Arrimaha bani’aadannimada

Weriye Cabdicasiis Koronto (Sawir: Radio Ergo)

Cabdicasiis Koronto: “dilkii Labadaydii Qareen Waa Mugdi Soo Wajahay Dhibbanayaal Badan”

Nairobi 24/04/2013 - Weerarradii is miidaaminta ahaa ee lagu soo qaaday maxkamadda sare ee magaalda Muqdisho 14kii bishan Abriil 2013 ayaa sida la og yahay waxaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay labada qareen ee kala ahaa Prof Maxamed Maxamuud Afrax iyo Doctor Cabdicasiis Xasan Gorod. Labadan qareen ayaa ahaa kuwii u doodayay Cabdicassiis Ibraahim Koronto  oo ahaa weriye u soo warrama idaacadda Ergo oo loo xiray inuu wareystay haweeney ku cabatay iney kufsadeen rag ku labbisan direyska askarta dawladda iyoLuul Cali Cosmaan oo loo haystay iney ka been abuurtay sheekdada kufsiga.  Labada qareen ayaa kaalin mug leh ka qaatay sidii loo sii deyn lahaa labadan dhibbane iyadoona ay jirtay cadaadis kale ee ka imanayay hay`adaha caalamka ee u dooda xuquuqda bani`aadamka. Haddaba Cabdicasiis ayaa uga sheekeeyay radio Ergo sida uu uga tiiraanyooday dilkii loo geystay qareennadaas ee uu ku tilmaamay iney tahay mugdi soo wajahay dhibbanayaal badan. Cabdicasiis wuxuu sheekadiisa ku bilaabay:“Anniga lixdan iyo lix maalmood ayaan xabsi ku jiray, horay weligay la iima xirin, waxaanan wakhtigaas ka soo maray xaalado adag, waxaanse ugu dambayn helay xoriyadaydii, waxaanan u mahad celinayaa dhamaan qaybihii kala duwanaa ee ka qayb qaatay sii dayntaydii, inta nool iyo intii dhimatay oo ay ka mid yihiin labadaydii qareen ee dhacdadii xanuunka badnayd lagu dilay.Labadaan qareen xasuus weyn ayey igu leeyihiin, markaan xasuustana dareen gaar ah ayaan galaa, shakhsiyadoodu runtii aad baan ula dhacsanaa, siday ula macaamilaan qof xiran, xabsi aanan xushmo ku lahayn oo ay u muujiyaan qadarin,  dadaalkay siiyaan dadka xiran iyo sidii ay u heli lahaayeen xaqa sharci ee dadkaas xirani leeyihiin.Intaan la i xirin labadaan qareen aqoon durugsan uma lahayn, keliya marar aan warar u doonto ayaan u tegi jiray, waxaanse aad u bartay intii ay ii noqdeen wakiilo i difaaca, todobaad kasta laba goor ayey xabsi iigu imaan jireen intaan xiranahay, waxayna ii dejin jireen qalbiga, waxyaabaha ay igu imaan jireenna waxaa ugu weynaa inay i siiyaan dhiiri gelin miskaxeed, waxay ahaayeen dad faraxsan markay ii imaanayaan, ereyaday i dhihi jireenna waxaa ka mid ahaa samir, xaq darro ayaad u xiran tahay waana lagu sii deyn doonaa.Arrinta aanan marna ilaaweyn ayaa ahayd, markii cudurka shubanku ka dilaacay xabsiga ...akhri
Carruur cunto bisil ka qaadanaysa jiko ku taal Kismaayo/Sawir/Kaydka/Khadar/ERg

Xaaladda Samafalka Ee Soomaaliya Oo Meel Fiican Mareysa

Nairobi 17/04/2013 - Afhayeennka hay`adda gargaarka Qaramada Midoobay  ee OCHA Cabdi Yuusuf Nuur ayaa ku tilmaamay iney xaaladdii samafalka ee Soomaaliya tahay mid aad u soo kabatay. Sarkaalkan oo wareysi siiyay raadiyo Ergo ayaa ka warbixiyay in xaaladihii adkaa ee sanooyinkii 2012kii iyo 2013 si weyn hadda looga gudbay, isbeddel weyna laga sameeyo dhinacyo badan oo la xiriirta nolosha bani`aadamka.“ Hay`adihii gargaarka bixin jiray weli waa joogaan, howshoodiina sidii bay u wataan, meel badan oo  aan wal la gaari jirinna hadda waxaa suurtowday in la gaaro karo oo gargaar la gaarsiin karo” waxaa yiri afhayeenka, wuxuuna intaas raaciyay iney hay`adaha caalamiga qaarkood ay gaareen oo ay ka shaqeeyaan meelaha ku dhowdhow Muqdisho oo ay shaqo fiican ka wadaan, hase ahaate ayan weli hay`daha Qaramada Midoobay weli saldhigan meelaha goobahaas.Mar Cabdi Yuuf la weydiiyay sida uu iminka yahay xaalka dadka barakacayaasha ka dib markii warbixintii bishii Febraayo lagu sheegay in macluushii Soomaaliya ay dhamaatay wuxuu yiri” Barakac ma jiro hadda, lamana sheegin dad hor leh oo soo barakacay oo Muqdisho u soo raadsanaya gaargaarka, balse waxaaba jirta dad ku sugnaa xeryaha barakaca qaarkood oo dalbanaya in dib loogu celiyo deegaannadoodii hore oo ay ka yimaaddeen”.“ Dadka barakacayaasha ee ku nool xeryaha magaalada Muqdisho waxaa lagu qiyaasaa ilaa 360,000 oo qoys, waana tiro badan, waa hubaal iney dhibaato badan qabaan, nolol fiican oo tayeysan oo la sheegi karana ma haystaan, inkastoo ay haddana gacanta ku hayaan hay`adaha samafalka haddana lama dhameystiro karo noloshooda, lagumana qiimeyn karo iney noloshan xeryaha ay ku jiraan ay u dhaanto meeshii ay ka yimaaddeen” sidaasna waxaa yiri Cabdi Yuusuf maruu ka jawaabayay  xaaladda ay ku nool yihiin barkacayaasha Muqdsisho.Waxay idaacadda Ergo weydiisay Afhayeenka sida ay hay`adda gargaarka Qaramada Midoobay uga warqabto cabashooyinka ka imanaya dadka oo ah inaanu deeqaha raashinku aanuba gaarin wuxuuna Cabdi uga jawaabay “ Waa maqalnaa laakiin run ahaantii gargaarku waa noocyo badan yahay, cuntada, daawada, fayo-dhowrka iyo dhinacyo kale oo badan, wax kastana lama dhihi karo wax kasta dhib baa kaa jira, markii aan soo qaadanno xagga raashinka mana jiraan wax dhibaato ah oo ka taagan sidaan og nahayna ma jiraan” ayuu yiri Cabdi Yuusuf, wuxuu kaloo sheegay in goobtaan hadda dadka la dejinayo laftigeedu aysan ahayn meel rasmiya, dadkana loo raadinayo hab ugu dambayn dib loogu celiyo goobahay ka yimaadeen.Afhayeenku waxaa kaloo uu ka hadlay arrimaha dib u dejinta sida ay ugu go`an tahay hay`adaha adduunka in dadkaas barakacayaasha ee ku nool Muqdisho loo diyaariyo meelihii la dejin lahaa, iyadoo ka hor loo gelayo tabaabusho iyo qiimeyn arrintan ku saabsan, ugu dambeynna waxaa loogu talagalay dadkan in raristooda lagu soo dhameeyo 20 Agosto ee sanadka 2012ka sida uu sheegay Cabdi Yuusuf.Laba sano ka hor ayey aheyd markii barakacayaashii ugu badnaa ay soo gaareen magaalada  Muqdisho oo gaaraya 360,000 oo qof, kadib markii ay ku ceyrtoobeen abaartii xilligaasi iyo colaado is biirsaday. Iminka ayaa waxaa jira dadaal caalami ah oo ay wadaan hay`adaha caalamka oo ah  sidii wax looga qaban lahaa looguna  taageeri lahaa dawladda Soomaalida sidii ay dadkaas ugu sameyn lahayd dib-u-dejin , looguna habeyn lahaa nolol dhaanta midda ay haatan ku jiraan.Radio Ergo...akhri
Hooyo nadiifisanaysa gurigeed oo ku yaal Beledweyne/Sawir/kaydka/Abdullahi Salad/Ergo

Waa Sidee Nolosha Qoysaska Soomaalida?

Soomaaliya 16/04/2013 - Warbixin  ay si wada jir ah maanta 16 Abril 2013 u soo saareen hay’adaha UNICEF,UNDP, WFP, WHO, FAO iyo UNFPA ayaa lagu sheegay  in saddex meelood meel  ay qoysaska maamulaan haween, halka haweenkasina aysan 70% helin tacliin, waxayna warbixintu tilmaameysaa in hooyooyinka hadda haysta caruurta ka yar 5ta sano aysan badi lahayn wax tacliin ah.Warbixintu waxay rajo ka muujineysay  habka nololeed qoyska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool Puntland iyo Somaliland waxayna tilmaameysaa iney jirto rajo ka soo kabasho ee dhinacyada tacliinta gabdhaha, helitaanka biyaha,  joojinta gudniinka fircooniga, ku shaqaynta carruurta iyo ka hor tegista cudurka HIV/AIDS. Mar uu raadiyo Ergo ka wareystay warbixintan  Susanah Pirce oo ah afhayeenka  UNICEF ee xafiiskeeda Soomaaliya iney ka naga siiso fikrad waxa ay warbixintan ku qotonto waxay tiri” Sahankaan nolosha guryaha laga samaynayo  ee waddanka waa mid UNICEF ay ka fuliso dhammaan dunnida laguna ogaanayo habka wax haysi iyo awoodda nololeed ee qoyska, iyadoo u qaadanaysa tusaale dadka ku nool magaaloyinka, tuulooyinka iyo dhulalka miyiga ah, kuwa saboolka ah iyo kuwa qaniga ahba dhamaan dhinacyadda nololeed, waxaanan ka samaynay baadhitaankaan Puntland iyo Somaliland iyadoo duruufaha amaan ee koonfurta iyo bartamuhuna ay saamixi waayeen, waxaanan waydiinay su’aalaha aasaasiga u ah nolosha dhamaan carruurta iyo haweenka, si aan u ogaanno noloshay haystaan, xuquuq noocee ah oo ay haystaan, ee dhinacyadda caafimaadka, wax barashadda, saxadda biyaha iyo ilaalinta jawaabihii ka soo baxay ayaana sal u ah warbixintaan sahanka ah ee aan goboladaan ka samaynay”...akhri
Goob dar ah oo ay ku hareen biyo yar(Sawir Keydka: Cabdikariim Olol/Radio Ergo)

Nolosha Degmada Maydh Oo Liidata

Sanaag 27/02/2013 - Degmada Maydh waa degmo qadiim ah oo ku taalla dhulka xeebta ah ee gobolka Sanaag, waxayna  85 Km u jirtaa degmada Ceerigaabo. Maydh waxa dadka ku nool ay  u badan yihiin dad kalluumaysato ah balse muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxay ka cabanayeen xaalado nolol xumo oo soo foodsaaray....akhri
Xiriiriya arrimaha bani'aadanimo ee Soomaaliya Justin Brady (Sawir/Ruberto Ruso/OCHA - Somalia)

Qorshe Lagu Doonayo In Gudaha Muqdisho Looga Raro Barakacayaasha

Nairobi 21/02/2013 - Qorshe lagu doonayo in gudaha Muqdisho looga raro barakacayaasha...akhri

Ururo Caalami Ah Ka Walaacsan Xukunka Cabdicasiis Koronto

Muqdisho 07/02/2013 - Ururo ilaa shan ah oo xuquuqul insaanka iyo arrimaha saaxafadda ka shaqeeya ayaa si caro leh uga jawaabay maxkamad shalay xukun ku riday haweenay ciidamada dawlada ku eedaysay in ay kufsadeen iyo saxafigii wareystay....akhri
Haweeney kufsi loogu geystay xerha barakaca ee Muqdisho (Sawir/Kaydka/Yusuf Keynaan/Radio Ergo)

Qaramada Midoobay Oo Ugu Baaqday Dowladda Soomaaliya Inay Dib U Furto Dacwaddii Kufsiga

Muqdisho 07/02/2013 - Madaxa arrimaha bini`aadannimada ee Q.M ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay dib u furto dacwada weriye iyo gabadha sheegtay in la kufsaday ee uu weriyuhu wareystay, kadib markii lagu xukumay dhowaan min hal sano oo xarig ah, iyadoo sheegtay in xukunkaasi uu khatar weyn ku yahay la dagaallanka tacaddiyada kufsiga ee dalka ka jira....akhri
Xoolo dhaqato biyo ka dhaansaya ceelka Holhol ee Sool(Sawir: Cabdikariin Olol/Radio Ergo)

Ceelka Holhol Ee Sool Oo Biyo Yareeyay

Sool 16/01/2013 - Deegaanka Holhol waxa uu ka tirsan yahay gobolka sool, waxaana uu ka mid yahay deegaannada ay ku badan yihiin xoolaha sida geela iyo ariga ee gobolka, halkaasoo ay daaqsin iyo biyo ka helaan xoolaha deegaankan jooga....akhri
La heystayaashii lasoo furtay (Sawir: Xaliimo-sacdiyo Cabdullaahi/Raadiyo Ergo)

Puntland Oo Soo Furatay Ajaaniib Afduub Lagu Heystay

Garowe 26/12/2012 - Waxaa shalay gelinkii dambe magalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka  Puntland la soo gaarsiiyay 22 ajaanib ah, kuwaasoo muddo saddex sano ah gacanta ay ku hayeen burcad badeedda Soomaaliyeed. ...akhri
Barakacayaal gargaar ku sugaya degmada Doolow ee xuduuda Ethiopia iyo Soomaaliya(Sawir Keyd: Maxamed Gaarane/Radio Ergo)

Qm Oo Soo Bandhigtay Codsigeeda Gargaar Ee Sanadka 2013ka

Nairobi 17/12/2012 - QM iyo la howlgaleyaasheeda ayaa codsanaya $8.5 bilyan si loogu gargaaro 51 milyan oo qof oo ku nool caalamka, sanadka soo socda ee 2013ka....akhri
Suxufi shaqadiisa ku guda jira magaalada Nairobi(Sawir Keydka: Faadumo Maccalin/Radio Ergo)

Joojinta Dilalka Qorshaysan Ee Weriyeyaasha Somaalida

Nairobi 11/12/2012 - Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha oo diiradda lagu saaray xorriyadda hadalka Soomaaliya...akhri
Barakacayaal hoy la'aani ku haysato Doolow (Sawir/kaydka/Garane/Radio Ergo)

Fao Oo U Codsaneysa Soomaaliya Kaalmo Dheeraad

Nairobi 06/12/2012 - Ururka cuntada iyo beeraha QM ee FAO ayaa codsanaya US$443 milyan saddexda sano ee soo socota, si loo sii wado kaalmada bulshadii ay saameysay macluushii ka jirtay Soomaaliya, taasoo si rasmi ah u dhammaatay sanadkan 2012ka....akhri
Barakacayaal hoy la'aani ku haysato Doolow (Sawir/kaydka/Garane/Radio Ergo)

Codsiga Gargaarka Soomaaliya Ee Sanadka 2013 Oo Lagu Qiyaasay $1.3 Bilyan

Nairobi 04/12/2012 - Cabdikariin Guuled: Dadka Soomaaliyeed waxay ku faraxsan yihiin in dalabka gargaarka bini`aadannimo lagu soo bandhigo gudaha Soomaaliya....akhri
Maxaabiis ku xiran xabsiga weyn ee Muqdisho (Sawir Keydka: Cabdulqaadir Cabdulle/Radio Ergo)

Tahriibayaasha Soomaalida Ee Ku Xiran Liibiya

Libya 07/11/2012 - Qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada ku yaalla  dalka Libya ayaa sheegay in dhibaatooyin kala duwan ay ku haystaan gudaha xabsiyadaasi,  iyagoo sheegay in jirdil  halkaasi loogu geysto. ...akhri
Beeralay ku mashquulsan hagaajinta ceel biyood(Sawir Keydka: Nuur Cali/Radio Ergo)

158 Milyan Euro Oo Soomaaliya Loogu Deeqay

Nairobi 05/11/2012 - Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Midowga Yurub,  wuxuu  Soomaaliya u  ansixiyay sanadka 2012ka kaalmo wadajir ah, taasoo cadadkeeda lagu sheegay 158 milyan oo lacagta Euro-ga ah....akhri
Bukaanno jiifa isbitaalka Baladweyne (Sawir:Cabdullaahi Salaad/Radio Ergo)

Msf-swiss Oo Ka Tageysa Isbitaalka Beledweyne

Baledweyne 29/10/2012 - Hay`adda takhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF-Swiss Soomaaliya, ayaa sheegtay inay joojineyso howlihii samafal ee ay ka wadday isbitaalka weyn ee magaalada Baladweyne, gobolka Hiiraan....akhri
Dad ka qaxaya colaadaha ka jira dalka (Sawir: Keydka/Cabdisamad Cabdulqaadir/Radio Ergo)

Dhibaatada Ay Qabaan Dadka Dib Ugu Soo Noqonaya Marka

Shabellada Hoose 29/10/2012 - Qoysas hore uga barakacay degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa dib ugu soo laabanaya guryahoodii, iyadoo weli xaalado bani`aadannimo oo liidata ay ka jirto degmadaasi....akhri
Barakacayaal ku sugan gobolka Gedo (Sawir: Keydka/Axmed Saalixi/Radio Ergo)

Barakacayaal Dib Ugu Laabtay Ceelcadde

Gedo 24/10/2012 - Ku dhowaad saddex kun oo qoys  oo markoodii hore ka barakacay degaanno ay ka mid yihiin Ceelgaduud, Beledxaawo, Baardheere, Ceelwaaq iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan Ceelcadde  ayaa dib ugu  laabanaya  deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo sida ay xaqiijiyeen ururro samafal oo magacyadooda ka gaabsaday....akhri
Koox samafalayaal ah oo caawinaysa qoys barakacayaal ah inay teendho ka dhisteen dhul ay u barakaceen(Xigasho sawir.ICRC)

Icrc Oo Gargaartay Illaa 4,000 Oo Barakacayaasha Fatahaadda Beledweyne Ah

Baledweyne 16/10/2012 - Guddiga caalamiga ah ee laan qeyrta cas ICRC ayaa sheegaysa in magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ku gaartay in ka badan 4,000 oo qoys, oo fatahaado dhowaan ka dhacay magaaladaas ay ku qasbeen inay ka soo barakacaan guryahoodii. ...akhri
Hooyo soo bandhigaysa cunugeeda oo nafaqodaraysan magaalada Baardheere(Sawir Keydka: Axmed Cumar Saalixi/Radio Ergo)

Tirada Dadka Macaluulaya Oo Hoos U Dhacday - Warbixin Qm

Nairobi 10/10/2012 - Guud ahaan dunidda guudkeeda 870 milyan oo qof oo sidddeeddii qof oo ka mid ahi dadkaas ay  haysataa macaluul ku soo noqnoqotay, marka loo eego warbixin cusub oo Qaramadda Midoobay soo saartay, taasoo tilmaamaysa inay hoos u dhacday tirade dadka baahan ee dunida marka loo eego 20kii sano ee la soo dhaafay. Waxayse warbixintu ka digtey in loo bahan yahay tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo gaajada ka taagan waddamada soo koraya....akhri
Mid kamid ceelasha duugmay ee deegaanka Dhaban ee gobolka Sool(Cabdikariim Olol/Radio Ergo)

Abaar Ka Taagan Deegaanka Dhaban Ee Sool

Laascaanood 09/10/2012 - Deegaanka Dhaban oo ah deegaan hoos taga degmada Xuddun oo ka tirsan gobolka Sool ayaa waxa ka taagan abaaro, iyo nolol xumo isbiirsaday oo in muddo ahba soo jiitamayay....akhri
Carruur barakacayaal ah oo loo qeybinayo cuno bisil(Sawir Keydka: Cabdisamad/Radio Ergo)

Al-shabaab Oo Ka Mamnuucday Islamic Relief Goobahedda

Nairobi 09/10/2012 - Al-Shabaab ayaa ka mamnuucay goobaha ay ka arrimiyaan  hayádda Islamic Relief maalintii shalay. Hay`addan oo ka mid ah hayáddaha aysan tirooda badnayn ee wali ka sii howlgala deegaannada ay Al shabaab ku suganyihiin....akhri
Qoysas deegaankooda kasoo barakacay (Sawir: Keyd/Mohamed Garane/Radio Ergo)

Xaaladaha Nolosha Gobolka Shabeellaha Hoose

Shabellada Hoose 26/09/2012 - Guddoomiyaha gobolka shabeellaha Hoose ee maamulka DFS,  Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidi, oo la hadlayay idaacadda Ergo ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto gobolka, gaar ahaan qoysaska xiga dhanka xeebaha gobolka isagoo sheegay in ceelasha aysan shaqeynayn....akhri
(Qeyb ka mid ah maqaayadda qaraxyada lala beegsaday (Sawir: Yuusuf Keynaan/Radio Ergo)

Hrw: Dowladda Cusub Waa Inay Baaritaan Ku Sameysaa Dilalka Weriyeyaasha Loo Geysanayo

Nairobi 24/09/2012 - Hay`adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa ugu baaqday madxaweynaha cusub ee Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, inuu amro baaritaan lagu sameeyo 24-saacadood gudahood dilalkii afar warfidiyeen loogu geystay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 20-2kii September, 2012. Waxay sheegtay in dowladda cusub ay tahay inay tallaabooyin u qaaddo dhanka difaacidda Weriyeyaasha, oo 13 ka mid ah la dilay sanadkan gudihiisa oo keliya....akhri
Muuqaalka faras magaalada Kismaayo ee Aargada(Sawir Keydka: Khadar/Radio Ergo)

Amisom Oo Lagu Eedeeyay In Dad Rayid Ah Ay Ku Dilay Nawaaxiga Kismaayo

Kismaayo 24/09/2012 - Ugu yaraan lix ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay degaanka lagu magacaabo Janaay cabdalla oo qiyaastii illaa 50km u jira degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose....akhri
Xiriiriyaha arrimaha bani'aadannimo ee Soomaaliya Mark Bowden (Sawir/kaydka/Maxamed Xasan/Radio Ergo)

Mark Bowden Oo Kala Hadlay Dowladda Kenya Arrimaha Bani`aadannimo Ee Ka Jira Kismaayo

Nairobi 20/09/2012 - Ka dib dagaalladii xoogganaa ee dhowaan ka dhacay meelo u dhow Kismaayo iyo barokaca dadka rayidka ah ay ka barokacayaan magaalada ee aad kor u kacay, ayaa madaxa iyo isuduwaha hawlaha bani`aadamnimada ee Soomaaliya,Mark Bowden  uu la kulmey wasiirka difaaca Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji iyo taliyaha ciidamada difaaca Kenya, Gen. Julius W. Karangi, si uu ugala hadlo ilaalinta dadka rayidka ah inta ay jiraan hawlgallada mileteri ee hadda socda. kulanka ka dib, mudane Bowden waxaa uu yiri:...akhri
Barakacayaal sugaya in la gargaaro (Sawir/Kaydka/Taakilo/Radio Ergo)

Maamulka Degmada Marka Oo Codsaday Gurmad Bani`aadannimo

Shabellada Hoose 14/09/2012 - Maamulka degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaalad bani`aadannimo oo liidata ay ka taagan tahay degmada Marka iyo tuulooyinka ku hareeraysan, tanoo ay sabab uga dhigeen  markii dadka ay dhaafeen dhammaan ilihii nolosha ee ay haysteen....akhri
Daryeelka dhinaca caafimaadka oo la hagaajiyey ayaa ugu horeeya waxyaalaha hoos u dhigay dhimashada carruurta (Sawir/kaydka/Cabdilaahi Salad/Radio Ergo)

Unicef: Dhimashada Carruurta Ka Yar Shanta Sano Hoos Ayey U Dhacday 20kii Sano Ee La Soo Dhaafay

Nairobi 13/09/2012 - Sanduuqa badbaadada carruurta qaramada midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in dhimashada carruurta ka yar shanta sano ay hoos u dhacday 20-kii sano ee la soo dhaafay, 14 kun oo carruur ah wax ka yar ayaa maalintii u dhimata cudurrada dabaysha, jadeecada iyo duumada....akhri
Suxufiyiinta ka qeybgashay tababar ay soo agaasintay IOM(Sawir/Axmed Somali/Radio Ergo)

Iom Oo Tababar Ku Saabsan Tahriibka Isku Dhafka Ah U Qabatay 21 Warfidiyeen.

Boosaaso 06/09/2012 -  Kulankani looga hadlaayey caawinta muhaajiriinta isku dhafka ah ee soo gaara Puntland oo ay soo qaban qaabisey hayada muhaajiriinta caalmaka ee IOM ayaa loo qabtey 21 wariye oo ka kala socdey warbaahinta qeybaheeda kala duwan ee ka howl gasha deegaannada Puntland.Ujeeddada tababarkaan ayaa ahaa sidii warbaahintu ay uga qeyb qaadan Lahayd dadaallada la doonayo in lagu joojiyo waxyeellada ay la kulmaan muhaajiriinta isku dhafka ah sida dilalka, dhaca, kufsiga, afduubka iyo meel ka dhaca xuquuqda muhaajirka.Agaasimaha guud ee hay`adda dowliga Puntland u qaabilsan wax ka qabshada muhaajiriinta isku dhafka ah ee MRC, Maxamuud Sheekh Ciid oo ka hadley kulankan ayaa yiri. “Waxaan u rajeyneynayaa weriyeyaasha in kulan kan laga dhexlo faa`iido waxgal u ah muhaajiriinta socotada ah, iyo in bulshada boliiska iyo hay`adaha sharci dajinta aad dareensiisaan xuquuqda muhaajiriinta ay leeyihiin, maaddaama weriyeyaashu ay yihiin dadka u hiilliya dulmanayaasha iyo dadka taagta daran.”Simona Opitz, oo ah madaxa warfaafinta hay`adda IOM xafiiskeeda Soomaaliya ayaa ka sheegtey tababarka, waxayna sheegtay in tirada muhaajiriinta soo gaareysa Puntland ay aad u farabadan tahay loona baahan yahay in lasoo dhoweeyo. “Sidaan ognahay Puntland waxaa soo gaara muhaajiriin isku dhaf ah oo ka tahriiba xeebaha gobolka, iyadoo lagu qiyaasey bishiiba inay ka tahriibaan dad gaaraya 2,000 oo qof. Halka sanadkii hore bishiiba ay ka tahriibi jireen 2,500 oo qof, tani waxay muujineysaa in aan weli isbeddel weyni ku imaan dadka tahriibaya.”Tirada guud ee Soomaalida u tahriibtey dalka Yemen sanadkan 2012-ka, waxay kor u dhaafeysaa 12,568 qof, halka tirada guud ee dadka Itoobiyaan-ka ee u tahriibey Yemen ay iyana kor u dhaafeyso 51,255, sida ay sheegtay afhayeenka IOM ee Soomaaliya. Qaar ka mid ah weriyeyaashii kasoo qeyb galay kulankan halka maalin ahaa ee looga arrinsanayey samata bixinta dadka muhaajiriinta ee soo gaara gobollada Puntland oo ay soo qaban qaabisey hay`adda IOM ayaa sheegay in kulanka la isku weedaarsaday macluumaad fara badan, la iskuna afgartey in weriyeyaasha ay door muuqata ka ciyaaraan arrimaha muhaajiriinta sida uu Raadiyo Ergo uu usheegay weriye Cabdinaasir Siciid Maxamed oo kamid ahaa wariyayaashii ka qeyb galay kulankaasi. Gabagabadii, tababarkaan ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo ay ka mid yihiin, dhowrista xuquuqda dadka muhaajirka ah iyo kuwa tahriibta, inaan si qasab ah lagu tarxiilin dadka qaxa ku yimaada Puntland iyo in tallaabo laga qaado dadka caadeystay daabulka iyo ka ganacsiga tahriibta, iyada oo aan la dhibaateyneyn dadka tahriib doonka ah, waxaa sidoo kale lagu xusey baaqa in la ilaaliyo xuquuqda dadka qaxootiga ah, iyadoo la isla gartey in wacyigelin loo sameeyo bulshada si ay u ilaaliyaan xuquuqda muhaajiriinta.AS/MH/FM ...akhri

Qm Oo Ka Walaacsan Dilalka Wariyayaasha Soomaaliya

Nairobi 03/09/2012 - QM ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya  inay awooddeeda isugu geyso dhammeynta tacaddiyada loo geysanayo warfidiyeennada Soomaaliyeed, oo sanadkan dhexdiisa gudaha dalka lagu dilay 8 weriyeyaal....akhri
Haween ka mid ah kuwa barakacay oo xanuunka shubanku soo ritay laguna dabiibayo goob si ku meel gaar ah loogu sameeyey daryeel caafimaad (Sawir/Kaydka/Cabdisamad/Radio Ergo)

Haweenka Barakayaasha Ah Ee Muqdisho Oo Ka Cabanaya Nolol Xumo

Muqdisho 31/08/2012 - Haweenka ku nool qaar ka mid ah xerooyinka barakacayaasha ee ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya xaalado bini,aadannimo iyo dhibaatooyin ay sheegeen inay la soo derseen  muddooyinkii ugu dambeeyay....akhri

Qm Oo Cambaareysay Dilkii Loo Geystay Qof Ka Tirsanaa Shaqaalaha Gargaarka

Nairobi 29/08/2012 - Qaramada Midoobey Soomaaliya, ayaa cambaareysay dilkii qof u shaqeeya Ururka Cuntada iyo Beeraha ee  FAO loogu geystey magaalada Marka ee koonfurta Soomaaliya. ...akhri
Hooyo kufsi loo geystay kadibna la dhaawacay (Sawir/kaydka/Abdulqadir/Radio Ergo)

Muuqaal Muujinaya Howlaha Isbitaal Madiina (icrc - Soomaaliya

22/08/2012 - Muqdisho waxaa saameyey dagaallo, dil iyo dhawac geystey oo socdey inkabadan labatan sano. Shaqalaha isbitaalka madina uu hogaminayo Dr. Maxamed Yusuf waxay daweeyan dhawacyada dagaalka iyagoo kalkaalineya kaso kow, weerarada toska lagu soo qadey isbitaalka iyo cabshasada lageliyey shaqalihii isbitaalka.

...akhri
Hawenay mid ah barakacayaashii abaareed oo bilowday iibinta khudaarta - Muqdisho (Sawir/Nasra Bakaal/Radio Ergo)

Haweenkii Abaarta Ku Soo Barakacay Oo Bilaabay Xirfado Ay Ku Shaqaystaan

Muqdisho 09/08/2012 - Haweenkii Kasoo barakacay abaarihii ku dhuftay Soomaaliya oo qaarkood horumar dhinaca ganacsiga ku tallaabsaday iyagoo carruurtoodana ay heleen waxbarasho lacag la`aan ah “ Beer-falid iyo dhibaato ayaan markeennii hore ku jirnay haddase waxaan lasoo kulannay aqoontii, carruurteyda waxay i dhahaan  buug  iyo qalin soo qabso oo magacayga inuu ibaro ayuu gaaray wiilkeyga oo siddeed jir ah, oo aan carruurteyda agoontinimo aan ku korinayo ka mid ah”  ayay tiri Faadumo Nuur Arwaax oo kamid ah haweenkii  ka soo barakacay abaarihii ku dhuftay gobollada koonfureed ee soo gaaray magaalada Muqdisho, taasi  oo horumar  weyn ka sameysay dhinacyo badan oo ay ka mid tahay maarreynta nolosha qoyskeeda iyo waxbarashada carruurta.Haweeneydan ayaa aroor walba u kallahda suuqa weyn we bakaaraha  si ay uga soo iibsato khudaar, taasi oo ay ku iibiso goob aan ka dheereyn kaam ay ka deggan tahay magaalada Muqdisho oo ay ka sameysay ganacsi kooban.“Khudaarta ayaan ka ganacsadaa noocyadeeda kala duwan, waxyaabaha ay ii goyso lacagteyda iyo kuwo deyn aan ku soo qaado ayay isugu jirtaa si aan nolosheyda ugu dabaro, wax kasii badanna Alle ayaan ka baryeynaa.” Ayay tiri Faadumo Nuur.Sahro Cumar Aadan waxay ka mid tahay haweenkii ka soo barakacay gobolka Shabeellaha Dhexe haatanna  ka ganacsata dhuxusha, waxay Raadiyo Ergo ugu warbixisay qaabkii ay ku billowday ganacsigan iyo sida ay nolosheeda u maareyso. “Waxaan degganahay kaam Barwaaqo, dhuxul ayaan ka ganacsadaa oo illaa 20-loor ayaan degsadaa waana kasii macaashaa, waana hormar weyn oo ganacsi oo noqotay il aan ku tusaalo qaato,” ayay tiri sahro.Waxay intaa ku dartay “Dhuxusha waxaan ku billaabay wiil aan dhalay ayaa hay`adda Concern ay siin jirtay bil walba boqol doollarka Mareykanka ah,  inkastoo ay iga jareen marka lacagtaas ayaan ku billaabay oo ii noqotay il aan ku tusaalo qaato, illaa haddana waan wadaa xitaa lacagta haddii ay is dhinto deen ayaan soo qaataa waana ka macaashaa waana ganacsi aan aniga sameystay oo illaa hadda aan wado.” Sidookale haween la mid ah Faadumo iyo Sahra ayaa deggan xerooyinka barakacaayashii abaartu ay soo ceyrteysay kuwaasi oo ku yaalla magaalada Muqdisho, oohorumar muuqda sameeyay tan iyo markii ay soo gaareen caasimadda.Xabiibo Cabduqaadir oo ka mid ah haweenkaasi iibsina khudaarta ayaa sharraxaad kooban ka bixineysa waxyaabaha ku dhaliyay inay guda gasho howshan iyo qaabka ay ku billowday. “Markii hore yaanyada waan soo deensan jiray, hadda gabar walaashey ah ayaa dhoobey iiga soo dhiibto waxaana igu dhiirrigeliyay maddaama aan shaqo heynin inaan ka wardoono inaan hormar iyo khasaare key noqotaba ka sameeyo khudaarta.” Ayay tiri Xabiibo.Abaarihii ku dhuftay gobolka Geeska Afrika oo dalka Soomaaliya ay kamid ahayd goobihii ugu darnaa ee saameynta weyn ay ku yeelatay, ayaa haweenkan waxay ka hadlayaan xaaladihii ay lasoo kulmeen  intii ay ku guda jireen safarkii Muqdisho iyo deegaanndii ay ka soo barakaceen iyo isbeddelka noloshooda ku dhacay markii ay Muqdisho soo gaareen.“ Rafaad yar lama kulmin markaan soo barakaceynay beerihii oo abaarsaday iyo guryihii oo dumay, rafaad culus ayaan la soo kulanany, qofkii tuugsan kara qofkii dharkiisa beertiisa iyo guryihiisa iibin kara ayaan isugu jirnay waana soo lugeynay, qaar Qoryooley ayay ku hareen annagana  Muqdisho ayaan imaannay, illaa 50 qoys annaga oo ah.” ayay tiri Faadumo. Faadumo ayaa intaasi raacisay in marka ay Muqdisho timid ay la qabsatay nolosha isla markaana lagu caawiyay hoy, cunno iyo waxbarasho.Haweenkan ayaa dhammaantood qaba fikir ah in aanay dib ugu laaban deegaannadii ay markii hore ka soo barakaceen, sabab la xiriira inaysan ka heli karin adeegyadii ay Muqdisho ku heleen oo waxbarashada ay ugu horreyso. Carruurta ay dhaleen haweenkan ayaa helay waxbarasho lacag la`aan ah, taasi oo dhiirrigelin weyn u noqotay hooyooyinkan horumarka waxbarasho ee ay  la damacsan yihiin carruurtooda.Si kastaba, waxaa jira haween farabadan oo isugu jira kuwo abaarihii ka soo barakacay iyo kuwa ay saameen ku yeesheen dagaalladii dalka ka dhici jiray oo ku sugan kaamam kala duwan oo ku yaalla gobolka Banaadir,  kuwaasi oo u xuub siibtay si ay horumar la taaban karo u gaarsiiyaaan qoysaskooda, qabtana adeegyo uu ganacsigu ka mid yahay.Nasra Cabdi Cismaan/FM           ...akhri
Deegaanada Jubooyinka ayaa dadku badi ay ku tiirsan yihiin biyaha waraha laga helo, kuwaasoo qalala xilliga roobabku yaraadaan (Sawir/kaydka/Maxamed Garane)

Afhayeenka Ciidamada Dawlada Ee Gobollada Jubbooyinka Oo Ka Dayriyey Biyo La'aan Ka Jirta Deegaankaas

Nairobi 09/08/2012 - Biyo la`aan ayaa laga soo  sheegayaa  deegaanno ka tirsan gobollada Jubboyinka, kuwaasoo ka dhashay kaddib markii ay gureen harooyinkii ay dadku biyaha ka cabi jireen iyo roobabkii guga ee da`ay sanadka oo aad u yaraa .Afhayeenka ciidamada xoogga dalka DKMG ah Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, Maxamed Faarax  oo la hadlayay idaacadda Ergo ayaa sheegay in deegaanno badan oo hoostaga gobollada Jubbooyinka ay xilligaan ka jiraan biyo la`aan xooggan taasoo keentay in biyaha looga keeno deegaanno aad u fog. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in  hay`adaha samafalku uga hawlagalin sidii loogu tala galay.Gobolka waxaa soo maray abaaro xooggan oo saameeyay dadka iyo duunyadaba, sidaas darteed harooyinkii iyo balliyadii biyuhu ku hari jireen waa biyo la`aan oo waa ay gureen,  sidaa uu sheegay Maxamad Faarax,  isagoo intaa raaciyay in deegaanno ku teedsan nawaaxiga degmada Badhaadhe iyo nawaaxiga degmada Dhoobley ay xilligaan biyo la`aan xooggani ka jirto dadkuna ay u baahan yihiin biyo ay ku noolaadaan.Afhayeenka ayaa dhinaca kale sheegay in deegaannada ay maamulaan aanay ka jirin wax barakac ah oo ay samaynayaan dadka ku dhaqan deegaannadaasi, isagoo sheegay in goobaha ay  la wareegeen ay sahacabku dib ugu soo laabanayaan, ugu dambayntii codsi qeylo dhaan ah ayuu u diray hay`adaha gargaarka  si xaaladaha bini`aadannimo ee ka jira gobolka wax looga qabto.Gobollada Jubbooyinka oo ka mid ah gobollada koonfureed ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka jira loollan iyo hardan siyaasadeed, kaasoo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamada Raaskambooni oo kaashanaya kuwa Kenya iyo kooxda Al-shabaab, hardankaasi oo saamayn xoog badan ku yeeshay qoysas badan oo ku noolaa gobolladaasi.Qoysas fara badan ayaa isaga barakacay guryahooda kuwaasoo ka baxsanaya colaadaha ka oogan gobolka, isla markaana gaaray xerooyinka qaxootiga waddanka Kenya.MG/AA/FM...akhri
Suuqa Dhagaxley oo gubanaya (Sawir: Farxaan Lafoole/Radio Ergo)

Dab Xoog Leh Oo Khasaare U Gaystay Suuqii Xerada Qaxootiga Ee Dhagaxleey

Dhadhaab 30/07/2012 - Xerada Dhagaxleey oo kamid ah xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ay ku jiraan ku dhawaad nus malyuun qaxooti Soomaali ah ayaa waxaa xalay dab xoogan oo ka kacay xeradaas uu baabi'iyay suuqii ugu weynaa xerada ee xaafada A ee Dhagaxleey, balse ma jirin khasaare nafeed oo uu dabku gaystay. ...akhri
Ilmo ay naafaysay nafaqo daro (Sawir/Kaydka/Sacdiyo Mohamed/Radio Ergo)

Isbitaal Banaadir: 10 Qof Oo Nafaqo Daro Haysato Ayaa Maalintii Timaada

Muqdisho 27/07/2012 - Iyadoo dhowaan ay sheegtay qaramada midoobay inay yaraatay macaluusha Soomaaliya ka jirtay ayaa haddana maalmihii lasoo dhaafay waxaa isa soo taraya dadka uu soo ridanayo xanuunnka nafaqadarrada gaar ahaan carruurta da`dooda ay ka yartahay 5-sano  sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka magaalada Muqdisho gaar ahaan madaxa caafimaadka isbitaalka Banaadir Dr Luul Maxamuud Maxamed,  waxayna sheegtay in maalmihii lasoo dhaafay  ay jireen tiro aan fadhin oo ah xanuunka nafaqadarrada oo soo gaaraya isbitaalka Banaadir gaar ahaan cudurrada oo siyaabo kala duwan dadka ugu dhaca kadibna ay unuglaadaan xaaladaha nafaqadarrada loo yaqaan.“Waxaan maalintii qabannaa bukaan gaaraya illaa 10 qof oo qaba xanuunka nafaqadarrada  waxaana dadka oo qaba xanuunno kale ay markasta lasoo gudboonaataa xaalasda nafaqadara ah, waxaana dadka badankood ay nooga yimaadaan xerooyinka barakacayaasha iyo dadka saboolka ah.” Ayay tiri Diktooreysa Luul. Sidoo kale Dr. Luul Maxamuud ayaa sheegtay inuu jiro gaabaabsi ku yimid  daawooyinka quudinta ee isbitaalka, sidaas darteedna xilligan uusan isbitaalka awoodi Karin quudinta dadka qaba xanuunka nafaqadarrada gaar ahaan carruurta.“Waxaa jira gabaabsi ku yimid daawooyinka quudinta isbitaalka Banaadir oo hadda ay tahay mid yar,  islamarkaana gabaabsi uu ku jiro” ayay tiri Dr. Luul.Dr Luul Maxamuud ayaa ku baaqay in dadka marka hore laga taageero dhanka gargaarka si loo yareeyo nafaqadarrada haysata dadka, sidoo kalana ay u baahan yihiin in laga caawiyo daawooyinka si ay dadku u helaan daawooyinka quudinta ee isbitaalka Banaadir.Dadkan qaba xanuunka nafaqadarrada ayaa intabadan waxay ka imaanayaan kaamamka ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah,  waxaana inta badan carruurta soo foodsaartay xaalad nafaqadarro ah.Abdulkadir Abdulle/FM...akhri
Ilmo yar oo ay nafaqo darro ka muuqato (Sawir: Keydka/Saalixi/Radio Ergo)

Warsaxaafadeed Unicef: Weli Haween Iyo Carruur Ku Nool Geeska Afrika Ayaa U Baahan Gargaar Deg Deg Ah

Nairobi 20/07/2012 - Sanad ka hor maanta, qalalaasaha ka jira Geeska Afrika wuxuu gaaray heer aan waxba laga qaban Karin markii QM ay ku dhawaaqday inay macluul ka jirto laba gobo loo ka tirsan koofurta Soomaaliya. Taageerada beesha caalamka ee sare, helidda roobab lagu diirsaday, ayaa caawiyay badbaadada nolol aan xisaab lahayn isla markaana ka saaray macluusha. Si kastaba, qalalaasaha ayaa weli sii socda. Siddeed milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayaa weli u baahan gargaar bani`aadannimo. Carruurta, gaar ahaan, ayaa waxaa isugu darsoomay saboolnimo, ammaan darro, nafaqo darro iyo cudurro....akhri
1
Dad ku barakacay dagaalada Bay oo ku sugan goobo ka tirsan (Sawir/kaydka/ Abdiasis Koronto/Radio Ergo.org)

Dhibaatooyinka Nolol Xumo Ee Ka Jira Gobolka Jubbada Hoose

Jubbada Hoose 19/07/2012 - Deegaannada ugu daran ee dhibaatooyinka nolol xumo laga soo sheegayao ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka mid ah Afmadow, Badhaadhe, Kulbiyow, Raaskaambooni, Kudhaa, Buurgaabo, Dhoobley iyo deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan, kuwaasoo ay dagaallo dadka ku qasbay inay ka barakacaan deegaannadooda balse waxaa dadka taas uga sii daray sicir barar baahsan oo ku yimid qiimaha lakala siisto cuntooyinka quutul daruuriga ah oo si weyn deegaannadaasi looga dareemay durbadiiba....akhri
Xiriiriyaha arrimaha bina'aadanimo ee QM Mr Mark Bowden(Sawir Keyd: Maxamed Xasan/Radio Ergo)

Qm: Waxaa Gargaar Wali U Baahan 2.5 Milyan Oo Qof

Nairobi 17/07/2012 - Xiriiriyaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr Mark Bowden ayaa shir- jaraa’id oo uu maanta ku qabtay hotelka Southern Sun ee magaalada Nairobi waxa uu kaga warbixiyay xaaladaha binaáadanimo ee wadanka ka jirta hal sanno kaddib macaluushii darnayd eek u dhufatay wadanka....akhri
2
Muuqaalka tuulada Gidheeys (Sawir: Cumar Teacher/Radio Ergo)

Dhibaatooyin Ka Jira Tuulada Gidheeys Oo Ka Tirsan Galgaduud

Cadaado 17/07/2012 - Haweenka ku nool deegaanka Gidheeys oo illaa qiyaastii 30km dhanka koofur bari kaga beegan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduu, ayaa ka cabanaya xaalado xagda nolosha ah oo la soo darsay gaar ahaan xilliyada dumarka ay foosha ku timaado taasoo ay kala kulmaan haweenkani dhibaatooyin faro badan oo ay ka mid tahay dhimasho iyo dhiig bax fara badan....akhri
1
Dhalinyaro Soomaali ay kamidyihiin oo qaxooti ku ah Mozambique(Sawir Keyd: Faarax Dubad/Radio Ergo)

Nolosha Iyo Sharciyada Qaxooti Soomaali Ah Oo Ku Nool Malawi

Malawi 18/06/2012 - Boqollaal Soomaali ah oo qaxooti ku ah waddanka Malawi ayaa cabasho ka muujiyay dhibaato ay kala kulmeen dhinaca sharciga, qaxootigan oo ku jira xerada Saleke oo ku taalla duleedka magaalada caasimadda ah ee Lilongwe....akhri
Deegaan kamid ah gobolka Sool oo ay biyo la'aan ka jirto(Sawir Keyd; Cabdikariin Olol/Radio Ergo)

Biyo La`aan Ka Taagan Deegaanka Ceelhuur Ee Mudug

Mudug 06/06/2012 - Inkasta oo ay da`een roobabkii guga islamarkaasina gobollada qaar ay ka soo doogsadeen abaarihii ku dhuftay dadka iyo duunyada, ayaa haddana waxaa jira deegaanno lagu diimay dhibic roobaadkii laba xilli oo is xigtay islamarkaana aysan ka di`in roobabku. ...akhri
Qoys kamid ah dadka ka soo qaxay Soomaaliya oo gargaar ku sugaya sohdinta Doolow, Gedo(Sawir Keyd:Maxamed Gaarane/Radio Ergo)

Warbixin Unhcr; Xaaladda Qaxootiga Soomaalida Ee Geeska Afrika

Geeska Afrika 06/06/2012 - Sanadkii hore bishii June ayaa waxaa sii kordhay mawjadaha dadka Soomaalida ah ee u soo tallaabaya  xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee waqooyi bari Kenya, kuwaasoo ay soo barakiciyeen abaarihii ba`naa ee waddanka ku dhuftay xilligaas, tanoo ka mid ah dhibaatooyin is xigxigay oo muddo 20 sano ka badan haystay dadka Soomaaliyeed. ...akhri
haweeney iyo ilma yar oo ay dhashay oo ay nafaqa darri hayso (sawir:kaydka Ergo)

Nafaqadarri Laga Soo Sheegayo Degmada Luuq

Gedo 28/05/2012 - Xaalado nafaqa darri ayaa laga soo sheegayaa degmada Luuq ee xarunta gobolka Gedo,kaddib marki sida la sheegay ay yaraadeen cunnooyinka nafaqaysan ee samafalayaashu ay siin jireen gobolka,la keeni jiray gobolka.Dadka ku nool gobolka guud ahan gaar ahaan degmada Luuq waa kuwa aad ugu baahan cunnada nafaqaysan gaar ahaan carruurta sidaana waxaa yiri mid ka mid ah hawl wadeennada caafimaadka degmada Luuq ee gobolkaasi Gedo. Sidoo kale dadka ugu badan ee ay saamaynta ku yeelatay nafaqa darridan ayaa la sheegay in ay yihiin qoysaska ku soo barakacay degmada kuwaasoo u muuqda kuwa xaaladdooda caafimaadi aad u liidato.Dr. Cabdullaahi Maxamed Faarax waxaa uu isna ka mid yahay howl wadeenada caafimaadka ee  ka hawl gala cusbitalka degmada Luuq waxaa uu idaacadda Ergo u sheegay in bilo ka hor ay xaaladda nafaqadarida ee ka jirta degmad ay soo wanaagsanaanaysay  laakiin hada ay heerka nafaqadarrida degmada tahay mid aad u liidata , taasoo ugu wacan ayuu yiri barakacayaasha halkaasi ku sugan oo aan iyagu helin gargaarkii ay u baahnaayeen."Heerka nafaqadarrida degmada Luuq waxay bartamahii sanadkii tagay gaartay meel xun, laakiin dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2011s illaa billowgii sanadkan xaaladu wey soo hagaagaysay , waxayse hadana u muuqataa ayaamahaan dambe  in  xaaladaha nafaqadarrida  ee degmadu  ku noqonayaan meelahoodii hore” sidaana waxaa yiri Dr. Cabdullaahi oo ka tirsan hawl wadeenada dhinaca caafimaadka degmada Luuq, isagoona intaasi ku daray in maalin waliba ay cusbitalka degmada ku qaabilaan laba ama in ka badan oo qabta nafaqadarri taasoo uu sheegay in ay muujinayso xaaladda nafaqa darrida ee ka jirta degmada iyo guud ahaan gobolka oo dhan.Degmada Luuq oo kaliya maahan goobaha ay ku yaraadeen samafalkii loo samayn jiray barakacayaasha ee qeyba badan oo kamid ah gobolka Gedo ayaanay xilligaan ka jirin wax samafal ah oo  la gaarsiiyo barakacayaasha .Nuur Cali Faarax/AA/MH...akhri
qoysas barakacayaal ah (sawir:Abdisamad Radio Ergo)

