Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Naafada Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhibaatooyinka haysta

Dhibaatooyin kala duwan ayaa gudaha Soomaaliya ku haysta naafada(Xigasho/Google Images)

Muqdisho 06 Dec, 2011

Kulan ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG ah ee Soomaliya, ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday dowladda  iyo qeybaha kala duwan ee dadka naafada ah,  waxaana halkaasi lagu soo bandhigay dhibaatooyinka haysta xilligaan dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Maxamed Cusmaan Cumar, oo ku hadlayay magaca naafada qaranka Soomaaliyeed  ayaa kulanka ka sheegay in dadka naafada ah ay xilligaani haystaan dhibaatooyin kala duwan, waxaana uu codsaday in dowladdu ay ansixiso isla mar ahaantaana aqoonsato ururka naafada qaranka Soomaaliyeed, si uu ula tartamo ururrada naafada ee ka dhisan caalamka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Maxamed Tarsan, oo isna hadallo ka jeediyay goobta  ayaa ku dheeraaday caqabadaha iyo dhibaatoyinka ku hor gudban dadka naafada ah ee Soomaaliyeed, wuxuu sheegay in dadka naafada ah aysan ka liidan kuwa kale ee caadiga ah.

“Waa in la joojiyaa naaneysyada iyo magacyada aan munaasibka ahayn ee loogu yeero dadka naafada ah, taasoo wax yeeli karta noloshooda, waa in loogu yeeraa magacyadooda caadiga ah, teeda kale waaa in naafada aan loogu yeerin magaca curyaan ee loogu yeeraa naafo.” sidaana waxaa kulanka ka sheegay guddoomiye Tarsan ,isagoona dhinaca kale qiray in dadka naafada ah aanay helin xuquuqdii ay xaqa u lahaayeen,waxaana uu soo jeeediyay in naafada loo abuuro xirfado kala duwan oo ay ku shaqaystaan,  ‘dadka naafada ah waxay ka shaqeyn jireen warshaddii kabaha ,xafiisyadii dawladdii kacaanka , tolidda dharka ay ku labisan jireen ciidankii qalabka siday ee soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiye Tarsan oo toosh ku ifinayay doorka muuqda ee ay dadka naafada ahi ka qaadan karaan kobcinta dhaqaalaha dalka .

Guddoomiye Tarsan, ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in lacagaha Soomaaliyeed ee yaalla Nairobi la keeno dalka, naafadana looga faa`iideeyo, isagoo ugu dambeyn beesha caalamka ugu baaqay inay gacan siiyaan dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Gabagabdii kulankaasi, waxaa isna khudbad ka jeediyay  ku simaha ra`iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee  Soomaaliya, ahna wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas  Khaliif, isagoo sheegay in dawladdu ay ballan qaadayso in dadka naafada ah ay helaan xuquuqdooda. “waxaad tihiin xoog aan la xaqiri Karin , waxaana idiin sheegayaa in dhammaan dadka naafada ah ay yeeshaan xiriir gobol kasta oo Soomaaliyeed ha joogeene.” ayuu yiri wasiirka.  Wuxuu intaa ku daray in dawladdoodu ay ballan qaadayso in naafada ay ka caawiyaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo hoyga.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay in dadka naafada ah ay soo gaarsiin doonaan, gurmad ay kala kaashanayaan hay`adda musiibooyinka qaranka.

Si kastaba  ha ahaatee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa ku sugan dad naafa ah oo isugu jira kuwa dabiici ah iyo kuwa kale oo ku naafoobay dagaalladii kala duwanaa ee soo maray dalka, kuwaasoo ay gudaha magaalada ku haystaan dhibaatooyin bani`aadannimo.

Yuusuf Keynaan/MG/FM

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS