ARRIMAHA BULSHADA

Reer guuraaga ku nool duleedka Laasacaanood oo ka cabanaya dulinka xoolaha cuna xilliga barwaaqada ah

Dulinku xoolaha wuxuu u keenaa xanuunno badan(Sawir:Cabdikariim Olol raadiyo Ergo)
Sool 13/12/2011Waxaa dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaanka Kalabeydh ee duleedka magaalada Laasacaanood dhibaato wayn ku haya dulin xoolaha cunaya xilliyada barwaaqada ah, taas oo dadka reer guuraaga ah saamayn ku yeelatay xoolaha ay dhaqdaan markii ay  ka soo doogeen abaartii darnayd ee  ka dhacaday guud ahaan Soomaaliya, haddaba xoolo dhaqatada ayaa waxay walaac ka muujiyeen dulinkan xoolaha cunaya ee ka dhalanaya jeexyada  waawayn ee xooluhu ay daaqaan.
  
Cabdiraxmaan Cali Xaaji Aadan, oo ka mid ah dadka reer guuraaga ah ayaa radiyaha Ergo u sheegay in  deegaanka uu ka kacay shilin fara badan, haddana xoolaha uu hayo xanuunno badan sida xanuunka loo yaqaanno jooga oo ku dhaca adhiga.
 
Marka hilibka adhiga la qalo waxaa is baddala muuqaalkiisa oo noqda midabka hurdiga, xanuunnada ugu daran ee geela hadda haya waxaa  k amid ah finduudka iyo suwiyaha oo dhibaato wayn ku haya,  waxaa sidoo kale geela lagu arkay  xanuunka loo yaqaanno furuqa oo ku dhacaya  geela.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa wuxuu sheegay inay adeegsadaan daawada dadka la siiyo  sida kiniinka kaneecada iyo kaar jabinta, balse aysan deegaanka ka jirin dhaqaatiirta xoolaha.

Xaalku si kastaba ha noqdee, dulinkan cunaya xoolaha ayaa wuxuu noqonayaa mid dhibaato wayn ku soo kordhiya xoolo dhaqatada deegaannadan oo horay ay u naafaysay abaar daran, sidoo kale waxaa dhibaato wayn keeni kara dadka reer miyiga ah oo xoolaha siinaya daawada dadka oo aan ahayn mid la siin karo kana dhigaysa in neefka ay ku dhacaan xanuunno aan la garanayn.

Sidoo kale dadka reermiyiga ayaa waxay  codsanayaan in laga caawiyo sidii looga daawayn lahaa xanuunnadan daran ee haya xoolahooda, maaddaama aysan awood u lahayn  sida ay sheegeen gadashada daawooyinka xoolaha la siiyo, iyagoo codsaday in laga caawiyo sidii wax looga qaban lahaa dulinka cunaya xoolahooda.

Cabdikariim Cabdullaahi Olol/FM

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo

Qodobbo dheeri ah

HOY
WARARKA
BARNAAMIJYADA
QODOBBO
MUUQAAL
SAWIRRO
WARAYSIYO
KAYDKA
ANNAGA
NAGALA SOO XIRIIR
BARNAAMIJYADHII HORE