Dagaalo Maalintii Saddexaad Ka Socda Duleedka Waddada Xiriirisa Muqdisho Iyo Afgooye

Muqdisho 24/05/2012 - Dagaalada ka socda Muqdisho bannaankeeda  ayaa galay maalintii saddexaad iyadoo maalinnimadii  shalay dagaaladii kadhacay  degaanada u dhaxeeya Afgooye iyo Muqdisho ay saameyn xoog leh ku yeesheen qoysas  badan oo kamid ah barakacayaasha waxana inta laxaqiijiyey ilaa iyo hada  ku dhintay lix ruux oo saddex ka mid ah ay caruur ahaayeen, saddexda kalana ay isugu jireen haween iyo rag, sidoo kale dhaawacyada soo gaaray dadkaasi ayaa la sheegay in ay  gaarayaan illaa toban ruux oo qaarkood la sheegay in dhaawacyadoodu yihiin kuwa aad u culus, kuwaasoo  sida la sheegay la gaarsiiyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. ...akhri
1
Xiriiriyaha arrimaha bani'aadanimo ee Soomaaliya Mark Bowden (Sawir/Kaydka/Mohamed Hassan/Radio Ergo)

Hadal Uu Isuduwaha Bani’aadamnimada Ka Soo Saarey Hawlgalka Mileteri Ee Waddada Afgooye

Nairobi 23/05/2012 - Madaxa ahna Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mark Bowden, ayaa hadalkan soo saaey maanta: ...akhri
Ku xigeen xiriiriyaha arrimaha bani'aadanimo ee Soomaaliya Kilian Kleinschmidt (Sawir/Cabdicasis Koronto/Radio Ergo)

Barakac Ka Taagan Duleedada Muqdisho

Muqdisho 23/05/2012 - Iyadoo dagaalo u dhaxeeya ciidamada DKMG Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa midawga Afrika ee AMISOM  iyo kuwa ciidamada Shabaab  ayaa waxaa walaac xoogan uu soo food saaray barakacayaasha ku dhaqan duleedka magaalada Muqdisho   gaar ahaan kuwa ku nool waddada dheer ee xirririsa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.Qoysaskaan barakacayaasha ah oo isugu jira kuwa markoodii horeba ka soo barakacay  dagaalada Muqdisho iyo kuwa kale oo ka soo barakacay qeyba ka mid ah  gobollada dalka ayaa cabsida ugu wey nee soo foodsaartay waxa ay  tahay mid ku saabsan inuu dagaalku ku soo fido goobaha ay deggan yihiin isla mar ahaantaana uu saamayn xooggan ku yeesho.“Waxaan degganahay degaanka Lafoole waxaan maqlaynaa madaafiicda xooggan ee la is weydaarsanayo waxaana jira walaac ay dhamaan dadka nala qabaan kaasoo la xariira dagaalka soo cusboonaaday” sidaana waxaa Ergo u sheegtay mid kamid ah hooyooyinka barakacayaasha eek u sugan degaanka Lafoole iyadoona intaasi ku dartay in ay jecel yihiin in ay ku laabtaan magaalada Muqdisho, haddii uusan xaalku iska baddalin sida uu haatan yahay.Barni waa hooyo deggan  deegaan lagu magacaabo Jabad geelle oo hoos yimaada  deegaanka Ceelasha Biyaha, waxa ay u sheegtay Radio Ergo  in ay jiraan kurbo iyo wal wal ay ka qabaan dagaalada soo cusboonaaday,waxaan maqlaynaa ayay tiri dhawaqa hoobiyaal ku soo dhacay meel aan ka fogeyn halka aan deggannahay,Barni ayaa sheegtay in goobta ay deggan yihiin ay tahay dhul bannaan oo aan lahayn meel la gabbaadsado.“Xaaladdu waa ay nagu adagtahay aniga iyo sagaalkayga carruurta ah”sidaana waxaa Ergo  u sheegtay in Barni oo  dhinaca kale sheegtay in ay jeclaan lahayd in ay u qaxaan iyada iyo reerkeeda gobollada dhexe hadii aan heli karno qarashaad ayay tiri.Qaar ka mid ah hooyooyinka barakacayaasha ee ku nool degaanada loo barakacay ee waddada Afgooye oo la hadlayay idaacadda Ergo  ayaa sheegay dhammaantood in ay qabaan walaac xooggan oo ku saabsan dagaalada soo cusboonaaday, iyagoona sheegay in xilligaan aanay awoodin in ay barakacaan maaddaama ay marar badan horay u barakaceen.  Si kastaba  ha ahaatee xaalado kacsanaan ah ayaa ka jirta xilligaan degaanada loo barakacay iyadoona dadku ay muujinayaan cabsi lixaad leh oo ku saabsan noloshooda.Cabdulqaadir Mohamed Cabdulle/AA/MG...akhri
1
Booyad biyo ka dhaaminaysa meel tog ah gobolka Sool (Sawir Keydka: Olol/Radio Ergo)

Biyo La'aan Ka Taagan Degmada Garbahaarey

Garbahaareey 22/05/2012 - Xaalad biyo la’aan oo aad u baahsan ayaa soo food saartay dadka ku nool magaalada xarunta u ah gobolka Gedo ee Garbahaarey,waxaana lagu soo warramayaa in biya la,aantaani soo foodsaartay dadka ku dhaqan degmada ay ugu wacan tahay markii uu burbury dhawaan matoorkii ceelka biyaha siin jiray degmada.Burburka ku yimid matoorka ayaa la sheegay in ay ugu wacan tahay iska horimaad halkaasi ku dhexmaray dhinacyada isaga soo horjeeda gobolka Gedo oo muddooyinkii ugu dambeysayay dagaalo halkaasi ku dhexmarayeen.Qaar kamid ah dadka deegaanka oo u warramayay idaacadda Ergo ayaa sheegay in xaaladda biyo la’aanta ee ka taagan degmada ay gaartey heerkii ugu sarreeyay,iyadoona dadka iyo duunyada ku nool degmadaasi ay isku si u saamaysay biya la,aantaasi.waxay kaloo sheegeen in biyaha ay ka dhaansadaan togga weyn ee mara degmada aanu ahayn nadiif.“Biyaha waxaa lagu keenaa karreetooyin iyadoo laga soo dhaaminayo togga dhex mara degmada” sidaana waxaa Ergo u sheegay Aadam Cali Xasan oo ka tirsan waxgaradka ku nool degmada Garbahaareey isagoona intaasi ku daray in fuustadii biyaha ahay Garba haareey ka joogto hadda siddeetan kun oo shilin Soomaali, taasoo uu sheegay in ay badi dadka ku adagtahay."Dadka ma heystaan meel ay biyo u doontaan, ceelkii ay biyaha ka heli jireenna dhibaatadaas ayaa ku dhacday, waxay dad badan taas ku khasabtay in ay ka barakacaan magaalada oo u guuraan meel ay biyo ka heli karaan” Ayuu yiri Aadam oo sheegay in biya la,aantaani ay tahay middii ugu darnayd ee muddooyinkaan dambe ka dhacday degmada.isagoona codsi u diray hay,adaha samafalkaiyo qurba joogta ka soo jeedda gobolka.si kastaba ha ahaatee colaadaha ka dhaca qeyba badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa sababa inta badan biya la,aan soo wajahda dadka gobolka Gedo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka jiray iska hor imaadyo hubeysan kuwaasoo u dhexeeya dhinacya ku loollamaya gacan ku haynta gobolka.Axmed Cumar Saalixi/MG/AA ...akhri
Goob ay yaalliin shixnado gargaar ah (Sawir Keydka: Abdisamad/ Radio Ergo)

Alshabaab Oo U Digay Qandaraas La'yaal, Ganacsato Iyo Hay'addo

Muqdisho 22/05/2012 - Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska u qaabilsan  la socodka  hay’adaha ajnabiga ah  ee OSAFA, ayaa waxaa Alshabaab ay  digniin ugu dirtay qandaraas laáyaasha iyo ganacsatada raashin u daabula hayáddaha caamaliga ah ee ay horay u mamnuucday Alshabaab....akhri
Qaar ka mid ah maxaabiista xabsiga dhexe ee Muqdisho (Sawir: Cabdulqaadir Cabdulle/Radio Ergo)

Xaaladda Maxaabiista Ku Jirta Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho

Muqdisho 10/05/2012 - Maamulka xabsiga  dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaaladaha nololeed ee maxaabiista ku jirta xabsigaasi,  isagoo maamulku uu sheegay in xaalado wanaagsan ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jirta halkaasi.Xabsiga dhexe oo ay xilligaan ku jiraan maxaabiis qiyaastii gaaraysa illaa sagaal boqol  oo maxbuus ayaa  siddeed boqol oo ka mid ahi waxay yihiin rag, halka inta soo hartayna ay yihiin haween. “Maxaabiista halkaan  ku  xiran  waxay isugu jiraan kuwo loo haysto dambiya waaweyn iyo kuwa galay dambiyo yar yar, waxaana  xukunadoodu isugu jiraan oo ay ku kala xukuman yihiin dil,xabsi daa`in , xarig  u dhexeeya 10-sano,  20-sano iyo  5-sano sano.” Sidaa waxaa Raadiyo Ergo u sheegay Gaashaanle sare  M axamed Xasan Axmed oo isagu ah taliyaha xabsiga dhexe  ee magaalada Muqdisho.  Taliyaha ayaa intaasi ku daray in xabsigu uu yahay mid duugoobay, isagoo sheegay inuu u qeybsan yahay illaa laba qeybood, qeybta hore waxaa la dhisay ayuu yiri qarnigii 18-aad halka qeybta labaadna la dhisay qarnigii 19aad, waxaana uu sheegay in xabsiga mas`uuliyaddiisa ay gacanta ku hayaan ciidamada asluubta dowladda KMG ah ee Soomaaliya.‘’Aniga waxaa la igu xukumay illaa labaatan iyo shan sanadood oo xarig ah, nolosheyduna waa iska wanaagsan tahay mana jiraan wax dhibaatooyin ah oo aan kala kulmay halkaan.” sidaa waxaa Ergo u sheegtay  Ikraam Cumar Maxamed oo ka mid ah maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Soomaaliya.Sidoo kale maxaabiista ku jirta  jeelka dhexe ee Muqdisho waxaa ka mid ah Xasan Salaad Xasan (lucky) oo ka mid ahaa saxafiyiinta ka hawlgasha magaalada Muqdisho, isagoo u warramayay  Raadiyo Ergo wuxuu sheegay Xasan in si wanaagsan ay ula macaamileen hawl wadeennada xabsiga muddadii uu xirnaa,  isagoo sheegay in xaaladdooda caafimaad iyo midda nololeedba ay tahay heer sare  “saddexda xiili waan cuntaynaa mana jiraan baahi aan qabno, marka laga reebo xorriyaddeenna oo aan dib u helno” ayuu yiri  weriye Xasan Lucky.Siyaabo kala duwan ayay ku xiran yihiin maxaabiista ku jirta jeelka dhexe ee magaalada Muqdisho, dadka ku xiran sidoo kale waxaa ka mid ah haweeney lagu magaacaabo Khadiija Maxamed Maxamuud oo iyadu u sheegtay idaacadda Ergo in la soo xiray iyada iyo walaalkeed ka did markii wiil walaalkeed ah uu dilay nin kale isla markaana uu baxsaday  “Waxaan u xirannahay aniga iyo walaalkeyba dil uu geystay wiil nala dhashay,  kaasooo baxsday markii uu dilka geystay.” ayay tiri Khadiija, iyadoona intaasi ku dartay  in xaaladdooda caafimaad iyo midda nololeedba ay aad u wanaagsan tahay.Qaar ka mid ah maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa Ergo u sheegay in xaaladdooda waxbarashada iyo dhaqankuba ay si weyn isu baddashay  dadkaasi, waxaa ka mid ah maxaabiistaasi  Fardowsa Axmed Faarax oo iyadu sheegtay in muddo lix bilood ah ay xabsiga ku jirto isla mar ahaantaana ay baratay xifdinta qur`aanka Kariimka ah, waxay sheegtay in aabbeheed uu soo xiray laguna soo eedeeyay caasi waalidnimo.Mar sii horreysay ayay ahayd kolkii shaqaaqo ay ka dhacday gudaha xabsiga dhexe,  ka dib markii maxaabiis  ku jirtay jeelka ay damceen inay baxsadaan,  iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maxaabiis ay ka baxsatay jeelka, haddaba taliyaha guud ee ciidamada asluubta Soomaaliyeed Gen. Cabdi Maxamed Ismaaciil  oo u warramayay idaacadda Ergo ayaa sheegay in aanay jirin cid ka baxsatay jeelka,  balse isku day arrintaasi la xirrirta ay dhacday shaqaaqadii ka dhalatayna ay sababtay in  laba ka mid ah maxaabiistu ay u geeriyoodaan dhaawacyo soo gaaray, Jeneraalka ayaa intaas ku darayt in xabsiga ay ka jirto nolol aad u wanaagsan sida midda guryaha caadiga ah oo kale “Saddexda waqti maxaabiistu waxay helaan raashin wanaagsan ,waxaana  caafimaadkooda gacanta ku haya takhaatiir Turki ah.”  Ayuu yiri  taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed Gen. Cabdi Maxamed Ismaaciil . Taliyaha ayaa ugu dambayntii sheegay in xabsiga ay gancanta ku hayaan ciidamo ku takhasusay dhaqanka maxaabiista,  kuwaasoo uu sheegay in qaarkod ay haystaan Khibrad gaaraysa illaa afartan sano.Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle/AA/FM...akhri
Mid ka mid ah dadka ay booliiska Kenya ku jirdileen Mandheera (Sawir: Keydka/Raadiyo Ergo)

