ARRIMAHA BANI’AADANNIMADA

Badmaaxiin u dhashay Thailand oo ku dhibaataysan Xarardheere

Afarta badmaaxiin ee u dhashay Thailand oo gacanta ugu jira kooxaha burcad badeedda (Sawir: Axmed Soomaali Raadiyo Ergo)
Mudug 04/01/2012Wararka naga soo gaaraya degmada Xaradheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalad adag halkaasi ay ku haysto afar qof oo ay kooxo burcadbadeed Soomaali ah gacnata ku hayaan.

Badmaaxiintan oo tiradoodu ay gaareyso afar qof ayaa u dhashay dalka Thailand waxaana muddo ku dhaw laba sano ay gacanta ugu jiraan koox burcad¬ badeedd ah, kuwaasoo markii hore uu la soo caariyey markab kalluumaysi ka dib markii uu ka go`ay shidaalkii.

Afartaan qof oo uu ku jiro kabtankii markabka wadey ayaa markii uu markabku la soo caariyey waxay gaarayeen illaa 18 qof, waxaana gurmad samato bixin ah u fidiyey waxgarad iyo odayaasha Xaradheere, iyagoo badbaadiyey 14 qof oo ka mid ah badmaaxiyiintaasi, halka 4-tii kalena ay la dhaqaaqeen kooxihii markabka afduubka ku qabsadey ee burcad badeedda.

Dowladda Puntland ayaa u soo gudbisey Safaaradda dalka Thailand ee magaalada Nairobi 14 ka mid ah badmaaxiintan oo ay soo gudbiyeen odayaasha gobolka Mudug , iyadoo labo ka mid ah badmaaxiyiintan ay ku dhinteen badda inta uu dulsabeynayey markabka badda.

La-haystayaasha iminka gacanta ugu jira kooxaha burcadbadeedda ayaa mar ay  la hadlayeen warbaahinta waxay sheegeen in xaaladdooda ay tahay mid aad u liidata, iyagoo dowladda Thailand ka codsadey in ay gurmad ay u soo fidiso si ay u helaan xurriyaddooda ayna dib ugu laabtaan ehelladooda .

Kooxaha burcad badeedda Soomaaliya ayaa afduub u heysta maraakiib iyo dad ajaanib ah ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin labo shaqaale oo u shaqeynayay hay`adda Miino baarista DDG ee dalka Denmark una kala dhashey dalalka Mareykanka iyo Denmark kuwaasoo  laga afduubay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Axmed Nuur Soomaali/FM/MG

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo

Qodobbo dheeri ah

HOY
WARARKA
BARNAAMIJYADA
QODOBBO
MUUQAAL
SAWIRRO
WARAYSIYO
KAYDKA
ANNAGA
NAGALA SOO XIRIIR
BARNAAMIJYADHII HORE