Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Isbitaalka Baydhabo oo dayactir lagu sameeyay

Dayac xoogan ayaa soo gaaray adeegyada dadweynaha Soomaaliya(Maxamed Gaarane/Radio Ergo)

Bay 08 Feb, 2012

Qeybo kamid ah cisbitaalka dhexe ee gobolka Bay oo ay kamuuqatay bur bur soo gaaray sanadihii ugu dambeeyay ayaa markii ugu horaysay maamulka ka taliya deegaanka waxaa uu sameeyay tallaabo lagu dayactirayo goobo bur bursanaa oo ay gaabis ahaayeen adeegyada loogu qabto bulshada ku dhaqan gobolka.

Goobaha dayactirka lagu sameeyay waxaa kamid ah qeybta qalliinka, qeybta la jiifiyo bukaanada iyo dhismo gaar ah oo markii hore loogu talagay in lagu nafaqeeyo caruurta dhibaataysan iyo kuwa nafaqo la’aanta ay ka muuqato.

Sheekha Jaamac madaxa caafimaadka maamulka Gobolka Bay ee Al-shabaab oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dayactirkan ay ku sameeyeen qeybo kamid ah cisbitaalka uu horumarinayo adeegyada cisibitaalka iyo sidii loo dabooli lahaa baahida ay qabaan bukaanada.

Waxaa jira dhinacyo badan oo muhiim ay ahayd in waxlaga qabto sida horumarinta dawada lagu baxnaaniyo bukaanda oo gaabis ahaa tan iyo markii al-shabaab ay mamnuuceen hawlahii samafal  ee hayadaha gar gaarka.

Cisbitaalka dhexe ee gobolka Bay waxaa jiifa bukaanno kor u dhaafaya 30 kuwaasi oo la xanuunsanaya cudurro ay kamid yihii Duumada, nafaqodarida iyo kuwo kale oo ay soo gaareen dhaawacyo fud fudud una baahan in ay helaan gar gaar caafimaad.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah hawlwadeenada cisbitaalka waxaa jira hoos u dhac ku yimid saameynta  duumada ay ku yeelatay caruur iyo waayeel  oo bilihii la soo dhaafay la xanuunsanayey cudurkaasi markii deegaanada gobolka ay ka curteen roobab mahiigaan ah.

Marka laga soo tago dayactirka lagu sameeyay qeybo kamid ah cisbitaalka waxaa jira hoos u dhac ku yimid adeegyada biyaha iyo korontada sida uu sheegay Sheekh Jaamac madaxa caafimaadka gobolka.

Maamulka gobolka Bay ayaa dhowaan cisbitaalka ku biiriyay saraakiil caafimaad oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi ka qeyb qaata maamulka cisbitaalka iyo daweynta bukaanada, duruufaha dhanka biyaha iyo korontada ee soo wajahay cisbitalka ayaa imaanaya xilli sidoo kale la dareemayo gaabis ku yimid dawada loogu talagalay cisbitaalka oo horay ay u bixisay hayaddii maamulaysay.

Cabdicasiis Cabdinuur Koronto/MG

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS