Show/Hide image Print

Wareysi: Xoolo-dhaqato-beeralleyda Gebilley oo roobab yaraantu ay saameysay

15 June, 2015 WAQOOYIGALBEED

 

Xoolo-dhaqato-beeralleyda ku nool deegaanka Geed-balaadh, oo 250km u jira degmada Gebilley ee gobolka Waqyii-galbeed ee Somaliland ayaa ka cabanaya roob ayraanta oo saameyn ku yeelatay. Maxamed Cabdisamad Qalinle oo ka mid ah xoolo-dhaqato-beeralleydaas oo Ergo lasoo xiriiray ayaa uga warramay xaaladdooda.

Maxamed: Xaaladda deegaanku aad bey u adagtahay, dadka ku noolna waa xoolo-dhaqato-beeralley oo waa dad ku tiirsan dhanka xoolaha iyo beeraha, waxayna wax beertaan xilliga Guga. Xilliyadii roobabku da`ayeen annaga nooma di`in, badanaa dadka deegaanka waxay u guureen Kilinka shanaad ee Itoobiya.

Ergo: Ma sanadkan dhexdiisaa, inta aysan roobabku idiin di`in?

Maxamed: Haa waa sanadkan dhexdiisa, oo aan abaar xooggan dareennay. Laakiin intii ka horreysan beeraha ayaa inoo soo go`i jiray oo xooluhu balka ayay inoo cuni jireen. Laakiin hadda balkii ay xooluhu xilliga jiilaalka inoo cuni jireen nooma bixin. Xoolaha waxaa ku dhacay xanuunno, marka dhibkeennu waa roob yaraan.

Ergo: Adiga maxaa dhib ah oo kusoo gaaray, ma inoo sharxi kartaa?

Maxamed: Tiro xoolo ah baa iga le`day. Xilliga aan ku talo-gali jirnay beeraha oo aan wax beeran karin, sababtoo ah roob ma jiro.

Ergo: Markaad dadka deegaanka eegto, dhibaatadan ma wada saameysay?

Maxamed: Xooluhu waa isku wada mid oo abaartu way wada heysaa, sidoo kale xanuunno ayaa inooga dhacay ariga oo laayay. Inkastoo markii dambe ay koox caafimaadka xoolaha oo ka socda maamulka Somaliland ay inoo yimaadeen oo la daweeyay.

Ergo: Waxaad ii sheegtay in dadku ay qaarkood u guureen Kilinka shanaad, meeqo KM ayay idiin jirtaa xadka?

Maxamed: Labada dhinacba waan u dhaxeynaa, Somaliland iyo Itoobiya, marka xadka bartankiisa ayaan ku nool nahay.

Ergo: Dhanka biyaha ka warran?

Maxamed: Biyo la`aanta waxaa inooga darneyd abaarta. Hadda aad ila hadleyso roob baa bilowday oo inoo da`aya. Laga bilaabo bishii March ee sanadkan maanta ayaa inoogu horreysa roob inoo da`a.

Ergo: Roobabkan hadda idiin da`aya, ma fileysaan inay baahidiinna kaafiyaan?

Maxamed: Ma ogi inay roobkani noqon doono mid sii socda. Hadduu maalmahan inoo da`o, waa laga yaabaa inuu nagu filnaado.

Ergo: Waxaad ii sheegtay inaad tihiin xoolo-dhaqato-beeralley, ma balka keliya ayaad xoolaga u beertaan, mise dalagyo kale ayaad beerataan?

Maxamed: Laba qaab ayaan wax u beerannaa. Midna waa bal aan xoolaha u beerno oo xilliga jiilaalka ay inoo cunaan, qaybna waxaan ku beerannaa dalagyada sida khudaarta iyo digirta oo aan suuqa u iib geyno.

Ergo: Xaggee u iib geysaan dalagyadaas?

Maxamed: Waxaan u iib geynaa Hargeysa, Wajaale, Boorame, iyo Gebilley.

Ergo: Cudurro idinkaga dhacay ma jiraan dalagyadaas aad beerataan?

Maxamed: Haa way jiraan, gaar ahaan yaanyada. Annaga lix bilood ayaan wax beerannaa, saddexdii bilood ee sanadka ugu horreysa wax ma beeran roobab la`aan darteed. Saddexdii bilood ee ugu dambeysayna waxaa ku dhaca wax la yiraahdo dhaxan, oo geedkii soo baxaba qallajineysa, marka sanadkan nooma soo go`in wax khudaar ah.