Laascaanood 02 Apr, 2012
Dagaaladii ka dhacay qeyba kamid ah gobolka Sool ayaa saamayn xoogan ku yeeshay dadka ku nool nawaaxiga iska hor imaadyada hubeysani ka dhaceen,dadkaan oo u badan dad xoolo dhaqata reer guuraa ah ayaa waxa ay billabeen in ay isaga barakacaan degaanadii ay ku suganaayeen. Degaanada ugu badan ee ay dadku billaabeen in ay ka barakacaan waxaa ka mid ah Buqsheenle' waqadari'iyo Gacandar oo dhamaan ka tirsan gobolka Sool.
Dhinaca kale dagaaladaan oo ay dhinacyadu isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxay dhaliyeen cabsi xooggan oo la soo deristay dadka ku dhaqan magaalada xarunta u ah gobolka Sool ee Laascaanood,dhinaca kale degaanada ka tirsan gobolka ee ay dagaaladaanu saameeyeen ayaa waxaa ka mid ah deegaanada Gambadhe, Dalyare Higlada.
Dhanka kale dagaalkani ayaa waxa uu saamayn ku yeeshay beeralayda ku dhaqan duleedka magaalada Laascaanood,gaar ahaan halka lagu magacaabo Gcandar oo ay ku nool yihiin dad beeraley ah kuwaasoo beera yar yar halkaasi ka samaystay.
Meelaha lagu dagaalamay oo ay ku yaaleen beero yaryar oo ay samaysteen dadka dan yarta ah ee xooluhu ka dhammaadeen waxa kamida goobaha uu aad ka u saameeyay meesha la yidhaahdo Gacandar; oo laascaanood kagaga beegan Koonfurbari.
Si kastaba ha ahatee illaa iyo haddama jiraan tirada dhimasho iyo tan dhaawac ee soo gaaray dadka rayidka ah e ku nool goobihi ay ka dhaceen iska horimaadyada.
Cabdikariim Olole/ MG/AA