Baydhabo 05 Mar, 2012
Howl gallo ay sameeyeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ee dhowaan la wareegay gacan ku haynta magaalada Baydhabo, ayaa lagu soo qabqabtay dad rayid ah oo ay ku jiraan siyaasiyiin aqoonyahanno iyo ganacsato kuwaasi oo ku jira xabsiga dhexe ee magaalada.
In ka badan 30 ruux oo uu ka mid yahay guddoomiyaha jaamacadda koonfurta Soomaaliya Dr. Maxamed Cali Kalaay, ayaa lagu soo qabtay howlgalka kuwaasi oo ciidamadu ay qabteen ka dib qarax ka dhacay bartamaha magaalada kaasi oo aanu jirin khasaare ka dhashay.
Ciidamo ka tirsan dowladda oo goobta gaaray ka dib qaraxa, ayaa howlgallo ay sameeyeen ku qabqabtay tiro ka mid ah aqoon yahannada deegaanka iyo dadka kale oo ku sugnaa meel u dhow goobta qaraxa uu ka dhacay.
Taliyaha saldhigga degmada Baydhabo, dhamme Aadan biid oo telefoonka ugu warramay Raadiyo Ergo, ayaa sheegay in ciidamda ay wadaan baaritaanno ku aaddan dadka howlgallada lagu soo qabtay, isagoo xusay in markasta ay raaci doonaan sharciga si dib loogu soo celiyo ammaanka magaalada.
Dr. Maxamed cali kalaay, guddoomiyaha jaamacadda koonfurta Soomaaliya oo fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo, Dr fowzi cabdinuur, afhayeenka Aqoon yahannada koonfurta Soomaaliya iyo Col. Ruush oo k amid ah waxgaradka deegaanka ayaa qayb ka ah dadka ay qabqabteen ciidamada.
Guddoomiyaha aqoon yahannada Pro. Ibraahim Muuse Heerow ayaa si weyn u weeraray tallaabada ciidamada ay ku xireen xubnaha aqoon yahannada, isagoo sheegay in jirdil iyo tacaddiyo kale oo ka dhan ah bini`aadannimada loo gaystay xubnaha ku xiran xabsiga magaalada.
Hadalka ka soo yeeray aqoon yahannada waxaa ka jawaabay taliyaha saldhigga, oo sheegay in aanu jirin tacaddiyo ah oo ay ciidamda u geysteen waxgaradka ku xiran xabsiga gobolka.
Tan iyo markii Baydhabo ay la wareegeen ciidamda dowladda, waxaa magaalada ka soconayay hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo oo ay ku jiraan kuwo miino baaris ah oo xaafadaha ka soconayey maalmihii ugu dambeeyay.
Cabdicasiis Koronto/MG/FM