Dad abaartu saamaysay oo ka faa’iidaystay soollarka cad-ceeda ku shaqeeya

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Sawir/kaydka/Ergo Photo | Sawir/kaydka/Ergo

Radio Ergo 29 September, 2017 MUDUG

 

Dadka kunool deegaanada Wisil, Wargalo, Xingood iyo Qaydaro oo kawada katirsan gobolka Mudug ayaa markii ugu horraysey helay nidaam ay kaga maarmi karaan matooradii biyaha ka soosaari jiray ceelasha riigga ah. Bishii hore ayaa soolarka ilayska cad-ceeda kushaqeeya waxaa deegaankaas ka hirgalisay hay'adda Guddiga badbaadinta caalamiga ah ee (IRC).

Qoysaska ku nool afartaas degmo ayaa dhibaato ku qabay bixinta kharashaadka shidaalka matoorada. Mashruuca Soollarka ayaa fursad u siiyay xoola dhaqatada oo iibsan jiray biyaha in ay hadda si bilaash ah ku helaan.

Axmed Cabdullaahi Cali waa aabaha qoys ka kooban 7 qof. Wuxuu noloshiisa inta badan ku qaatay deegaanka Wargalo ee gobolka Mudug oo 60km dhanka Koonfureed kaga beegan magaalad Gaalkacayo. Qoyskiisu waxay ku tiirsanyihiin dhaqaalaha kasoo gala goob ganacsi oo ku taalla Wargalo oo lagu iibiyo shaaha iyo cunnada.

Deegaanka uu joogo ayuu abaarta kahor ku dhaqanayay 50 neef oo ari ah, xoolihiisii ayaa ku dhammaaday abaarta kadib markay waayeen biyo iyo baad ay cunaan. Radio Ergo ayuu u sheegay in isbedel dhanka biyaha ah ay soo wajahday kadib markay adkaatay helida shidaalka loo isticmaalo matoorada biyaha kasoo saaraya ceelka. Dadka deegaanka ayaana bil walba laga qaadi jiray lacago lagu kabo shidaalka matoorada.

“Bilkasta lacag u dhaxaysa 300 ilaa 400 oo Shilin Soomaali ah ayaa qoys kasta laga qaadi jiray si loogu iibiyo shidaalka. Dadka deegaanka aad ayay ugu adagtahay in lacagtaas ay helaan. fuustada shidaalka ah $190 doolar ayaa lagu geeyaa Wargalo, Shidaalka oo qaali ah waxay dhashay biyo la'aan.”

Axmed Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in goobtiisa ganacsi ay furantahay 10 kii sano ee lasoo dhaafay, bilaha qaarna uu awoodi waayo inuu bixiyo qaybta kaga soo aada lacagta shidaalka.

Xilliyada ay daruuruhu jiraan ayuu sheegay in Soollarku yareeyo tamartii laga heli jiray, iyaga oo taas ka gaashaamanaya ayay dadka deegaanku sii buuxiyaan haamanka biyaha oo ay kayd ahaan usii dhigtaan, si dadku ay uga cabaan. Wuxuu rajo fiican ku qabaa in dadku ay si joogta ah oo bilaash ah u heli doonaan biyaha marka loo eego xilliyadii hore.

Agaasimaha wasaaradda Biyaha iyo tamarta Galmudug Asad Cismaan Guuleed ayaa Radio Ergo u sharaxay sida uu Soollarku u shaqeeyo iyo faa’iidooyinka dheeriga ee dhanka biyaha ee dadku ka helaan afarta ceel ee hadda ku shaqeeya Soollarka ilayska cad-ceeda. Wuxuu sheegay in ceel kasta loo tababaray 10 qof oo cillad bixisa kana shaqeysa agabka ceelasha ku xiran.

“Waxaan si tijaabo ah ugu xirnay 4 deegaan oo Mudug katirsan,  halkii ceel waxaa lagu xiray 72 xabbo oo soollar ah, 72 xabbo waxey leeyihiin qalab kulminaya dabkooda kadib fiilo ayaa kabaxda taas oo bamka ceelka kuxiran, si fudud ayaana biyaha looga helikara, dadku si wacan ayay uga faa’iidaysteen. Waqtikasta oo maalinkii ah ayay dadku biyaha ku heli karaan si bilaash ah.”

Xabiibo Cabdullaahi Faarax oo ah hooyada qoys ka kooban 5 qof, waxey xoolo ku dhaqataa meel qiyaastii deegaanka Wisil u jirta 4km. 180 neef oo ari ah oo ay lahayd abaarta kahor hadda waxaa uga soo haray 50 neef.

Radio Ergo ayay u sheegtay in biyiha halkii mar laga siin jiray 200 oo kun oo Shlin ay hadda ku helaan si bilaash ah todobaadkiiba halmar. Xabiibo ayaa tilmaamay in 20 neef ay ku wayday halka xoolaha lagu horo kahor intaan ceelka loo sii dayn, sadexdii sano ee lasoo dhaafayna ay sidaas ku jireen.

Asad Cismaan Guuleed agaasimaha wasaaradda Biyaha iyo tamarta Galmudug ayaa Radio Ergo u sheegay in kun qoys ay ka faa’iidaystaan adeega ku shaqeeya Soollarka. Dadkan ayaa ah kuwii ku xoolo beelay abaartii dhowrkii sano ee lasoo dhaafay haysay qaybo kamid ah gobolka Mudug.

Agaasimaha ayaa sheegay in deegaano ay kamid yihiin Hilmo, Ceeldibir, Laanwaaley, iyo Carfuuda ay ka jiraan biyo la’aan, wuxuuna maamulka iyo hay’ada gar-gaarka ugu baaqay in loo gurmado dadka halkaas ku nool oo markii hore ku tiirsanaa ceel gacmeedyo qaarkood ay gureen halka kuwo kalena aanay lahayn biyo nadiif ah.

Leave comment