay magaalada Muqdisho raiisal wasaaraha DKMG Soomaaliya Dr,Proff:C/wali Maxamad Cali Gaas.

Wafdigaan oo uu horkacayay Dr, Shamsu Diin Baari oo isagu ah madaxa guddiga madaxa bannaan ee ee Q.M u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka ,ayaa waxaa ay kala hadleen ra'iisal wasaaraha DKMG Soomaaliya,arrimaha xuquuqda aadamaha ee waddanka Soomaaliya,iyo arrima kale oo la xiiira xuquuqda haweenka.wafdigaan tagay Muqdisho oo ay ku jiraan qubaro caalami ah oo ku taqasustay dhawridda xuquuqda aadamaha, ayaa waxaa safarkooda uu ku wajahnaa u kuur galidda arrimaha xuquuqda aadamaha ee dalka Soomaaliya iyo heerka ay gaarsiisantahay ku xadgudubka xuquuqda aadamaha.

"safarkeygaan hadda wuxuu quseeyaa inaan bal ogaado wixii aan beesha caalamka kaga sheegi lahaa Soomaaliya marka laga hadlayo xuquuqda dadka iyo wixii ay dowladda iyana ka oran lahayd"sidaana waxaa saxaafadda u sheegay,Dr, Shamsu Diin Baari oo isagu ah madaxa guddiga madaxa bannaan ee ee Q.M u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka.

Shamsul Diin Baari aya intaasi ku daray "Waxaan ku faraxsanahay inay dowladda  noo sheegtay inay ka go an tahay dhowridda xuquuqda aadamaha waxaana kula taliyay in dastuurka cusub ee loo sameynayo soomaaliya laga dhigo mid xuquuqda dadka uu ku weynyahay Raiisal wasaaraha Soomaaliya  ayaa igu yiri arintaasi waxaan si weyn ugu bandhigeynaa shacabka si xuquuqdooda ay iyaga dastuurka ugu dhowrtaan" ayuu yiri Dr, Shamsul Baari oo isagu ah madaxa guddiga madaxa bannaan ee ee Q.M u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka.

Ra'isal wasaaraha DKMG Soomaaliya Dr CabdIwali Maxamad Cali Gaas ayaa dhankiisa sheegay in si gaar ah wadahadallada ay diiradda ugu saareen arrimaha ay kamid yihiin dhibaatada uu dumarka u leeyahay gudniinka fircooniga,dilalka iyo dhibaataynta wariyayaasha iyo weliba dhibaatada haysata dadka dalka gudihiisa ku barakacay.

Si kastaba  ha ahaatee kulankaan oo ah kii labaad ee noociisa ah ee ay wafdigaani la qaataan madaxda DKMG Soomaaliya ayaa noqonaya mid muhiimad weyn  ugu fadhida dawladda Soomaaliyeed,waxaana Soomaaliya ay kamid tahay ama lagu tiriyaa,waddamada ay ka dhacaan xadgudubyada ugu badan ee xuquuqul insaanka,kuwaasoo ay kamid yihiin,dilalka,dhaawacyada,kufsiga,ku xadgudbidda haweenka,askaraynta caruurta,barakicinta,duqeymaha,iyo ku dagaalamidda goobaha shacabku ay degganyihiin.

Yuusuf kaynaan/AA

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS