Muqdisho 08 Feb, 2012
Weerarkan isqarxinta ahaa oo loo adeegsday gaari yar oo nooca raaxada ah ayaa lala bartilmaameedsaday afaafka hore ee hoteelka muna oo qiyaastii 200 oo mitir dhinaca koonfureed kaga began aqalka madaxtooyada ee villa soomaaliya.
Goobtan ayaa ah bar istareetiji ah oo lagu nasto halkaa oo ay xiliga uu qaraxa dhacayay ay dad badan ku sugnaayeen, waxaana ilaa haatan inta la xaqiijiyay ku dhinatay 10 ruux sida ay Radio Ergo u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in inkabadan 15 ruux ay sidoo kale dhaawacyo kala duwan ku soo gaareen goobta, kuwaa oo ay kamidyihiin dhowr xildhibaan oo dhaawocoodu lagu sheegay in ay fududyihiin, sida uu Ergo u xaqiijiyay xildhibaan Daahir Ciiro oo kamid ah xildhibaanadii goobta ku sugnaa.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa la wareegay ciidamo farabadan oo ka tirsan dawlada kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena la arkayo gaadiidka ambalaaska oo daabulaya dhaawacyada.
Yusuf Keynaan/MG