Human Rights Watch Oo Eedeysay Booliiska Kenya

Nairobi 04/05/2012 - Hay`adda  xuquuqda aadanaha ee  Human Rights Watch, ayaa ku eedeysay booliiska  waddanka Kenya in xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda  aadanaha ay kula kaceen boqollaal Kenyan ah  iyo ilaa boqol qof oo qaxooti Soomaali ah  kuwaas oo ay hay`addu sheegtay in la garaacay oo loo geystay tacaddiyo iyo gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha .Human Rights Watch waxay sheegtay  in dhacdooyinkaas ay booliiska Kenya  uga jawaabeen weerarro ka dhan oo ay qaadeen kooxo lala xiriirinayo Al-Shabaab ka dib markii ciidamada Kenya ay u tallaabeen soohidinta dhinaca Soomaaliya.Goobaha ay falalkaasi ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka  Gaarisa, Wajeer, iyo Mandheera, iyo sidoo kale  xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab  halkaa oo ay booliisku ka geysteen gaboodfallada ugu daran oo ay ka mid ahaayeen kufsi, isku day weerar kufsi, garaacid, xarig, baad, dhac iyo burbur hanti.Warbixin ay soo saartay hay`adda Human Rights Watch ayay ku sheegatay in lix bilood ka dib dhibaatooyinkaas lagula kacay dadkaasi aan cidna loo soo qaban.Neela Ghoshal, oo iyadu ah  cilmi-baare ka tirsan Human Rights Watch ayaa idaacadda Ergo uga  warantay warbixinta ay soo saareen waxyaabaha ay ka kooban tahay waxaana wareystay wariye Maxamad Gaarane oo ka tirsan Ergo waxaana uu marka hore weydiiyay  warbixinta ay soo saartay Human Rigthts Watch waxa ay ka kooban tahay ?Jawaab :- “Haa warbixintaan aan soo saarnay waxay ku saabsan tahay  tacaddiyo ay gaysteen ciidamada xoogga Kenya iyo booliiska Kenya oo ay kula kaceen dadka asalkoodu uu yahay Soomaalida ee ku nool gobolka Waqooyi bari ee Kenya, waxaanu ogaannay muddadii u dhaxaesay  bilihii November 201-kii illaa iyo March sanadkan  inay jireen kiisas dhowr ah oo ciidamadu ay garaaceen,  kufsadeen  ama ay si  xun ula dhaqmeen Soomaalida, kuwaasoo isugu jira kuwa Kenyan ah iyo kuwa qaxootiga ah ,kuwaas waxaa badanaa ay jawaab u ahaayeen weeraro ka dhacay degaanadaas, sida weeraro bambaanooyin iyo walxaha qarxa oo laga gaystay magaalooyinka Gaarissa, Wajeer, Mandheera iyo Dhadhaab, dhibaatada aanu aragnay waxay ahayd baddelkii la qaadi lahaa howl ku habboon oo dhinaca sirdoonka ah si loo ogaado dadka mas`uulka ah weerarradaas, oo loo xir xiri lahaa  oo cadaaladda la  keeni lahaa, ciidamada ammaanku waxay hareereynayeen qof walba oo ay arki kareen, badanaa iyagoo garaacaya.”Su,aal:- Mala kulanteen, oo ma wareysateen dadka dhaawacyada  muuqda loo geystay, haddiise  aad aragteen tiro rasmi ah manoo sheegi kartaa? Jawaab:-“Haa, waxaanu oran karnaa tirada dadka la garaacay, gaar ahaan muddadii u dhaxeysay bilihii November illaa Jannaayo waa ugu yaraan 200 oo qof markii aad isku darto dhammaan kiisaska ka dhacay magaalooyinka Mandheera, Gaarisa iyo Wajeer. Tiradii ugu badnayd ee dhaawacyada ah ee aan keydinnay waxaa ugu badnaa dhowr  kiis oo ah dad lafaha ay ka jabeen, mid gacanta ay dillaacday, mid ay faraha hore ay jaban yihiin. Waxaanu sidoo kale aragnay haweeney, ayeeyo ah oo wajeer joogta, waxay qabtay qallal ka hor inta aan la garaacin, marka waxaa dhacay December ciidamada ayaa waddada ku jiiday haweeneydaasi  wayna garaaceen, arrintaas darteed waxaa ku soo kacay qallalkii  ay horay u qabtay waxaana ay jiiftaa sariirta oo xilligaan lagu quudinayo, arrintaani  saamayn weyn ayay ku yeelatay  nolosheeda, Wajeer waxaan sidoo kale aan ku aragnay nin garka ka jabay, waxaan aragnay tirooyin kale oo xitaa bilo ka dib garaaciddii loo geystay ay  ku reebeen astaamo ama nabrro, kuwaas waxay ka mid ahaayeen kuwa ugu daran, Dhadhaab waxaa jiray kiis, ugu yaraan hal dumar ah , mid kalena waan maqalnay laakiinse innaga waxaan wareysannay mid ka mid ah haweenkaas  taa oo ay  kufsi  kula kaceen ciidamada, illa iyo haddana waxay tahay ruux  aad u niyad jabsan.” Suaal:-Waxaad warbixintiinna ku soo qaaddeen dhac iyo bur bur hantiyeed, maxaad kala jeeddaan kuwaas?.Jawaab:- “Tan waxay ka dhacday Dhadhaab, dhadhaab waxaa ka dhacay saddex qarax bishii December 2011, mid wuxuu dhacay 5-tii December, mid 19kii, mid 20kii, kuwaas waxaa lagu beegsanayay booliiska, dabcan weerarradaas waxa ay ahaayeen kuwa maskaxda dhib ku ah, HRW,na waa ay cambaaraynaysay weerarradaas laakiinse waxaa aan ka walaacnay waxa ay ahaayeen sida ay bileyska uga jawaabeen, wixii aanu ogaanayna ka dib weerarkii saddexaad markii uu dhacay December 20keedii, bileyska waxa ay weerar qorshaysan ku  qaadeen qaxootiyada ku nool xeryaha  Ifo iyo Xagardheer, waxay ku socdeen guri guri, dukaan  dukaan, waxayna dhacayeen wax walba oo ay arkeen. Waxaan wareysannay  guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya  Faarax Macallin oo deegaankaas ka soo jeeda, wuxuuna ogaaday in alaab lagu qaddaray 38 Milyan oo Shillin lagu dhacay weerarradaasi , sidoo kale waxaan wax ka weydiinnay aarrimahaasi  qaxootiga oo noo sheegay sida ay booliiska u soo galeen guryahooda oo ay ku burburiyeen wax kasta”Su,aal:- Ugu dambeyntii , Maxaad arrintan hadda shaaca uga qaaddeen waayo sida aad warbixintiina ku sheegteen lix bilood ka hor ayay dhaceen, maxaad mar hore u soo bandhigi waydeen?“Hagaag, illaa intii ay billowdeen  tacaddiyadan, daboolka ayaanu ka qaadaynay  sidaa darteed bishii November waxaanu soo saarnay war saxaafadeed, warqad ayaanu sidoo kale u qornay wasaaradda gaashaandhiga, inagoo ogaysiinayna  wasiirka in  waxani ay dhacayaan, marnaba jawaab kama aanu  helin , Bishii Jannaayo waxaanu soo saarnay war saxaafadeed kale markaas waxaanu  jawaab ka helnay wasaaradda gaashaandhigga  taasoo ah in wasaaraddu  ay dhistay koox baaritaan ku samaysa gaboodfallada, kooxdaas waxay qabteen xoogaa shaqo ah, waxay tageen wajeer. Gaarissa iyo Mandheera si ay u soo wareystaan qaar ka mid ah dhibanayaasha, waxayna noo sheegeen in haddii cid goonni ah lagu helo dambiyadaas ay maxkamad ku qaadi doonaan laakiinse muddo lix bilood ah markii ay falalkaas dhaceen illaa hadda ma anan arag saraakiil dambi lagu soo oogay, oo maxkamad la soo taagay, dhinaca bileyska ma jirto caddeyn la xiriirta inay sameeyeen wax baaritaanno ah oo la xiriira arrimahaan iyo inkale, marka sababta aanu u soo saarayno warbixintan xilligan waxa ay tahay inaan u jeedino ciidamada amaanka inay si buuxda u baaraan dambiyadan, inay macluumaadkooda soo bandhigaan iyo in dambiga ay leeyihiin lagu qaado sarkaal kasta oo lagu helo dambi. hadda dambiyada hoos ayay u dhaceen laakiinse arrimahan la xiriira dagaalka soomaaliya xilli kasta ayay dhici karaan  waana inaan saraakiisha ku lug lahaata dambiyadan aysan  baxsan mustaqbalka”.Su,aal:- Ma umalaynaysaa in arrimahan aad soo qaaddeen, ay dadka qaxootiga ee doonayay inay Kenya u tallaabaan saamayn ku yeesheen, sida inay dad ay laabtaan amaba kuwa doonayay inay soo tilllaabaan ay cabsi darteed la nagaadeen? Jawaab:- “Xaqiiqdii, waxay tani  sababtay cabsidii ugu darnayd , waxaa jiray warar aan badnayd oo sheegayay inay jireen dad arrimahan dartood dib ugu laabtay Soomaaliya, aad bayse u yaraayeen dadkaasi  inkastoo ay xaaladahan ay ahaayeen kuwa xanuun leh haddana waxa ka darnaa xaalada Soomaaliya ka taagan, laakiinse waxa aanaan wali ogaannin haddii ay jiraaan dad dhinaca Soomaaliya jooga oo jeclaan lahaa  inay Kenya u soo qaxaan, oo halis ka baqdin qaba in  haddii ay u soo tallaaban Kenya loola dhaqmo six un.”MG/AA/FM...akhri

Weriye U Shaqeynayay Raadiye Daljir Oo Lagu Dilay Gaalkacyo

Nairobi 03/05/2012 - Koox hubeysan ayaa xalay gudaha xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ku dilay weriye Farxaan Jeemis Cabdulle, oo la shaqeynayay raadiyaha Daljir....akhri

Wafdi Qm Oo Dkmg Ah Ee Soomaaliya Kala Hadlay Xuquuqul Insaanka

Muqdisho 23/04/2012 - Wafdi heer sare ah oo ka socday guddiga madaxa bannaan ee Qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka  ayaa kulamo kula qaatay magaalada Muqdisho raiisal wasaaraha DKMG Soomaaliya Dr,Proff:C/wali Maxamad Cali Gaas....akhri
Haweenay iyo qoyskeeda oo dhex socda goob ay biyaha roobabka daad dhigeen (Cabdulqadir Cabdulle/Radio Ergo)

Barakacayaal Ka Cabanaya Inay Roobabka Waxyeelo U Gaysteen

Muqdisho 17/04/2012 - Roobabkii saacadihii ugu dambeeyay ka da,ay gudaha magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada ilma yar oo lix bilood jir ah kaam ku yaala agagaarka warta Siigaale ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, ilmahaan yar ayaa la sheegay in ay qaadeen biyaha roobka dabadedna uu ku dhacay gunta hoose ee warta halkaasoo uu ku haftay biyihii dabadeedna uu ku geeriyooday....akhri
Muuqaalka sare ee Laascaanood(Cabdikariim Olol/Radio Ergo)

Barakac Ka Dhashay Dagaal Ka Soo Cusboonaaday Laascaanood Iyo Buuhoodle

Laascaanood 02/04/2012 - Dagaaladii ka dhacay qeyba kamid ah gobolka Sool ayaa saamayn xoogan ku yeeshay dadka ku nool nawaaxiga iska hor imaadyada hubeysani ka dhaceen,dadkaan oo u badan dad xoolo dhaqata reer guuraa ah ayaa waxa ay billabeen in ay isaga barakacaan degaanadii ay ku suganaayeen. Degaanada ugu badan ee ay dadku billaabeen in ay ka barakacaan waxaa ka mid ah Buqsheenle' waqadari'iyo Gacandar oo dhamaan ka tirsan gobolka Sool....akhri
Muuqaalka sare ee magaalada Baydhabo(Sawir Keyd/Koronto)

Xaaladaha Bani`aadannimo Ee Gobollada Bay Iyo Bakool

Baydhabo 14/03/2012 - Xilli dadka ay ka soo kabanayaan abaaro saamayn ku yeeshay kumannaan qoys oo ku noolaa deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool, islamarkaana gobolladaas ay ka jireen isbedello dhinaca nolosha ah, ayaa markale dadka deegaanku waxay la kulmeen isku dhacyo sababay barakac hor leh, kaasoo tan iyo bishii febraayo si weyn looga dareemay qeybo ka mid ah labada gobol....akhri

Oxfam Oo Baaq U Dirtay Shirka London

Nairobi 22/02/2012 - Hay`adda gargaarka ee Oxfam, ayaa ugu baaqday waddamadda ka qayb gelaya shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya laguna qabanayo London  maalinta berri ah oo taariikhdu tahay 23ka Febraayo, inay awoodda isugu geeyaan hannaan is faham keenana in wada jir ah, oo wax loogu qabto si loo hormariyo ammaanka waddanka kaasoo dan u ah bulshada Soomaaliyeed....akhri
Xiriiriyaha arrimah bani'aadanimo ee Soomaaliya Mark Bowden (Sawir: Mohamed Hassan/Radio Ergo)

Ocha: Waa In La Joogteeyaa Heerarka Gargaarku Ku Socdo Si Loo Adkeeyo Guulihii Bani’aadamnimada Ee La Gaarey

Nairobi 03/02/2012 - Markii si weyn kor loogu qaadey gargaarka bani’aadamnimada iyo dalag aad u wanaagsan oo soo go’ay oo is-biirsadey ayaa gacan ka geystey in ay soo wanaagsanaato xaaladda bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo aaney hadda xaalado macaluuleed weli ka sii jirin, laakiin haddii si weyn loo kala gooyo gargaarka waxaa dhacaysa in ay meesha ka baxaan guulihii la gaarey tan iyo markii macaluusha lagu dhawaaqey bishii Luuliyo ee la soo dhaafey, si lagu sheegey falanqeyn/lafaguris ay maanta soo saareen Waaxda Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ka tirsan ee Lafagurista Haqab-beelka Cuntada iyo Nafaqada (FSNAU) iyo Nidaamka Ka-sii-digista Macaluusha (FEWS NET).  Xogta ugu dambeysa ee la hayo ayaa tilmaameysa in 2.34 milyan qof oo Soomaali ah ay weli u baahan yihiin gargaar nafo-badbaadin iyo in la filayo in ay xaaladdu mar kale ka sii darto marka la gaaro bisha Maajo. ...akhri
1
Boqolaal qoys ayaa ku barakacay dagaalkii Buuhoodle kuwaasoo u gudbay xadka Itoobiya, iaydoo aysan jirin gargaar la gaarsiiyey (Sawir: Saalixi/Radio Ergo)

Boqollaal Qoys Oo Ka Cararay Dagaalkii Buuhoodle Oo U Tallaabay Xadka Itoobiya

Togdheer 24/01/2012 - Deegaanka Buuhoodle oo toddobaadkii la soo dhaafay ay ka jireen xaalado colaadeed, ayaa boqollaal qof ay ka barakaceen guryahoodii,kuwaasoo u tallaabay dhinaca xuduudka Itoobiya.Weriye ku sugan Buuhoodle, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay jiraan sidoo kale dad kale oo badan oo degganaa goobaha miyiga ah ee hadda ciidamadu isku hor fadhiyaan oo iyagana ka hayaamay colaadaha jira.Yuusuf Axmed, oo ah guddoomiyaha urur samafal oo la yiraahdo BYO oo gudaha ka hawlgala ayaa sheegay inaysan jirin cid caawisay dadkii barakacay oo badigoodu ku sugan tuulada Goob oo gudaha Itoobiya ku taal, ururkooduna ay gaarsiiyeen bacaha hoyga laga dhigto, waxaana jira cudurka shubanka oo carruurta waqtigaan soo ridanaya..Hay`adda bisha cas ee Buuhoodle ayaa iyana sheegtay inay jiraan dad shicib ah oo ku dhaawacmay dagaalkii 15-kii bishan dhacay, kuwaasoo lagu daaweeyey goobo kala geddisan. Xilligaan oo lagu jiro abaar ayaa colaadaha ka jira deegaanka Buuhoodle ay saamayn ku yeesheen dadka deggan magaalada iyo miyigaba.Hay`adda laanqayrta cas ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in cuntayaraantii ka taagnayd Soomaaliya ay hoos u soo dhacday iyadoo dadkuna ay ka soo kabanayaan macaluushii, waxayse qirtay ICRC in iska hor imaadyadu yihiin dhibaatada ugu daran ee waqtigan khatar gelinaysa kumannaan Soomaali ah.FM/MH ...akhri

Gabar La Il Daran Xanuun Oo Dalbatey Gargaar.

