Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Sarrifka lacagaha adag oo hoos u dhacay iyo qiimaha nolosha oo aysan waxba iska beddelin.

Shilinka Soomaaliga ayaa qiimahiisu kor u soo kacay inkastoo aysan isbedel ku yeelan qiimaha raashinka oo weli ah mid koreeya (Sawir: Kaydka/Maxamed Xasan/Radio Ergo)

Boosaaso 08 Mar, 2012

Bilihii la soo dhaafay ayaa qiimaha lagu kala sarrifto lacagta adag uu hoos u dhac ku yimid qaybo badan oo ka mid ah waddanka, iyadoo aysan wax badanna iska beddelin qiimaha nolosha, magaalada Boosaaso ayaana ka mid ah magaalooyinka xudunta u ah ganacsiga Soomaaliya kana mid ah goobaha hoos u dhaca lacagta adagi ka jirto.

Sidoo kalena waxaa dhaqdhaqaaqii ganacsi ee magaladan saamayn ku yeeshay dabkii dhowaan baabi`iyay suuqii ugu weynaa ee magaaladaan oo boqollaal dukaamo iyo mehrado kale ku gubteen, hoos u dhaca ku yimid sarrifka lacagta Doollarka ayaa dadku waxyaabo kala duwan kuu sheegayaan. 

Khadar Cabdi Cali, oo ka mid ah sarrifleyda Boosaaso ayaa ku sheegay arrintaan in dhaqaale badani soo galay waddanka, wuxuuna walaac ka muujiyey dhibaatada ay leedahay arrintaani oo doollarkii hoos u dhac ku yimid aysanna waxba iska beddelin qiimihii raashiinka iyo badeecooyinka kale, Wuxuuna sheegay in qabashadu maanta doollarku yahay 2530,000  (Laba milyan,shan boqol iyo soddon kun oo shilinka Soomaaliga ah), halka lagu iibinayo 2600,000.

Yuusuf Cali, oo ka mid ah bakhaarlayda Boosaaso ayaa isagu sheegay in doollarka jabay ganacsatada faa`iido ugu jirto waqtigaanna wax iibsiga iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ka socda Boosaaso uu wanaagsan yahay, inkastoo dad badan ay ku xoolo beeleen dabkii suuqaas ka kacay.

Aamina Ladan/MH/FM

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS