Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Barakacayaal ku nool Buuhoodle oo saamayn ay ku yeesheen dagaallada

Qaar kamid ah dadka barakacay ee Buuhoodle(Cabdikarin Olol/Radio Ergo)

Buuhoodle 08 Feb, 2012

Dadka Barakacayaasha ah ee ku nool magalada Buuhoodle ayaa  xaalado nolol xumo  ay la soo darseen, waxayna ka cabanayaan dagaallada ka soo cusboonaaday degmadaasi.

Barakacayaasha oo qaarkood ay ka mid yihiin dad dhowaan ka soo barakacay abaarihii waddanka ku dhuftay, ayaa waxay sheegeen inay carruurtooda la soo darseen xanuunno, iyagoo markii horeba ku tiirsanaa kaalmooyinka ay u fidin jireen dadka deegaanka oo haatan ay saamaysay colaadda.

Qaar ka mid dadkan, ayaa waxay u qaxeen deegaannada  Xamar lagu xidh, Ballicad, Goob’Marqaan, Dandan,  Dhilaal,  Horufadhi, Ceegaag iyo Widhwidh, mana jirin sida ay sheegeen wax gargaar ah oo soo gaaray.

Cabashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaanahan ay isa soo tarayeen cabashooyinka ka imaanaya dadka bukaannada ah, oo iyagu tilmaamay in daawo la`aan ay ku hayso degmada Buuhoodle inkastoo ay jireen daawooyin ka soo gaaray hay`adda  UNICEF.

Ugu dambeyntii  odayaasha iyo wax garadka deegaanka Buuhoodle, ayaa waxay codsi u direen hay`adaha caalamiga ah inay wax la soo gaaraan gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ku sugan gudaha magaalada Buuhoodle oo iyagu ay iusgu darsoomeen colaado iyo gargaar la`aan.

Cabdikariin Olol/MG

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS