Show/Hide image Print

Wax soo saarka beeraha galleyda iyo Khudaarka oo kordhay

24 June, 2015 SHABELLADA HOOSE

 

In ka badan kun iyo todobo boqol oo beeraleey oo ku kala sugan degmooyinka Balcad, Afgooye iyo Aw-dheegle ayaa ka faa’deystay mashruuc lagu hormarinayo habka abuurka dalagga beeraha.

Beeraleyda galeyda iyo khudaarta oo habka abuurka beeraha waraabka iyo daweyntooda ka bartay tababar hay’adda aqoonyahanada beeraha Soomaaliyeed qabatay bishii Maarso ee sanadkii hore ayaa sheegaya in cilmiga ay heleen u horseeday korarka waxsoosaarka beerahooda. Hey’adda ayaa xilliga beeraleyda u qeybisay abuur daweyn, kaas oo kordhiyay miraha kasoo go’aya beeraha galeyda iyo khudaarta.

Idiris Abuukar yuusuf oo ka mid ah dadka ka faa’deystay mashruucan ayaa Ergo u sheegay in markii hore dhulka beertiisa ay ka soo bixi jirtay 1 loor oo galley ah balse hadda uu ka helo 4 loor oo galley ah.  wuxuuna sheegay in tababarkii uu qaatay uu ka bartay habka abuurka beeraha, qaabka loo waraab iyo wakhtida, dawooyinka  dhulka iyo kuwa loo isticmaalo marki beerta  latabco. Idiris ayaa sidoo kale yiri sheegay in  markii hore ay caqabad ka haysatay inay helaan galley ay beertaan balse hadda ay ugu deeqay  hay’adda aqoonyadana beeraha Soomaaliyeed (SATG) asagoo intaa ku daray in uu haa beeraleey 43 sano, wuxuu sheegay in qoyskiisa oo ka kooban 15 ruux ay maanta ku tiirsantahay noolashooda dalagga ka soo baxa laba jibaal oo uu beerto oo qaar ay iibsadaan qaarna ay cunaan.

Maryan Abuukar Iidow, ayaa Ergo u sheegtay in nolasha qayskeeda ay ku tiirsan tahay  4 jibaal oo dhul-beeraad ah oo ay tabcato kadib markii ay qaadatay tababarkeedi ugu horreeyey oo ku saabsan hormarinta beeraha sanadkii 2014, waxayna sheegtay in waagii hore beerta ay ka heli jirtay sanandkii 1 loor oo galleey ah balse hadda ay hesho 4 loor, waxayna intaa ku daratay in ay ka dhisatay guri ay hadda ku noolyihiin ayado iyo qoyskeeda,  Mayryan ayaa tilmaantay in hadda ay marayaan abuurkii 4 afaraad oo waraab ah.

Khadiijo Axmed Abuukar  waa madaxa maamulka hay’adda aqoonyahannadda beeraha soomaaliyeed, waxay Ergo u sheegtay in markii ay arkeen baarintaan ay sameeyeen kadib in beeralleyda ay u qabteen tababar ay ku baryeen  Diyaarinta dhulka ee tignoolajiyadda cusub, meelaha dhirta lagu abuuro, qaabka waraab qaadashad beeraha, dooyinka cayayaanka, cabirka dawooyinka loo isticaamaalo beeraha iyo qaabka loo adeegsado.

Khadiijo ayaa tiri mashruucaan waxaa wajigiisa koobaad ka faa’ideystay beeralley ku nool  16 tuulo oo hoos tagta degmada Afgooye, 7 tuulo oo hoostagta Aw-dheegle iyo 6  tuulo oo hoostagata degmada Balacad ee gobolka Shabeellaha dhexe.