Bari 24/01/2012 - Xanuunka iyo caafimaadka waa wax xagga rabbi ka yimaada, hase ahaatee waxaa jira dadaal ay sameeyaan bani`aadamka kaasoo loogaga hortago xanuunnada soo wajaha bulshada. Faadumo Maxamed Xirsi, waa gabar 23-sano jir ah waxayna ay la ildarantahay xanuun muddooyinkan dambe lagu arkey dalka Soomaaliya oo googo`ku yimaada jirka bani`aadamka ah, kaasoo ay wax ka qaban waayeen Takhaatiirta Soomaaliya....akhri
Helitaanka biyo nadiif ah ayaa lagama maarmaan u ah noolaha (Sawir: Cabdijamaal Macallin Axmed/Raadiyo Ergo)

Ocha: Waa In Caalamka Uu Sii Wadaa Taageerada Gargaar Ee Soomaaliya

Nairobi 19/01/2012 - Lix bilood ka dib markii xaalad macluul looga dhawaaqay qeybo ka mid ah Soomaaliya , samafalayaasha ayaa ugu baaqaya caalamka inuusan illaabin codsiga afar milyan oo Soomaali ah kuwaasoo u baahan gargaar deg deg ah. “Waxaynu awoodnay inaan xaalad macluul ka badbaadinno 500,000 kuwaasoo aan sanadkii hore ku jirin xaalad  khatar ah,” sidaa waxaa yiri xiriiriyaha arrimaha bani`aaddannimada Soomaaliya ee QM, Mark Bowden. “Inkastoo ay jiraan xoogaa horumar ah oo laga sameeyay wax ka qabashada macluushii ka jirtay koofurta Soomaaliya sanadkii 2011, afar milyan oo qof oo ku sugan gudaha dalka  ayaa u baahan gargaar deg deg ah, halkaasoo macluushu ay weli ku heysato illaa 250,000 Soomaali ah.” “Horumarka si fudud ayuu u lumi karaa haddii aan wax qabad dheeraad ah la muujin. Xasaradaha ka jira Soomaaliya waa kuwa ugu weyn ee ka jira caalamka  wayna sii socon doonaan illaa  bisha September. Waxayna u baahan yihiin gacanta beesha caalamka iyo inay fiiro gaar ah u yeeshaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.     Hay`adaha samafalka ayaa codsanaya  1.5 bilyan oo doollarka mareykanka ah si loo badbaadiyo nolol badan dadka Soomaaliyeedna loo siiyo fursadda ah inay naftooda wax u qabsadaan mustaqbalka  . Mashaariicda bani`aadannimo ee sanadkan loo qoondeeyay in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo afarta milyan ee Soomaalida ah ee ugu nugul , sida cunto, biyo nadiif ah, adeegyada faya dhowrka iyo nadaafadda iyo adeegyada caafimaadka, halka qiyaastii  486 milyan  oo dollar loo adeegsadaan doono sidii dadka ay uga soo kaban lahaayeen abaarihii dhaafiyay hantidooda. “Taageeradii dhaqaale ee la huwiyay Soomaaliya ka dib markii sanadkii hore xaalad macluul looga dhawaaqay waxay saameyn weyn ku yeelatay xaaladaha bani`aadannimo,” ayuu Bowden yiri. “Tirada dadka bil walba helaya cuntada ayaa saddex jibbaar noqday 2.6 milyan oo qof. In ka badan 450,000 carruur ah ayaa laga daweeyay nafaqo darrada.” Ka jawaab celinta abaarihii dalka ka dhacay ayaa sidoo kale wax ka qabtay inay faafaan cudurro sida shuban biyoodka  iyo jadecada – in si waqtiyeysan oo wax qabad leh looga jawaab celiyo ayaa noqon kara kuwo saameyn leh, iyadoo ay jiraan caqabado kale oo bani`aadannimo oo ka jira Soomaaliya.“Deeqdii la helay markii macluusha lagu dhawaaqy ka dib ayaa muhiim u ahaa wixii sanadkii hore lagu guuleystay, gaar ahaan tixgelintii saadaashii khubarada  bishii July taasoo ahayd in xaaladda macluusha ee guud ahaan koofurta dalka ay ka sii dari doonto. Muddo bilooyin gudahood ah, ka jawaab celinta macluushaasi oo la sii labalaabay ayaa keentay in saddex gobol iyo kala bar hal milyan oo qof inay ka baxaan macluusha ” ayuu  Bowden hadalkiisa sii raaciyay. “balse waxaan u baahannahay inaan dadaalkeenna sii wadno si looga fogaado in ay sii socdaan abaaraha, macluusha iyo xasaradaha ka jira dalka .” ayuu yiri xiriiriyaha arrimaha bani`aadannimada Soomaaliya ee QM.FM...akhri
Dadka Naafada ah ee deeqda la guddoonsiiyay (Sawir: Maxamed Ibraahim Raage/Raadiyo Ergo)

Dad Naafo Ah Oo Deeq Raashiin Ah Lagu Guddoonsiiyay Magaalada Kampala

Kampala 19/01/2012 -   Deeq raashiin ah oo ka koobneyd Bur, Sokor iyo Saliid ayaa shalay gudaha xarunta jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Kampala ee dalka Uganda loogu qeybiyay qaar ka mid ah naafada Soomaaliyeed iyo hooyooyin dan yar ah oo ku dhibaateysnaa halkaasi. Deeqdaan oo ka timid hay`ad samafal  oo xarunteedu tahay dalka Imaaraatka carabta lana soo marsiiyay hay`adda nabadda iyo horumarinta Soomaaliyeed ee ka dhisan dalka Uganda , ayaa waxaa ka faa`iideystay qoysas gaaraya 50 oo qaxooti ku ah dalkaasi.Xuseen Abuukar Xasan, oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa Raadiyo Ergo uga warramay muhiimadda ay deeqdaasi raahsiin u lahayd qoysaskii ka faa`iideystay, xilli sicir barar dhanka cuntada ah uu ka jiro dalkaasi “ Qoysaska deeqdan la guddoonsiiyay waxay u badnaayeen dad naafo ah, iyo qoysas kaloo dan yar ah runtiina maaddaama dalkaan sicir barar uu ka jiro aad ayay u anfaceysaa deeqdaan dadka ka faa`iideystay.”Cabdow Aweys oo ka mid ah dadka naafada ah ee deeqdaasi raashiin wax ka helay ayaa uga mahad celiyay samafalayaashii soo gaarsiiyay “ Alxamdulillaah, deeqdaan waxay ku soo aadday xilli aan aad ugu baahneyn waana uga mahad celineynaa walaalihii na soo gaarsiiyay.” Ayuu yiri Cabdow oo aad u faraxsan.Qaxooti badan oo Soomaaliyeed ayaa ku nool dalka Uganda, kuwaasoo ka soo cararay dagaallada iyo abaaraha is biirsaday ee dalkooda ka jira.Maxamed Ibraahim Raage/FM...akhri
Oxfam ayaa sheegtay in beesha caalamku aysan si hagaagsan uga jawaabin dhibaatada ay lahayd abaartii dhacday taasoo keentay inay gaajo u dhintaan kumannaan qof (Sawir: Cabdicasis Koronto/Radio Ergo)

Oxfam/save The Children: Jawaabta Beesha Caalamku Ka Bixisay Abaartii Bariga Afrika Oo Gaabis Ahayd Ayaa Keentay Inay Dhintaan Kumannaan Qof

Nairobi 18/01/2012 - Kumannaan dad ah ayaa dhintay malaayiin dheeraad ah oo doollarna waa la qarash gareeyay sababtoo ah beesha caalamka ayaa ku guul darreysatay inay tallaabooyin la taaban karo ka qaaddo qeylo dhaannadii hore ee baahida ka jirtay Bariga Afrika, sidaa waxaa warbixin cusub oo ay si wada jir ah u soo saareen ku sheegay hay`adaha caalamiga ah ee  Oxfam iyo Save the Children. Warbixinta oo cinwaan looga dhigay, Dib u dhac khatar ah, ayaa lagu sheegay in dhaqanka ah xisaabinta heerka ay gaarsiisantahay baahida jirta ay keentay in dib u dhac  muddo lix bilood ah uu ku yimaado  howlihii gargaarka, sababtuna ay tahay in hay`adaha gargaarka iyo dowladahaba ay aad u yareyd qaabkii ay uga jawaab celiyeen baahiyihii jiray.Qeylo dhaanta habka ka sii digista abaaraha ayaa la diray horraantii bishii August 2010, balse waxaa si buuxda  qeylo dhaantaasi looga jawaab celiyay bishii July 2011, markaasoo xaaladaha macluul ee ka jiray qeybo ka mid ah gobolka ay ka baxeen xadkii wax looga qaban lahaa, sidoo kale saxaafadda ayaa iyadana door weyn ka ciyaartay shaacinta gaajada iyo abaaraha ka dhacay Bariga Afrika.Save the Children iyo Oxfam ayaa ku baaqay in qarash badan loo raadiyo qeybinta cunnada si deg deg ahna waxna laga qabto, ka hor inta aysan xaaladdu ka sii darin. Hay`adahan ayaa ugu baaqaya  dowladaha inay sii laballaabaan ka jawaab celintooda cunno yaraanta, si loo dhammeeyo gaajada. "Dhammaanteen wax baanu ku leennahay mas`uuliyadda dib u dhacan khatarta ah, taasoo galaafatay nolosha dad badan oo ku noolaa Bariga Afrika, waxaana u baahannahay inaan ka jawaab celinta soo daahda aan cashar ka baranno,” sidaa waxaa tiri madaxa joogtada ah ee Oxfam Barbara Stocking. “Waa wax argagax leh in dadka ugu saboolsan ay weli u dulqaadanayaan guul darrada ka jawaab celinta baahidooda. Waxaan ognahay in wax ka qabashada deg degga ah ay badbaadineyso nolosha dad badan, balse in la ururiyo heerka baahida jirta ay taasi ka dhigan tahay in hay`adaha gargaarka ay ka cago jiidayaan inay lacag qarash gareeyaan illaa ay ka ogaadaan in cunno yaraan daran ay jirto." Ayay Barbara hadalkeeda sii raacisy. "Ma oggolaan karno in xaaladdan ay sii socoto, taasoo dunida iyadoo og in xaalad deg deg ah ay jirto ay iska indho tireyso illaa ay ka hor yimaadaan sawirrada carruurta macluulsan ee TV-yada laga sii daayay," sidaa waxaa yiri madaxa joogtada ah ee  Save the Children Justin Forsyth. Iyadoo tallaabooyin habboon ay qaadeen dowladaha, sida inay horumariyeen hannaanka qeylo dhaanta iyo ka sii digista iyo difaacidda bulshada, kuwaasoo looga gol lahaa in qoysaska la siiyo taageero hore– balse intaas in ka badan ayaa gobolka looga bahnaa. Inkastoo aan si sax ah loo xisaabin Karin tirada dadka ku dhintay  abaaraha, dowladda Ingiriiska ayaa ku qiyaaseysa in  inta u dhaxeysa 50,000 iyo 100,000 oo dad ah ay dhinteen bilihii April iyo August 2011, in ka badan kala bar dadkaasi oo carruur ahaa ay dad`doodu ka hooseysay shan sano, maanta Soomaaliya waa dalka cunno yaraanta ugu badan caalamka ay ka jirto, iyadoo boqollaal kun oo dad ahna ay khatar ku jiraan.Tallaabooyin hore loo qaaday ayaa jiray balse baaxadda cunno yaraanta jirtay ayaa ka sara maray dadaalladaasi. Sidoo kale in la dhaqaaleeyo qarashka la bixinayo ayay ahayd, sida maalin walba shan litar oo biyo ah in loo qeybiyo dad gaaraya 80,000 oo qof oo ku nool Itoobiya oo ay ku baxday  $3 milyan oo doollar muddo shan bilood ah, waxaa loo barbar dhigi karaa $900,000 oo doollar si ilaha biayaha loogu diyaariyo abaaraha soo socda.Gudaha Bariga Afrika, in taageero markiiba la siiyo qoysaska si ay caafimaadka xoolahooda u dhowraan sidoo kalana ay suuqdayad shaqeeyaan ayaa looga hortagi karay xaaladaha macluul, iyadoo bolollaal kun oo qof ay waayeen xoolahooda ka dib markii ay ku le`deen abaaraha....akhri
Dilka iyo afduubka loo geysanayo dadka ka shaqeeya arrimaha samafalka ayaa saamayn ku yeelanaysa sidii loo gargaari lahaa 4 milyan oo Soomaaliya (Sawir:Cabdisamed/Radio Ergo)

Horumarka Iyo Dib U Dhaca Haysta Gargaarka Soomaaliya.

Nairobi 13/01/2012 - Xiriiriyaha arrimaha bani`aadannimo ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa sheegay in jawaabta beesha caalamku ka bixisay gurmadka wax looga qabanayey macaluushii ka dhacday Soomaaliya sanadkii tegey ay ahayd mid wax ku ool ah, taasoo sababtay in lagu guulaysto badbaadinta nolosha kummannaan qof.Mark Bowden oo ka hadlayey xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa sheegay markii ay ku dhawaaqeen inay macaluuli ka jirto Soomaaliya bishii Luuliyo 2011 ay ka heleen bulshada calaamaka jawaabo keenay in lagu taakuleeyo adduun gaaraya 1.3 bilyan oo Dollar tanoo sababtay in si wanaagsan loogu guulaysto yaraynta macaluusha, nafaqa darrada iyo dhimashada carruurta iyo waayeelka, wuxuuna bulshada calamka ku booriyey in la sii wado taakulaynta la siinayo dadka baahan ee Soomaaliyeed.(Riix)Iyadoo ay niyad samidaan muujisay Qaramadda Midoobay ayeysan haddana wanaagsanayn wararka ka imanaya gudaha waddanka. Dilalka, afduubka iyo tacaddiyada kale ee lagu hayo dadka ka shaqeeya arrimaha gargaarka ayaa sii kordhaya. Inta u dhaxaysa deegaanka Birtadheer iyo Ceeldheere oo ka tirsan degmada Dhuusamareeb ayaa dil loogu gaystay Cabdikariin Xaashi Kediye oo ahaa hawl wadeen hay`ad gudaha ka shaqaynaysay lana hawl galaysay barnaamijka cuntada Qaramada Midoobay ee WFP, sidoo kale waxaa la dhintay darawalkiisii Ducaale Yaasiin Dhuxulow, shaqalahan oo ka baxay xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb. Dilkaan waxaa geystay kooxo hubaysan welina aan la qaban. deegaanka uu dilku ka dhacay ayaa ah goobaha ay maamulaan ururka Ahlusuna Waljamaaca. Goobta ayaa siduu sheegay weriyaheenna Galgaduud waxaa ku sugnaa dad badan oo barakacayaal ah kana cararay dagaalladii dhowaanahan ka dhacayey Dhuusamareeb. Sidoo kale laba toddobaad ka hor ayaa saddex ruux oo ka tirsanaa WFP lagu diley degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo aan ka fogeyn meesha dilkaan kale hadda uu ka dhacay.Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Macallin Cabdiraxmaan Cabdillaahi Geeda- qorow ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dilkaan ay aad uga xunyihiin, wuxuuna intaas hadalkiisii ku daray in dilalkaani ay sii adkaynayaan gurmadka loo samayn lahaa kummannaanka qof ee gobolkaas ay dagaallada iyo abaaruhu ku waxyeelleeyeen, waxayna tani sidoo kale wax yeelaysaa baaqii hoggaanka Ahlu sunna dhowaan ay u jediyeen hay`addaha garaarka oo ku aaddanaa in gurmad bani`aadannimo lala soo gaaro gobolkaas.Gobollada dhexe ee waddanka ayaa u muuqda goobaha waqtigan khatarro badani ka imanayaan, magaalada Gaalkacayo ayaa laga afduubtay laba qof oo u shaqaynayey hay`adda bixinta miinooyinka dhulka ee DDG, illaa waqtigaanna gacanta ugu jira kooxihii afduubtay.Ururka Al-Shabaab ayaa isaguna xannibay inta badan hay`adihii gargaarka goobaha ay gacanta ku hayaan, hay`adda laanqayrta cas ee ICRC ayaana noqotay hay`addii ugu dambaysay ee joojisa hawlaheedii gurmadka bani`aadannimo iyadoo Khamiisti sheegtay in gebi ahaanba ay hakisay hawlo ay cunto gargaar ugu daad gurayn lahayd Soomaaliya gaar ahaan goobihii macaluushu ay halakaysay ee bartamaha iyo koonfurta wadanka, ka dib markii ay ururka Al-Shabaab is hortaageen hawlahoodii samafal, tanoo saamayn ku yeelanaysa 1.3 milyan oo qof. Mid ka mid ah saraakiisha ICRC ayaa sheegay in illaa badhtamihii bishii Diseembar ay haysteen dhibaatooyin ku aaddan sidii ay u gaarsiin lahaayeen sahay bani`aadannimo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud ayna taasi keentay inay hakiyaan gebi ahaanba hawlahoodii.Qaramada Midoobay ayaa sanadkaan u codsatay gargaarka Soomaaliya 1.5 bilyan oo dollar kanoo ah gargaarkii maaliyadeed ee ugu badnaa abid  ee loo codsado arrimaha bani’aadannimo ee waddanka, isagoona Mark Bowden sheegay in maaliyaddaan wax uga qaban doonaan arrimaha soo kabashada dhinaca nolosha dadka ay sameeyeen abaaraha iyo dagaalladu, waxaana sanadkaan na saaran masuuliyad aan ku xaqiijinayno in dadkii barakacay ay dib ugu soo noqdaan guryahoodii, awoodna u helaan inay dib u dhistaan nolosha, haddii aan arrintaan la samayna waxaan wajihi doonnaa barakac baahsan oo saameeya umadda Soomaaliyeed iyadoo horayba ay dagalladii muddada dheer ka taagnaa Soomaaliya ay ku barakiciyeen gudaha waddanka dad gaaraya 1.5 milyan oo qof.Dhibaatooyinka dilalka, afduubka iyo caga juglaynta lagu hayo hay`adaha gargaarka ayaa saamayn ku yeelan kara sidii lagu gargaari lahaa afar milyan oo Soomaali ah oo weli u bahaan gargaar bani`aadannimo iyo in laga taakuleeyo arrimaha aasaasiga ah sida cuntadd, caafimaadka, biyaha iyo fayadhaworka siduu sheegay Mr. Bowden. MH/FM...akhri
Boqollaal kun oo qof oo gudaha Soomaaliya ku nool ayaa u baahan gargaar deg deg ah (Sawir: Yuusuf Keynaan/Raadiyo Ergo)

