Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Xaaladda qoys ka mid ah curyaamiinta gobolka Bay oo laga deyriyay

Baydhabo 14 Feb, 2012
Xaaladda nololeed ee qoys ka kooban shan xubnood oo curyaamiin ah ayaa laga deyrinayaa, ka dib markii ay soo wajaheen cunno la`aan iyo caafimaad darro iyadoo aysan jirin kaalmooyin ay helaan waxaana ay ku nool yihiin tuulo masaafo fog u jirta magaalada Baydhabo.

Curyaamiintan  oo uu u dhaqdhaqaaqo wiil ay dhashay hooyo ka mid ah dhibbanayaasha,  ayaa cunno ahaan u quudan jiray miraha geedo ku yaalla tuulada ay ku nool yihiin sida ay sheegeen dadka deegaanka oo xaaladda qoyskaasi aad ula socday.

Seddex ka mid ah curyaamiinta oo ay ku jiraan labo ruux oo da`doodu ay kala tahay 70 iyo 80 jir ayaa ah kuwo aanu ka istaagi karin fadhiga, halka hooyada dhashay wiilka u adeega ay a woodi karto in ay samayso dhaq dhaqaaq aan badnayn.

Sida Raadiyo Ergo ay u sheegeen xubno deggan tuulada Beerdhimbille oo ku dhowaad 100km u jirta magaalada Baydhabo, curyaamiinta ayaa ah walaalo soo wada noolaa sanadihii ugu dambeeyay kuwaasi oo la sheegay in xoolo ay lahaayeen ay ka dhammaadeen markii gobolka ay saameysay macluushii Soomaaliya.

Nolosha qoyskan ayaa mucjiso ku noqonaysa ruux kasta oo maqla marka la xusuusto abaaro galaaftay nolosha kumannaan dad ah oo ku noolaa gobolka, balse tuulada Dhimbille ayaa ka mid ah goobo dhif ah oo bulshadii ku noolayd aanu u barakicin gobollo kale.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in gar gaar isugu jira cunno iyo lacag ay gaarsiiyeen qoyskaasi oo curyaannimada ka sokow dareemaya duruufo adag oo nololeed.

Sheekh Suldaan Aala Maxamed oo la hadlay warbaahinta gobolka ayaa sheegay in xaaladda qoyskaasi ay aad u liidato balse ay gaarsiiyeen gar gaar kooban, isagoo xusay in curyaamiinta ay soo mareen xilliyo kala duwan oo aad u dag balse hadda maamulkooda uu u sameynayo gar gaar si xaaladooda wax looga badello.

Qoysas badan oo u dhibaataysan sida curyaamintan oo kale, ayaa ku nool deegaanno kale oo ka mid ah gobolka kuwaasi oo aan helin gar gaar cunno iyo mid caafimaad.

Qaar ka mid ah hay`adaha gargaarka ayaa horey looga mamnuucay inay ka hawl galaan qeybo ka mid ah dalka.


Cabdicasiis Cabdinuur/MG/FM



Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo


Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS