Garowe 21 Mar, 2012
Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka Puntland Eng Maxamuud Xaaji Saalax oo loo yaqaano (Biriishkolo) ayaa sheegay in calaamado abaareed ka soo muuqdeen dhulka xeebaha Puntland halkaasoo 5tii sano ee la soo dhaafay aysan roobab wanaagsan ka da’in.
Wasiirka Eng Maxamuud Xaaji oo ka hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in roobabkii deyrta oo baaqday ay xaalada uga sii dareen, isagoo carabka ku adkeeyay in haddii aan wax laga ay khatar xooggan soo wajihi doonto dadka ku nool goobahaasi.
Wasiirka oo baaq u diray hay;addaha samafalka, ayaa sheegay in wasaarada beeraha iyo waraabka ay ku dhawaaqdo gudiyo dhowr ah kuwaa oo soo qiimeeyay xaalada, islamarkaana ay xaaladahaas la sii socon doonaan.
Qeylodhaantan ayaa waxaa lagu sheegay in gobolada ay sida aadka u saamaysay ay kamidyihiin Mudug, Sanaag, Nugaal, iyo Bari halkaa oo uu sheegay haddii kaalmo bina’aadanimo oo caalami ah ay xaaladu sii adkaan karto.
Dhulal xeebaha ee Puntland ayaa ah goobo aad ugu nugul abaaraha, taanoo marwalba ku qasabta dadka xoolodhaqatada iyo tuulalayda ay guurguuraan.
Maxamed Gaarane