Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Xarun haweenka wax lagu baro oo Muqdisho laga furay

Muqdisho 19 Mar, 2012

Xarun cusub oo ay wax ku baran doonaan haweenka ayaa dhawaaan laga furay degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho,xaruntaan oo ay  aas,aaskeeda leeyihiin qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdsiho .

“Waxaan  go,aansanay inaan ku soo kordhino barnaamij cusub,oo ah mother care and education program,in hooyooyinka oomaaliyeed intii aan kari karno aan halkaan wax ku brno illa iyo haddana waxaan ku billownay illaa todobaatan haween ah” sidaana waxaa Radio Ergo u sheegay Axmed C/laahi oo ka tirsan ardaydii suura galisay hirgalint xaruntaasi cusub,Axmed ayaa intaasi ku daray in labaatan kamid ah todobaatankaasi haweena aanay waxba dhalin,waxaana nagu kalifay inaan furno xaruntaan baahida ay hooyooyinka Soomaaliyeed u qabaan waxbarashada.

“xaqiiqdii aniga waxaan ahaa qofkii iska lahaa hindisaha furista xaruntaas waxaanay igu dhalatay arrintaan maalin maalmaha kamid ah anigoo jooga xarun xawaalad ah ayaa waxaan ku arkay hooyo Soomaaliyeed oo lacag ka qaadanaysa xawaaladdaasi waxaa loo soo bixiyay warqad markaasaa lagu yiri saxiix waxay saartay suulka marka runtii arrintaasi aad ayaan uga damqaday waxaan ku fakaray baahida caruurtu ay u qabaan waxbarashada mid lamid ah ama ka badanba in  hooyooyinku ay u qabaan,kaddib waxaan  fakarkayga u bandhigay   masuuliyiinta hay,adda way iga ogolaadeen ALLAAH mahaddii aad ayaana ugu faraxsanahay In xaruntaan ay noqoty mid shaqaynaysa oo ay wax ku baranayaan hooyooyinkaas Soomaaliyeed.

“Aad ayaan ugu diirsanay xaruntaan cusub ee naloo furay,waxaan ku baranaa farta soomaaliga qur,aanka,xisaabta,iwm” sidaana waxaa tiri mid kamid ah haweenka wax ka barta xaruntaasi cusub oo la hadleysay Radio Ergo.

sidoo kale Anisa C/raxmaan waxay iyana ka mid tahay hooyooyinka wax ka barta xaruntaasi cusub waxay idaacadda Ergo u sheegtay in ay tahay hooyo haysata 5 caruur ah, “waxaan halkaan ku bartaa ,tarbiyadda far soomaali Qur,aan iyo xisaab waana u mahadcelinayaa dadkii noo furay xaruntaan” ayay hadalkeeda ku soo gabagabeysay Anisa C/raxmaan  oo kamid ah hooyooyinka ka faaiideysanaya waxbarashada xaruntaasi cusub ee wax lagu baro haweenka eek u taala magaalada Muqdisho.


Aadan Daahir Cabdi/CC/MG

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo


Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS