Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

UNICEF oo ka walaacsan xaaladda carruurta Soomaalida ah

Carruurta ayaa waxa ay u dhintaan cuduro la daaweyn karo(Abdisamad/RadioErgo)

Nairobi 16 Nov, 2011

Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay inay walaac qoto dheer ka qabto saamaynta dagaallada ka sii huraya Soomaaliya ay ku yeesheen carruur yar yar.

Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Sikander Khan ayaa sheegay in tirada carruurta iyo dadka rayidka ah ee waxyeellada ay ka soo gaarayso dagaallada ay korortay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay hay’addaasi soo saartay, dhibaatooyin aad u murugo badan ayaa lagula kacay xuquuqda carruurta- hay’adda ayaa waxay tilmaamtay in illaa  24 carruur ah ay dagaallada ku dhinteen bishii October – taas oo noqonaysa ku dhowaad laba laab tirooyinkii billaha ahaa ee sanadkan la uruuriyay. 58 kale oo dhammaantood carruur ah ayaa la xaqiijiyay inay dhaawacyo soo gaareen illa bishaas October.

Warbixinta ayaa xustay in tirada ugu badan ee carruurta dhimatay bil walba ay u geeriyoodeen sabab la xiriirta dagaallada . warsaxaafadeedka ayaa sanadan  2011, lagu sheegay in  300 cunug si xun loogu dhaawacay, in kabadan 100 kalena lagu dilay Soomaaliya.

Mr Khaan ayaa sheegay, in tirada la xaqiijiyay ay dhici karto inay ka sii badan yihiin tirada carruurta la dilay ama la dhaawacay ee aan la xaqiijin ama aan la soo wargelinin. waxaana uu carrabka ku adkeeyay in nolosha carruurta Soomalida ah ay halis weyn ku jirto marka loo eego dagaallada sii huraya.

Warbixinta ayaa waxaa dhinaca kale ay tilmaamtay in in k abadan  600 oo carruur ah la askareeyay halka in kabadan 200 oo kalena oo gabdho u badan  ay warbixintu sheegtay in la kufsaday.

Dhibaatooyinkaas ayaa waxaa sii biiriyay gargaarka banii’aadannimo oo meelaha qaar aana gaari Karin dagaallada dartood iyo macaluul iyo cudurro ku sii kordhay.

 

Mohamed Gaarane/FM

 

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS