Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

AMISOM oo is ballaarisay

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku laalaabtay colaad muddo dheer(Yusuf Keynaan/Radio Ergo)

Muqdisho 14 Feb, 2012

Ciidamada midowga Afrika ee dagaalka kula jira Al-Shabaab ayaa saaka waxay isku ballaariyeen aagag dhowr ah oo ay ka mid yihiin Sarkuusta, agagaarka Jaamacadda Shabeelle, Cali Janaalle iyo sarta Maslax, ka ddib dagaal ay halkaasi kula galeen ciidamada Al-Shabaab sida ay sheegatay AMISOM.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya inay arkeen taangiyo ku sii jeeda dhinaca Ceelasha biyaha, oo ay ku sugan yihiin kumannaan kun oo dad barakacay ah.

Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan ay shaacisay dowladda Soomaaliya inay isku ballaarin doonto daafaha Muqdisho, mana jirin warar sheegaya in howlgalkan cusub ay saamayn ku yeesheen dad rayid ah iyo in kale.

Ururrada bulshada rayidka ah ayaa qaba walaac la xiriira in colaadaha oo ku ballaarta dhulalka Ceelasha biyaha oo deegaan ay ka dhigteen kumannaan kun oo barakacayaal ah uu sababi karo Khasaare soo gaara dadka rayidka ah.

Maxamed Gaarane/FM

 

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS