Galgaduud 13 Feb, 2012Maamulka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ee gobolllada dhexe, ayaa xukun ku riday 8 qof oo looga shakiyay falal bucad-badeednimo ah iyo inay ammaan darro ka wadeen deegaannada uu maamulku ka taliyo.
Sheekh Saciid Sheekh Maxamed, oo ah madaxa garsoorka ee maamulka Ahlu-Sunna ayaa Raadiyo Ergo uga warramay qaabka uu xukunkaasi u dhacay “Dadka aan xukunnay waxay isugu jireen kuwo burcad badeednimo ku eedeysan iyo kuwo kale oo iyaguna falal ammaan darro ah lagu eedeeyay, waxaan u xukunnay sida ay dambiyadooda kala yihiin.”
Cabdi Geelle Jaamac, oo ka mid ah dhalinyarada falalka burcad-badeednimada ku eedeysan oo Raadiyo Ergo la hadlay ayaa sheegay inuu mar hore iska daayay falalkaasi uuna haatan maamulka ka codsanayo cafis.
Sheekh Saciid ayaa ugu baaqay kooxaha burcad-badeedda inay ka waantoobaan falalkaasi foosha xun, oo sida uu sheegay dhibaato ku ah bulshada Soomaaliyeed iyo dadka ajaanibta ah ee badaha dalka isticmaala.
Maamulka Ahlu-Sunna, ayaa kooxaha burcad-badeedda hore uga mamnuucay deegaannada ay ka taliyaan.
Cabdifitaax Xasan Faarax/FM