Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Diyaarado duqeyn ka geystay Gumbax oo ka tirsan Bari

Muuqaalka xeebta Curuba magaalada Muqdisho ( Sawir: Keydka/Fatuma Maalim/Radio Ergo)

Bari 18 Apr, 2012

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay deegaanka lagu magacaabo Gumbax oo ka tirsan deegaannada hoostaga gobolka Bari.

Wararka ugu dambeeyay ee ka soo baxaya duqeymahaasi loo geystay deegaanka Gumbax ayaa sheegaya in aanay jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay duqymahaasi, balse ay jiraan dhaawacyo soo gaaray laba ka mid ah kalluumeysatada ka kalluumeysata xeebaha deegaanka.
Duqeymahaani oo dhacay xilli qiyaastii saacaddu ay ahayd  labadii habeenimo ee saqdii dhexe ayaa waxaa mar kaliya hugunka duqeyntaasi laga maqlay deegaanka Gumbux oo ah deegaan xeebeed ku yaala gobolka Bari, kuwaasoo cabsi badan iyo argagax geliyay dadka deegaanka.

“Halkaaan burcad badeed ma deggana, wax xirrir ah oo deegaanka kala dhexeeyana lama arko marka ma naqaano sababata keentay in duqeyntaani ay ka dhacdo agagaarka degaankeenna” sidaa waxaa Raadiyo Ergo u sheegay xoghayaha maamulka degmada Gumbux, Guure Cali Cumar, oo intaasi ku daray in goobta duqeyntu ay ka dhacday ay ahayd gudaha badda oo qiyaastii illaa 5km u jirta deegaankaasi, xoghayaha ayaa sheegay inay arrinta ku saaabsan duqeynta u gudbiyeen guddoomiyaha degmada si uu ugu wargeliyo maamulka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee maamulka degmada ayaa sheegay in duqeyntani aysan la soconin ujeeddada ka dambeysa, iyo sababta keeneysa in meel ku dhaw deegaanka la duqeeyo.
Deegaanka gumbux ayaa waxaa ku badan dadka ka jillaabta xeebaha, waana deegaan ku wanaagsan kalluumeysiga.


Aamina-Ladan Axmed/AA/FM

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF