CAAFIMAADKA

Dhakhaatiirta gobolka Sool oo sheegtay in cudurka Jadeecadu ka jiro deegaanka.

Ololaha talaalka cudurka Dabaysha ayaa ka bilowday gobolka Sool (Sawir: Cabdikariin Olol/Radio Ergo)
Laascaanood 12/04/2012

Hawl wadeenada caafimaadka gobolka Sool ayaa sheegay inay jiraan tiro isa soo taraysa oo cudurka jadeecada uu soo ridanayo, iyagoona bulshada uga digay xiligaan inay wanaajistaan hanaankooda saxada iyo nadaafadda, iyadoo lagu jiro wakhti kulayl badani jiro lana suugayo roobabkii gu’ga.

Dr. Muuse Geele ooka tirsan dhakhaatiirta magaalada Laascaanood ayaa Radio Ergo u sheegay inay jiraan carruur u jiifta jadeecada isbitaalka, isagoo dhakhtarkaani ka hadlayey kulan lagu qabtay magaalada Laascaanood oo looga hadlayey cuduradda faafa iyo dar dar gelinta talaalka dabaysha oo ay soo qaban qaabiyeen hay’addaha UNICEF iyo WHO.

Faarax Cawil oo ka mid ah isna saraakiisha UNICEF ayaa sheegay inay quud daraynayaan sidii ay uga hawli geli lahaayeen dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Soola ayna hadda u qaybiyeen hawl wadeeno fulinaya talaalka cudurka Dabaysha.

Xiliyadaan ayaa badanaa waxaa is bedela cimiladda iyadoo ay bilowdaan roobabkii gu’ga, waxaana inta badan dilaaca cudurada ay ka midka yihiin shubanka, jadeecada iyo oof wareenka oo carruurta haleela, waxayna hawl wadeenada caafimaadku dadka ku booriyaan xiliyadaan inay ilaaliyaan hanaankooda nadaafadeed iyo saxada kuwaasoo qayb muhiim ah ka qaata ka hortigista cuduro wax laga qaban karo oo dila maalin kasta boqolaal carruur ah.

Cabdikariin Olol/MH

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo

Qodobbo dheeri ah

HOY
WARARKA
BARNAAMIJYADA
QODOBBO
MUUQAAL
SAWIRRO
WARAYSIYO
KAYDKA
ANNAGA
NAGALA SOO XIRIIR
BARNAAMIJYADHII HORE