Hay`adda Icrc Oo Joojisay Howlihii Gargaar Ee Ay Ka Fulin Jirtay Qeybo Ka Mid Ah Soomaaliya

Nairobi 13/01/2012 -      Hay`adihii yaraa ee dhowaan uu ururka Al-Shabaab ka mamnuucay gudaha Soomaaliya, ayaa joojiyay qeybinta cunto iyo miraha dalagga beeraha oo la siin jiray dad gaaraya 1.1 milyan oo qof oo ku sugan koofurta iyo bartamaha dalka."Xayiraaddan way sii socon doontaa illaa aan ka helno maamullada xukuma deegaannadaas oggolaansho ah inaan gaari karno dhammaan dadka gargaarka u baahan,  sidaa waxaa warbixin la soo saaray ku yiri Patrick Vial, madaxa wafdiga  ICRC ee  Soomaaliya.Iyadoo aan si gaar ah loo magacaabin ururka  Al-Shabaab, oo iyagu xukuma inta badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa warbxinta  ICRC lagu sheegay in qeybinta gargaarka ee loogu talo galay 240,000 oo qof oo ku nool gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud la joojiyay tan iyo bartamihii bishii December 2011. "Waxaan dhab ahaantii raadineynaa iskaashi aan kala sameyno maamullada gudaha sidii aan u soo celin lahayn howlihii aan wadnay ee la xayiray ," ayuu  Vial hadalkiisa raaciyay.Illaa saddex milyan oo qof oo ku sugan  koofurta iyo bartamaha  Soomaaliya ayaa u baahan gargaar bani`aadannimo sababtoo ah waxaa isugu darsoomay abaaro iyo dagaallo, 250,000 dadkaasi ka mid ah ayaa weli ku nool xaalado macluul, sida uu sheegya xafiiska QM u qaabilsan arrimaha bani`aadannimada. Dhanka kale, afhayeenka xoogagga difaaca Kenya ee loo soo gaabiyo (KDF), oo bishii October gudaha Soomaaliya ka billaabay howl gallo milatari oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa codsaday gargaar bani`aadaannimo oo dheeraad ah si loo gaarsiiyo dadka ku nool deegaannada ay qabsadeen. "Waxaan ugu baaqeynaa ururrada caalamiga ah ee leh awood ay gargaar ku soo gaarsiiyaan deegaannada ku jira gacanta KDF iyo ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, inay si dhaqso ah ula soo gaaraan," ayuu Maj Emmanuel Chirchir u sheegay wakaaladda wararka arrimaha bani`aadannimada u qaabilsan QM ee IRIN.Wuxuu  Chirchir sheegay in ciidamada Kenya , kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiya ay gacanta ku hayaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo iyo qeybo badan oo koofurta ka mid ah."Deegaannada aan maamulno waxaa laga sameyn karaa  adeegyo gargaar, sababtoo ah waxaan awoodnaa inaan ilaalo u sameyno shaqaalaha gargaarka, hay`adaha samafalka waa inay nagala tashadaan sida ugu wanaagsan ee loo damaanad qaadi karo ammaanka shaqaalaha gargaarka," ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka ciidamada Kenya ee galay gudaha Soomaaliya.Afhayeenka  OCHA Soomaaliya Russell Geekie, ayaa yiri “Go`aannada ku saabsan meesha howlaha gargaarka laga fulin karo waxay ku xiran tahay baahida iyo xaaladaha ammaanka, markaas samafalayaasha ayaa xaaladda indha indheyn kara." Sarkaal sare oo isagana samafalayaasha ka tirsan ayaa IRIN u sheegay : “"Hay`adaha gargaarka waxay wadaan qiimeynta xaaladaha ammaanka ee Soomaaliya iyo sidii ay uga howl gali lahaayeen meel walboo ammaan ah. Balse waxay mar walba ka fogaadaan in lala xiriiriyo koox walboo hubeysan  ." Xaaji Xiifow, oo ka mid ah dadka deggan magaalada Buurgabo, oo 90km u jirta xadka  Kenya oo ay maamulaan ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda KMG ah, ayaa sheegay in magaaladaasi aysan weli ka soo kaban saameynta abaarihiid daba dheeraaday, inkastoo roobab ay ka da`een dhowaan.Xiifow ayaa sheegay in dadka magaaladaasi ku nool iyo barakacayaasha Buurgaabo uga yimid magaalooyinka kale, ay heystao xaalad cunno yaraan ah. Wuxuu sheegay in hay`ad gargaar oo halkaasi ka howl gasha aysan jirin.Inkastoo magaalada ay haatan tahay mid nabdoon, wuxuu yiri Xiifow, "Ma cuni karno ammaan; waxaan u baahannahay wax aan cunno iyo caawin dhanka adeegyada caafimaadka ah ".Warbixintan waxaa qortay wakaaladda wararka arrimaha bani`aadannimada u qaabilsan QM ee IRIN.FM...akhri
Dadka oo ka faa`iideysanaya biyo dhaaminta loo sameeyay(Sawir: Yaasiin Cali Ciise Raadiyo Ergo)

Biyo Dhaamin Loo Sameeyay Dadka Deegaanka Holhol Ee Degmada Boorama

Awdal 09/01/2012 - Dadka ku nool deegaanka Holhol oo ka tirsan degmada Boorama ee gobolka Awdal ayaa haatan waxaa ka degya culeys dhanka biyo la`aanta ah, kadib markii loo sameeyay biyo dhaamin ay ka faa`iideysteen.In muddo ahba biyo la`aan aad u daran ayaa ka jirtay deegaankaasi Holhol, waxaana sabab u ahaa roobab yaraan iyo warihii ay dadku biyaha ka cabi jireen oo guray.Haddaba ururka horumarinta ee ADECO ayaa biyo dhaamin ka sameeyay deegaanka Xaaslayda ee tuulada Holhol, waxaana deeqdaan la gaarsiiyay in ka badan 300 oo qoys waxaana ka wakiil ahaa guddoomiyaha ururkan ee gobolka Awdal Cumar Ileeye Jimcaale.Mudane Cumar Ileeye ayaa sheegay in biyo dhaamintan ay sameeyeen kadib markii ay arkeen baahida weyn ee loo qabo.Sidoo kale dadkii biyo dhaamintan ka faa`iideystay ayaa u mahad celiyay samafalayaashii howshan fuliyay, iyagoo sheegay inay si aad ah ugu dhibbanaayeen helista biyaha.Biyo la`aanta noocan oo kale ah waa mid saamayn xooggan ku yeelata dadka xoola dhaqatada ah iyo dadka wax hayntoodu ay hoosayso, oo iyagu aan awood u lahayn in ay ka gudbaan dhibaatadaasi.Haddaba iyadoo arrintu ay sidaas tahay, ayaa waxa taas barbar socota dhibaato kale oo ah in nadaafad xumada iyo faya-dhowr la`aanta biyuhu ay kaalin mug leh ka ciyaaraan inay fidaan xanuunno khatar ah oo bulshada waxyeello badan u gaysan kara.Yaasiin Cali Ciise/FM...akhri
Cidamada Kenya ayaa markii ugu horaysay geeyey gargaar raashin aan badnayn deegaanka Buurgaabo (Sawir; Nur Cali/Radio Ergo)

Ciidamada Kenya Oo Raashiin U Qeybiyay Qoysas Ku Nool Buurgaabo.

Jubbada Hoose 05/01/2012 - Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Jaziiradda Buurgaabo ee koonfurta gobbolka Jubbada Hoose, ciidamada Kenya ee halkaasi ku suggan ayaa raashiin u qeybiyay qoysas danyar ah oo deegaankaasi ku nool kuwaasoo kamid ahaa qoysaskii xoolahoodii ay dhaafisay abaartii dalka kuwada dhufatay.Raashinkaan ay saraakiisha ciidamada Kenya ay ka qeybiyeen Jaziiradda Buurgaabo ayaa waxaa uu ka koobanyahay Bariis, Sokor, Galley iyo Saliid, ayadoo ay jiraan adeegyo kale oo dhanka caafimaadka ah oo ay ciidamada Kenya ay u qeybiyeen dadka deegaanka Buurgaabo, sida uu Raadiyaha Ergo u sheegay Ibraahim Hafow Cali oo kamid ah Odayaasha Buurgaabo.Dadka ku nool Jaziiradda Buurgaabo oo u badan dadkii xoolahoodii ay galaafatay abaartii darneyd ee dalka ku dhufatay ayaa si weyn u soo dhaweeyay deeqdaan ciidamada Kenya ay u qeybiyeen. Tallaabadani ayaa noqoneysa tii ugu horraysay oo ay ciidamada Kenya deeq gaarsiiyaan dad danyar ah oo daruufo nolol xumo ay haysato tani iyo markii ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya bishii October ee sanadkii tagay....akhri
Afarta badmaaxiin ee u dhashay Thailand oo gacanta ugu jira kooxaha burcad badeedda (Sawir: Axmed Soomaali Raadiyo Ergo)

Badmaaxiin U Dhashay Thailand Oo Ku Dhibaataysan Xarardheere

Mudug 04/01/2012 - Wararka naga soo gaaraya degmada Xaradheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalad adag halkaasi ay ku haysto afar qof oo ay kooxo burcadbadeed Soomaali ah gacnata ku hayaan.Badmaaxiintan oo tiradoodu ay gaareyso afar qof ayaa u dhashay dalka Thailand waxaana muddo ku dhaw laba sano ay gacanta ugu jiraan koox burcad¬ badeedd ah, kuwaasoo markii hore uu la soo caariyey markab kalluumaysi ka dib markii uu ka go`ay shidaalkii.Afartaan qof oo uu ku jiro kabtankii markabka wadey ayaa markii uu markabku la soo caariyey waxay gaarayeen illaa 18 qof, waxaana gurmad samato bixin ah u fidiyey waxgarad iyo odayaasha Xaradheere, iyagoo badbaadiyey 14 qof oo ka mid ah badmaaxiyiintaasi, halka 4-tii kalena ay la dhaqaaqeen kooxihii markabka afduubka ku qabsadey ee burcad badeedda.Dowladda Puntland ayaa u soo gudbisey Safaaradda dalka Thailand ee magaalada Nairobi 14 ka mid ah badmaaxiintan oo ay soo gudbiyeen odayaasha gobolka Mudug , iyadoo labo ka mid ah badmaaxiyiintan ay ku dhinteen badda inta uu dulsabeynayey markabka badda.La-haystayaasha iminka gacanta ugu jira kooxaha burcadbadeedda ayaa mar ay  la hadlayeen warbaahinta waxay sheegeen in xaaladdooda ay tahay mid aad u liidata, iyagoo dowladda Thailand ka codsadey in ay gurmad ay u soo fidiso si ay u helaan xurriyaddooda ayna dib ugu laabtaan ehelladooda .Kooxaha burcad badeedda Soomaaliya ayaa afduub u heysta maraakiib iyo dad ajaanib ah ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin labo shaqaale oo u shaqeynayay hay`adda Miino baarista DDG ee dalka Denmark una kala dhashey dalalka Mareykanka iyo Denmark kuwaasoo  laga afduubay koonfurta magaalada Gaalkacyo.Axmed Nuur Soomaali/FM/MG...akhri

Qm Oo Sanadka Soo Socda U Codsatay Gargaarkii Maaliyadeed Ee Ugu Badnaa 20-kii Sano Ee La Soo Dhaafay

Nairobi 16/12/2011 - QM iyo la howlgalayaasheeda ayaa codsaday $7.7 bilyan oo doollarka mareykanka ah, si caawinaad gargaar loogu gaarsiiyo 51 million oo qof oo ku nool 16 dal sanadka soo socda, codsigan oo ah kii lacagta ugu badneyd lagu codsado 20kii sano ee la soo dhaafay....akhri
Xiriiriyaha arrimaha bani'aadannimo ee Soomaaliya Mark Bowden (Sawir: Mohamed Hassan)

Qaramada Midoobey Oo U Codsatay Gargaarka Soomaaliya 1.5 Bilyan Oo Dollarka Maraykanka Ah Sanadka 2012.

Nairobi 13/12/2011 - Xirriiriyaha arrimaha bani’aadanimo u qaabilsan xooghayaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Mark Bowden ayaa maanta kaga dhawaaqay magaaladda Nairobi codsiga hay’addaha gargaarka bani’aadanimo ee loogu bahan yahay in wax looga qabto dhibaatooyinka haysta dadka Soomaaliyeed....akhri

Hay’adda Ddg Oo Hakisay Howlihii Ay Ka Waday Gaalkacyo

Nairobi 07/12/2011 - Hay’adda Minosaarista Denishka ee DDG ayaa waxa ay si rasmi ah shaaca uga qaaday inay hakisay howlihii samatabixinta miinooyinka  iyo walxaqarxa ee ay ka waday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ilaa ogaysiin dambe. ...akhri
Dhibaatooyin kala duwan ayaa gudaha Soomaaliya ku haysta naafada(Xigasho/Google Images)

Naafada Soomaaliyeed Oo Soo Bandhigay Dhibaatooyinka Haysta

Muqdisho 06/12/2011 - Kulan ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG ah ee Soomaliya, ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday dowladda  iyo qeybaha kala duwan ee dadka naafada ah,  waxaana halkaasi lagu soo bandhigay dhibaatooyinka haysta xilligaan dadka naafada ah ee Soomaaliyeed....akhri
In ka badan 60 qoys oo ka mid ah dadka dib ugu laabtay degmada Waajid (Cabdicasis Koronto/Radio Ergo)

Qoysas Barakacayaal Ah Oo Dib Ugu Soo Laabtay Bakool

Bakool 06/12/2011 - Ku dhowaad 60-qoys oo ka mid ahaa barakacayaal ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay gobollada Bay iyo Bakool, ayaa dib ugu soo laabtay degmada Waajid kuwaasi oo markii hore u barakacay degmada Doolow iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Gedo....akhri
Carruur naafo ah(Sawir: Xasan Burtinle Raadio Ergo)

Xarun Lagu Daryeelo Carruurta Naafada Ah Oo Laga Furay Magaalada Ceerigaabo.

Sanaag 05/12/2011 - Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaa laga billaabay mashruuc loogu talagalay taakulaynta carruurta naafada ah ee ku dhaqan degmada Ceerigaabo iyo nawaaxigeeda. .Mashruucan xarigga laga jaray waxaa maalgeliyey sanduuqa badbaadada carruurta Qaramada midoobay ee UNICEF halka ay fulinta lahayd hay’ad la yiraahdo Danan.Caawimaaddan waxaa ka faa`iidaysanaya carruur tiradoodu dhan tahay 250 wiilal iyo gabdho isugu jira, wuxuuna soconayaa muddo 7 bilood ah.Arrinatani waa tallaabo si wayn ay u soo dhoweeyeen dadka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo, kuna tilmaameen mid waxtar wayn  u leh  bulshada danyarta ah iyo kuwa haysta carruurta naafada ah .Carruurta naafada ah ayaa isugu jira kuwa ku dhashay naafanimo iyo kuwa xanuunno sababeen, taasoo ay keentay inay ka curyaan ka noqdaan dhinaca jirka ama dhinaca maskaxda, carruurta noocaasa ayaa sanadahan dambe ku soo badanayey gobolka Sanaag .Hore uma jirin xarumo lagu xannaaneeyo carruurta oo iyaga gaar u ah, marka laga reebo MCH-KA magaalada ceerigaabo oo isaguna aan ahayn mid wax weyn ka tari kara baahiyaha taagan ee dhinaca carruurta ku saabsan.Yaasiin Cali Ciise/FM...akhri
Qoyska dhalay carruurtaan naafada ah oo codsanaya in laga taageero sidii gargaar caafimaad ay ugu heli lahaayeen (Sawir: Xasan Burtinle/Radio ERgo)

Qoyska Dhalay Carruur Walaalo Ah Oo Dhibaato Caafimaad Ku Haysato Degaanka Xarfo Ee Gobolka Mudug Oo Codsanaya Kaalmo Bani’aadannimo.

Gaalkacayo 01/12/2011 - Waxaa soo badanaya dhibaatooyinka xaga caafimaadaro ee heysta qoysaska Soomaaliyeed ka dib burburkii dawladii dhexe, waxaa kaloo intaas u siidheer qoysaska qaarkood dhibaato xaga helitaanka quutul daruuriga ah oo ayba suurowdo in ay mararka qaar aysan maalin dhan waxba helin....akhri
Kumaan qof ayaa weli u bahan gurmad bani'aaddanimo, xanibaaddaha iyo dhibaatada ammaan daro ee jirtaana waxay gelinaysaa hakad (Sawir: Yusuf Kaynaan/Radio Ergo)

Xannibaadda Hay’adaha Gargaarka, Qaraxyada Sii Kordhaya Iyo Waddooyinka Oo Liita Ayaa Dhibaato Ku Ah Gurmadka Loo Samaynayo Dadka Baahan Ee Soomaaliyeed

Nairobi 01/12/2011 - Sida ay warbixin ku soo saartay xafiiska isku dubbaridka arrimaha bani’aadannimo ee OCHA xannibaaddii ururka Alshabaab ku soo rogeen hay’adaha ka shaqeeya gargaarka iyo ammaan darrida jirta oo sii kordhaysay toddobaadkaan ayaa hakad gelinaya gurmadka loo samaynayo dadka baahan, 28-kii bishaan qarax ayaa ka dhacay cisbitaalka dhallaanka iyo hooyada ee Banadir kaasoo ay ku dhawacmeen 7 carruur ah, 27-kii bishana 12 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, 30 November ayaa isaguna qarax kale lala eegtay xarunta taliska ciidanka Soomaaliya ee Villa Baydhabo halkaasoo qof is qarxiyey ku galaaftay nolosha 8 qof, isla shalay sidoo kale qarax kale oo miinada dhulka la geliyo ahayd ayaa ka dhacday xaafadda Dharkenley taasoo dishay 7 haween oo ka mid ahaa kuwii hawlaha nadaafadda ka shaqaynayey....akhri
Valerie Amos oo Soomaaliya joogta (Xigasho/Irinnews)

Qm Oo Ka Walaacsan Xayiraad Iyo Hanti La Wareegid Alshabaab Ay Ku Dhaqaaqeen

Nairobi 30/11/2011 - War qoraalka oo ay soo saartay gabadha xoghayaha guud ee QM ugu qeybsan isku xirka howlaha gargaarka deg degg aah Valerie Amos, ayaa waxay sheegtay in ay aad ugu xuntahay in Alshabaab ay si xoog ah ula wareegaan hantida iyo qalabka ay lahaayeen hay’ado aan dawli ahayn iyo kuwa QM –kuwaas oo ka shaqeynayay sidii dhibaatada koonfurta Soomaaliya ka taagan ay wax uga qaban lahaayeen....akhri
Carruurta Soomaaliyeed ayaa qabta shaqooyin aad u adag(Xigasho SOYDEN)

Hay’adaha Soyden Iyo Yea Oo Carruur U Qaybiyay Qalabka Lagu Caseeyo Kabaha

Muqdisho 21/11/2011 - Carruur gaaraysa illaa soddon carruur ah kuwaasoo isugu jira carruurta qoysaska barakacayaasha, carruurta jidadka, iyo  carruur kale oo horey ugu shaqaysan jiray xirfadda caseeyanimada ayaa la guddoonsiiyay sanaadiiq ay ku jiraan qalabka  lagu caseeyo ama lagu nadiifiyo kabaha,qalabkaasoo ay guddoonsiiyeen hay,adaha kala ah SOYDEN iyo hay,adda YEA...akhri
inkastoo ay hoos u dhacday macaluusha Soomaaliya haddana weli tiro badan ayaa ku tiirsan raashinka gargaarka la siiyo (Sawir: Cabdisamed/Radio Ergo)

Oxfam Oo Ugu Baaqday Beesha Calamka Dar Dar Gelinta Gargaarka Soomaaliya

Nairobi 18/11/2011 - Hay’adda Oxfam ayaa ugu baqaday hogamiyahasha calamka inay xoogga saaraan sidii wax looga qaban lahaa macaluusha ka taagan wadanka, waxayna hay’addu ugu baaqday qaybaha ku lugleh dagaaladda inay xaqiijiyaan  sidii dadka shicibka ah loo badbaadin lahaa kuwaasoo badhtanka ugu jira hubka la Is waydaarsanayo, ayna dadka Soomaaliyeed u helaan xornimo ay ku socon karaan iyadoo hay’adaani dhinaca kalenna ku dhaliishay beeshay hogaamiyayaasha waamadda calamku inay taageero badan ku bixiyaan hawl galadda milateri ee ka socda Soomaaliya halkii ay dhisi lahayeen hanaanka soo kabasho. ...akhri
Carruurta ayaa waxa ay u dhintaan cuduro la daaweyn karo(Abdisamad/RadioErgo)

Unicef Oo Ka Walaacsan Xaaladda Carruurta Soomaalida Ah

Nairobi 16/11/2011 - Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay inay walaac qoto dheer ka qabto saamaynta dagaallada ka sii huraya Soomaaliya ay ku yeesheen carruur yar yar....akhri
Dhisme laga qaxay (Mohamed Garane/Radio Ergo)

Dadka Qooqaani Oo Codsanaya In Gargaar Dhinaca Hawada Ah La Gaarsiiyo

Qooqaani 14/11/2011 - Deegaanka Qooqaani oo ku yaalla Gobolka Jubbada  hoose, ayaa  muddooyinkii ugu dambeeyay waxay noqotay mid go,doon ku jirta isla mar ahaantaana ka go,an deegaannada kale ee gobolka....akhri
Ilmo badan ayaa shuban ugu dhinta Soomaaliya(Abdisamad Abdulkadir/Radio Ergo)

Carruur Shuban Ugu Geeriyootay Baardheere

Gedo 01/11/2011 - Carruurtan  ayaa waxay ka soo jeedaan qoysas danyar ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd qodashada beeraha, waxaana inta aysan dhiman ka hor la dhigay Cisbitaalka degmada Baardheere  oo xarun quudin iyo caafimaad ay ku leedahay hay’adda bisha cas ee Soomaaliya. ...akhri
Nabadoon Axmed Diiriye(Xigasho/Google images)

Nabad-doon Baaq U Diray Kooxaha Afduubay Shaqaale Ka Tirsan Ddg

Muqdisho 31/10/2011 - Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku nool magaalada Muqdisho, ayaa ka codsaday kooxihii magaalada Gaalkacyo ka afduubtay laba ka tirsanaa shaqaalaha hay,adda DDG oo ah hay’ad laga leeyahay dalka Denmark in ay sii daayaan shaqaalahaasi....akhri
Carruur Darbijiif ah(Mohamed Hassan Raadiyo ERGO)

Xarun Lagu Daryeelo Carruurta Darbijiifka Ah Oo Laga Furay Magaalada Muqdisho

Muqdisho 31/10/2011 - Hay’ad daryeesha Carruurta Soomaaliyeed oo lagu magacaabo SOMCO, ayaa bishii September Magaalada Muqdisho ka furtay xarun lagu daryeelo Carruurta darbijiifka ah iyo kuwa ay dhaleen qoysaska danyarta ah.Hay’addan ayaa waxaa aasaasay  dhalinyaro wax ka barata jaamacadaha magaalada Muqdisho, oo iska kaashaday sidii ay wax ugu qaban lahaayeen carruurta darbifiifka ah iyo kuwa danyarta ah.Axmed Soomow, oo ah madaxa hay’addan ayaa raadiyaha ERGO uga warbixiyay  sida ay ugu suurto gashay inay furan xaruntaasi “  markaan aragnay dhibaatooyinka carruurta darbijiifka ah heysata oo ay ka mid tahay waxbarashao la’aanta, ayaan go’aansannay inaan u furno xarun lagu daryeelo waxna lagu baro. Waxaa jira carruur iyagu guryaha jooga oo aan heysan ced ka bixisa qarashaadka waxbarashada waxaana dhanka dhaqaalaha naga caawiyay ganacsato Soomaaliyeed”.Axmed ayaa sheegay, in haatan carruurta ku jirta xaruntaasi ay gaarayaan 300 oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal isla markaana ay soo ururintooda la kaashadeen bulshada magaalada Muqdisho.Carruurtan ayaa waxaa xarunta lagu baraa maadooyin kala duwan, sida luqadaha,xirfadaha iyo tabarro akhlaaq wanaagga lagu barayo, sida uu sheegay Axmed Soomow waxaa la siiyaa carruurta darbi jiifka ah cunto maadaama aysan la nooleyn qoysas daryeela.Guddoomiyaha hay’adda daryeelka carruurta Soomaaliyeed Axmed Soomow, ayaa ugu dambeyn ugu baaqay hay’adaha daryeela carruurta iyo bulshada Soomaaliyeedba inay gacan ka siiyaan sidii ay u ballaarin lahaayeen xaruntaasi.Aadm Diyeeshe/FM...akhri
Labada shaqaale ee la afduubtey waxay ka mid yihiin bulshada gargaarka caalimiga kuwaso ay ka gonayd inay ka saaraan gobolka Mudug walxaha qarxa

Codsi Bani-aadanimo

Nairobi 28/10/2011 - 28 OCTOBER 2011Hey’adda DDG ee Dhenishka waxay si xishmad leh oo bani aadnimo ku jirto kaga codsanaysaa bulshada deegaanga, odayaasha dhaqanka iyo wax gardaka in ay gacan ka geystaan siideynta shaqaalaheeda laga afduubay. Shaqaalahan ajanabiga ah waxaa laga afduubtay Galkayo tarikhdu markay aheyd 25 October 2011. Waxay shaqaalahan la afduubay kala yihiin  Poul Thisted, oo ah nin 60 jir ah oo u yimid dalka Soomaliya in uu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibataysan gobolka  iyo Jessica Buchanan oo 32 ir ah oo ah Gabadh macalimad ah oo iyaduna nafteeda u hurtay in ay wax barto dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka....akhri
Cunug nafaqo daro la ildaran(Abdisamad Abdulkadir/Radio Ergo)

Isbitaalka Sos Oo Ku Xirmay Dagaalada Muqdisho

Muqdisho 11/10/2011 - Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in howlihii hay’adda caruurta ee SOS ay ka waday magaalada Muqdisho ay hay’addaasi hakisay, iyadoo shaqaalaheedii ka soo daadgureysatay xaafada ay dagaaladu go’doomiyeen ee xarunta u ahayd hay’adda ee Degmada Huruwaa....akhri
Afhayeenka WFP Susannah Nicol iyo madax OCHA ee bartamaha iyo koonfurta Peter Neussl oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho (Cabdicasis Koronto/Radio Ergo)

Shir Hay’adaha Gargaarku Ku Qabteen Muqdisho Iyo Ururka Alshabaab Oo Bilaabay Dib U Celinta Barakacayaashii Abaaraha.

Muqdisho 28/09/2011 - Shir jaraaid oo si wada jir ah ay ugu qabteen magaalada Muqdisho afhayeenka hay'adda WFP Susannah Nicol iyo madaxa Hay'adda OCHA koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya Peter Neussl ayaa looga hadlay xaaladaha bini aadannimo ee kajira Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in cunno lagaarsiiyo dadka dhibaataysan. Madaxa OCHA ayaa sheegay in ay sii korhayaan dhibaatooyinka ka dhashay abaarhaa ku dhuftay Soomaaliya isagoo tilmaamay in abaaraha ka sokow dagaalada ka soconaya dalka ay keeneen barakacayaal farabadan oo ku barakacay gudaha Soomaaliya, waxaa jira deegaanno aanu gaarin gargaarka sidii loogu talagalay oo qaarkood ay ka taliyaan Al-shabaab, madaxa OCHA konfurta Soomaaliya waxaa uu sheegay in ay adagtahay in raashiin gargaar ah la gaarsiiyo dad ku dhibaataysan deegaannada ay ka taliyaan Al-shabaab balse ay jiraan iskaashi ay la sameeyeen ururo xiriir la leh Al-shabaab oo dadka gaarsiiya cunnada loo qorsheeyey. Hay'adda WFP ayaa dhinaceeda sheegtay in ay qorsheynayaan taakuleyn ay u sameeyaan 1.9 million-oo qof oo ku nool Soomaaliya dhamaadka sanadkan. Haweenayda afhayeenka u ah WFP Ms. Nicol ayaa xustay inay 23-xarumood oo ku yaala Muqdisho ay quudin ugu sameeyaan 100,000 oo qof kuwaasi oo hela cuno bisil oo nafaqeysan. Afhayeenka WFP mar ay ka jaawaabaysey musuq maasuqa lagu eedeeyo inuu hareeyey gargaarka loo wado dadka tabaalaysan waxay sheegtay in ay sameynayaan baaritaano ku aadan cunnada la musuq maasuqo oo sidii la rabey aanu u gaarin dadka dhibaataysan. Hay'adaha WFP iyo OCHA ayaa si wada jir ah u sheegay in ay sii adkaanayso xaaladda dadka ay saameeyeen abaaraha iyadoo madaxa OCHA koonfurta iyo bartamaha Mr. Neussl  xusay sida ay sheegtay UNICEF in 80% caruurta Soomaaliya ay yihiin kuwo la dhibaataysan cudurada ay ka midka yihiin Duumada iyo Jadeecada. Qoysas dib loo celinayo. Qorshayaal dib loogu celinayo kumanaan barakacayaal ah ayaa ka soconaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay. Maamulka xarakada Al-shabaab iyo guddiga abaaraha ayaa iska ka shanaya daadgureynta qoysaska oo ay asiibeen abaaraha Soomaaliya. Sheek Suldaan Al-maxamed oo ka tirsan saraakiisha Al-shabaab ayaa saxaafadda u sheegay in ay dib u celiyeen afar iyo toban kun oo qoys kuwaasi oo markii hore ka soo barakacay deegaano ay kmid yihiin Ufurow Diinsoor iyo Qansaxdheere ee gobolka Bay. Qoysaska maamulka uu tiro koobka ku sameeyay ayaa ahaa 17,000 iyadoo haatan ay baaqi ku yihiin kaamamka 13,000 oo haatan la qorsheynayo in dib loo celiyo. Gudoomiyaha degmada Baydhabo ayaa sheegay in talaabadni ay qaadeen markii ay soo dhowaadeen xilli roobadka dayrta islamarkaasina la doonayo in laga faaidaysto beeraha oo dadka lagu dhiiriyo wax soo saarka. gudoomiyaha ayaa tilmaamay in taageero ay siin doonaan dadka haatan ay dib ugu celiyeen deegaanadoodii ay abaaruhu ka soo barakiciyeen....akhri
CALAAMAD UNICEF ( Xigasho/Google Images)

Unicef: “xaalada Macaluusha Wax Badan Iskama Beddelin”

Somalia 26/09/2011 - Hay’adda UNICEF iyo la howlgalayaasheeda gudaha ayaa ku dadaalaya sidii ay u gaari lahaayeen carruurta iyo qoysaska ay saamaysay macaluusha iyo abaaraha ku dhuftay koonfurta Soomaaliya , iyagoo ku beegsanaya barnaamij cusub oo waraaqaha cuntada lagu qaato iyo lacago caddaan ah lagu siinayo qoysaskaasi....akhri
Sahra waa gabadh uu firir qarax bambaano ku jiro dhammaan jirkeeda iyo madaxeeda una bahan gargaar daaweyn ee dalka dibaddiisa ah (Cabdisamed Radio Ergo)

Codkayga Maqla

Muqdisho 20/09/2011 - Sahra Cali Macallim waa afar iyo toban jir ahna ardayad fasalka afraad ee dugsiga hoose, waxayna la kulantay dhacdo khatar ah ka dib markii  ay la kulantay qarax bambaano oo la soo tuuray kaasoo dhaawac u gaystey jirkeeda, iyadoo firirkii qaraxaasi dhamaan jirkeeda wada galay.Sahro wuxuu dhaawac halis ahi ka gaaray madaxa, indhaha, lugaha, garbaha iyo meelo kale oo ka mid ah jikeeda, xilligaas oo ay u socotay dugisigeedii. ...akhri

Maxay Ku Sugan Yihin Carruuta Ardo?

Muqdisho 22/09/2011 - Ardo waa hooyo ku geeriyootay qaraxii ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho sannad ka hor....akhri
HOY
WARARKA
BARNAAMIJYADA
QODOBBO
MUUQAAL
SAWIRRO
WARAYSIYO
KAYDKA
ANNAGA
NAGALA SOO XIRIIR
BARNAAMIJYADHII HORE