Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Shacabkii Muqdisho dib ugu soo laabtay oo cabanaya

Muqdisho 23 Mar, 2012

Todobaadkan ayaa waxa xaafado kamid ah muqdisho ku soo kordhay arimo fajkaciso kuwada noqday shacabka iyo madaxda dowlada kadib markii kooxo ku labisan dareeska ciidamada dowlada oo hubeysan watana gaadiidka dagaalka ay bilaabeen dhac u qaab eg biliqo oo ay u geysanayaan shacabkii dib ugu soo laabtay xaafadaha degmooyinka hiliwaa iyo yaaqshid waxase intaasi kadaran handadaad iyo ku xadgudub loo geysanayo dumarka iyo arinta ugu yaabka badan oo noqotay in laburburinayo alaabta maacuunta ah ee guryaha laga isticmaalo qaarkoodna rasaas lagu duleelinayo. 


Hadaba sida ay wax u dhacaan waxa kala sheekeystay  qaar  kamid ah dadka degan xaafada suuqa xoolaha ee arimahaasi la kulmay.

Mid kamid dadkaas  ayaa Ergo u sheegay “ Walaalow dhibaato badanaa jirta dhac lee ciidanka ay wadaan dahabaa ladhacay moobeel lacag xitaa guryihii alaabtii taalaa laqaadohooyaa baabuur dhanaa lagu rarahaa jiifkii fadhigii iyo aqalabkii kale waxa kaaga daran waxaa imaanayaan baabuur cabdi bilayaal ah walaalow waa dhibaateesanahay hanalaga soo gaaro dowlada arintan wax haka qabato”.


Imaam claahi khaliif rooble oo kamid ah odayaasha Muqdisho ayaa dhibaatada ka taagaan degmooyinka qaarkood ku tilmaamay kuwa ka adag sida la moodayo ayna ku xaqiiqsadeen kadib markii uu u kuurgalay.


“Haa waa mahadsantihii arintan sax weeye sax waaye walaal anagaa u kuur galnay waa xaqiiqinay waad soo arki kartaan idinkaba naaga lakufsaday dad ladhacay dad ladilay waxna laga boobay waa dhibaato adag shacabka waa dhibaateesanyahay walaalow faragelin ayay u baahantahay meeshaas “.


Taliyaha gaaska koowaad ee ciidanka militeriga soomaaliya G\SAREclaahi cali caanoodoo aan arintani kala xiriiray ayaan dafirin jiritaankeeda waxuuna shaaciyay in kooxaha falkaasi geysanaya ay noocyo badanyihiin iyana inbadan oo kamid ah ay gacanta ku dhigeen kuwa kalana ay kahortagayaan.
 
“Waxa dhibaatada geysanaya horta waakala nooc qaarkoodna waa qeyb dareeska tuutaha gashtay oo u gashtay in ay qorto ku wataan oo ay dadka ku dhibaateeyaan qaarna waa kuwa anshax xun oo askarta katirsan qaarna qorsha siyaasadeeday leeyihiin marka balan waaye inaan wax kaqabano qaarbadana oo 54 ah ayaan qabanay xabsiga ayaan u gudbinay kuwa kalana waa ku raadjoognaa" ayuu yiri
 
Dhinaca kale sarkaalkan ayaa ku tilmaamay arimahan qaarkood inay yihiin kuwa aan xaqiiq ahayn,  lagana leeyahay dano gaar ah.
 
Dhacdooyinkan argagaxgelinta, dilalka ama boobka hantida shacabka waa wax inbadan oo soomaliya kamid ah si joogta ah uga dhaca inkastoo waayihii danbe wax xoogaa laga yara wanaagsanaa magaalada muqdisho.
Yusuf Keynaan/MG


Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo


Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS