Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Isha Baydhabo oo biyo aan nadiif ahayn ay ku jiraan lagana baqayo inay sababaan cudurrada biyaha ka dhasha

Bay 12 Dec, 2011
Ka shaqeynta nadaafadda deegaanka, horumarinta adeegyada caafimaadka iyo tilmaamo la xiriira goobaha ay ka dhashaan cudurrada ayaa ka mid ahaa baaqyo ka soo yeerayey maamulka iyo saraakiisha caafimaadka ee magaalada Baydhabo  maalmihii ugu dambeeyay.

Qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha, waxaa ka soconaya olole nadaafadeed laakiin Isha-Baydhabo oo ka mid ah goobaha ugu caansan magaalada, waxaa ka soo burqanaya biyo qul qulkoodu uu soo gaarayo qeybaha sare ee buundada una dhow hotel Eedin.

Qiyaastii siddeed sano oo ay ku jiraan sanado abaaro salfaday dad iyo duunyo ay ku habsadeen gobolka, ayaa markii ugu horreysay isha waxay keentay biyo muuqaalkooda aan wanaagsaneyn oo keeni kara cudurro saameeya dadka ku nool xaafadaha u dhow buundada ay hoos maraan biyaha ka soo fataha barta ay ku taallo Isha-Baydhabo.

Sida maanta isticmaalka biyaheeda looga deyrinayo ma ahayn  qarniyadii ka horreeyay kan hadda aanu ku jirno, xeeldheerayaasha deegaanka ayaa ku warramaya muddo haatan laga joogo 700 oo sano ka hor ama nawaaxiga qarnigii 12-aad in Ishu ay ahayd goob qowmiyado kala duwan ay isugu yimaadaan, bartaasi oo la sheego in ku dhowaad 5-km ay magaalada ka xigto dhinaca Woqooyi.

Pro. Ibraahim Muuse Heerow, oo ah aqoonyahan darsa taariikhda ayaa si kooban u sharxay sida Isha  loo degay ka hor inta aysan ku fidin Magaalada inteeda kale, isagoo sheegay in qowmiyado kala duwan oo ka yimid goobo kala duwan ay deegaan ahaan u soo degeen Isha halkaasi oo ay degganayd haweeney lagu magacaabo Caashoow oo ahayd shakhsigii ugu horreeyay oo soo dega goobta.

Sanadahan dambe jiilaalka daba dheeraaday ee sida weyn saameeynta ugu yeeshay koonfurta, ayaa qul qulkii biyaha Isha Baydhabo u beddelay goob qallaln oo saxaro ah, balse maalmahan roobabka ka curtay magaalada ayaa dib u soo nooleeyay deegaankaasi oo hadda lagu arkayo haween biyo dhaansanaya iyo carruur dhex dabaalanaya biyaha, saraakiisha caafimaadku ayaase ka deyrinaya isticmaalkooda.

Qeybaha hoose labo buundo oo biyuhu ay maraan waxaa ka jira nadaafad darro keenaysa cudurro faafa ,iyadoo carruurtu ay yihiin kuwo aalaaba ku dabaasha biyahaasi aan nadiifka ahayn.

Dadka deggan nawaaxiga labadaaasi buundo, ayaa walaac ka muujinaya cudurrada shubanka iyo duumada, oo soo ritay tiro ka mid ah carruurta xaafadahaasi iyagoo xusay in maalmahan ay soo kordhayaan carruurta la xanuunsaya cudurradaasi.

Saraakiisha caafimaadka, ayaa maalmahan jeedinaya baaqyo is daba joog ah oo ku aaddan ka hortagga cudurrada iyo ka fogaanshaha biyaha wasakheysan ee Isha Baydhabo, waxaana saraakiisha caafimaadku ay sheegeen in xaaladda caafimaad ay sii adkaan doonto haddii aan la qaadin tallaabooyin muhiim ah.

Isha-Baydhabo waxay beri ahaan jirtay goob ay qulqulaan biyo nadiif ah oo ku wanaagsan cabidda, iyadoo ay ku soo qul quli jireen ganacsato Beershiyaan ah oo gobolka ka qaadan jiray fool-maroodiga, Subagga iyo ukunta.

Biyaha ka soo burqanaya Isha ayaa soo dulmara buuro waaweyn oo qaarkood dhaca dhinaca Woqooyi ee Magaalada, kuwaasi oo ugu dambeyn ku shuba beeraha Carabta iyo Gerbada oo k amid ah goobaha ugu caansan Baydhabo Jannaay.

Cabdicaziiz Cabdinuur/FM

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo


Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS