Show/Hide image Print

Fatahaadda webigu ka geystay gobolka Shabeellaha Hoose

07 November, 2013 SHABELLADA HOOSE

 

Fatahaadda uu webiga shabeelle ka geystay gobolka Shabeellaha Hoose waxay saameysay dad lagu qiyaasayo kumannaan ruux oo degganaa degmooyin ay ka mid yihiin Afgooye, Awdheegle, Jannaale iyo tuulooyin hoos yimaada.

Gudaha degmada Afgooye fatahaadda waxay si adag u saameysay xaafadda Baalguri oo ay ku yaalleen qiyaastii 600 ilaa 700 oo guri oo dadkii degganaana ay kawada barakaceen.

Cabdillaahi Maxamuud Magan madaxa samafalka degmada Afgooye ayaa Ergo u sheegay inay  xaaladda xuntahay biyahana ay gaareen ilaa 2 mitir oo dhulka ka korreeya, waxayna ku socdaan xowli badan mana muuqato diyaar garow kale oo dadka iyo maamulkuba samaynayaan, saacadba saacada ka dambeysa waxaan fileynaa khasaaraha oo kordha.

Fatahaadda waxaa kale oo looga barakacay ilaa 21 tuulo oo hoostaga degmada Afgooye, waxaana ka mid ah tuulooyinka, Bardaale, Ballow, Banbaluul, Areymoog, Gaalgub, Irdoole, Balbaley, Shukulow iyo qaar kale,  iyadoo guddoomiyaha degmada Afgooye Cabdillaahi Cabdi Axmed Iidhey uu sheegay in 6 lix ka mid ah tuulooyinkaasi aanayba jirin cid haatan ku nool oo dadkii ay kawada carareen.

Dhulbeereed ay dalagyo kala duwani ay ku beernaayeen ayaa  fatahaaddu ku xaaqday degmada Awdheegle, Jannaale iyo tuulooyin badan oo hoostaga dhulkaasi oo ah halbowlaha dhulbeereedka gobolka Shabeellaha Hoose.

Axmed Maxamed waa mid kamid ah dadka degmada Awdheegle waana beeralley wuxuu isagoo la hadlaya Ergo u sheegay in ay biyuhu ka xaaqeen khudaar kala duwan oo ugu beerneed beertiisa oo ku taalla  degmada Awdheegle.

Fatahaadda ayaa ku soo laalaabata gobolka Shabeellaha Hoose oo  waxaana yar isku deyada ay sameeyaan dadka iyo maamullada halkaa ka jira oo badanaa wax ka qabadka arrintani ugu qeyla dhaamiya haya`daha gargaarka, dadka deegaanka ayaana sheegaya in khaladku yahay webiga oo qararkiisa la furo xilliyada ay biyihiisu yaryihiin, kaddibna la isaga tago, taasoo keenta marka biyo badan yimaadaan in la celin kari waayo.

Yusuf/MH/FM