Dadka ku soo barakacay Beydhabo oo beeraha ka shaqeysanaya

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Xabiibo Xuseen Axmed oo beer faleysa/ Baydhabo/ Muxudiin Xusni/RadioErgo Photo | Xabiibo Xuseen Axmed oo beer faleysa/ Baydhabo/ Muxudiin Xusni/RadioErgo

Radio Ergo 15 June, 2017 BAYDHABO

 

(ERGO) - Caasho Cabdullaahi Cali, waa 39 jir dhashay shan carruur ah oo agoon ah, waxa ay muddo siddeed bilood ah ku nooshahay xerada barakacayaasha Salaama ee Beydahbo, kadib markii ay abaartu ka leysay 78 neef oo ari ah. Hadda waxa ay billowday in ay ka shaqeyso beer ku dhow Beydhabo, si ay u maareyso nolosha carruurteeda.

Waxa ay sheegeysaa in ay maalin kasta soo fasho laba jibaal, oo ku qaadato muddo lix saac oo xiriir ah, waxa ay ka heshaa $4 oo ay carruurta raashin iyo caano ugu gadato, taas oo kaga wanaagsan shaqooyin nadaafad ah oo aan joogta ahayn oo ay ka shaqeyneysay afartii bilood ee ugu dambeysay oo ay ka heli jirtay $2 maalinta ay shaqo hesho.

“Maalmihii hore waa ku dhib-banaa, maxaa yeelay waa shaqo dhib badan waliba qof xoololeey ahaa oo aan beer oqoon, haddana waa ii fiican tahay oo ilamaha biilkooda hadda kama walwalo” ayey Caasho u sheegtay Raadiyaha Ergo.

Maalin kasta, 113 qof oo kamid ah dadka Beydhabo ku soo barakacay oo 30 ka mid ah ay haween yihiin ayaa subax walba u shaqa taga beeraha gobolka Baay ee ku dhow dhow Beydhabo, kadib markii roobka gu’ga uu si fiican uga da’ay gobolka sida uu Radio Ergo u sheegay Cabdinuur Ibraahim Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga beeraleeyda gobolka Baay.

Waxa uu sheegayaa in ay isku xil-qaameen isku xirka beeraleeyda shaqada u baahan iyo xoogsatada barakacayaasha ah si ay nolol maalmeedkooda uga soo saartaan shaqada beeraha oo ugu yaraan looga baahan saddex xiili oo ah; marka ugu horreysa ee beerta la geed qaadayo, marka uu geedka soo baxo ee la falaayo iyo marka uu dalagga soo go’o oo la goosanayo.

“Dadka wey is caawinayaan, balse wax badan la isma dhaamo, waxa kaliya ee lagu caawin karo waa in shaqooyinka soo baxa iyaga loo hor mariyaa, innaga u wacno reeraha tabarta daran ee barakacayaasha ah” ayuu yiri Cabdinuur Ibraahim Maxamed.

Xabiibo Xuseen Axmed, waa 28 jir heysata shan carruur ah, sanad ka hor ayey ka soo barakacday baadiyaha degmada Qansax dheere oo ay beer ku lahaayeen. Hadda waxa ay ku nooshahay xerada barakaca Cadaado ee Beydhabo, subax kasta waxa ay u kallahdaa beere afar Kiiloomitir u jirta Beydhabo iyada oo dusha ku sida gabadha carruurteeda ugu yar oo shan bilood jirta. Lix saacadood oo beer falid ah kadib ayey galabkii guriga iyo carruurta kula soo laabataa lacag gaareysa $5.

“Reer deriskeyga ah ayaan carruurta uga tagtaa, raashinka waxaa na siiya hay’ad basle iidaanka iyo ilamaha caanahooda waxaan ku gadannaa waxa aan shaqada ka soo helo,” ayey Xabiibo u sheegtay wariyaha raadiyaha Ergo.

Roobka gu’ga oo bartamihii bishii April ka billowday gobolka Baay ayaa beeraleeyda ku dhiiri geliyay in ay dib ugu laabtaan tacbashada beeraha iyada oo boqollaal qoys oo Beydhabo ku soo barakacay ay ka faa’ideysanayaan fursadaha shaqo ee abuurmay, maadaama aysan awoodin in ay beero fashaan.

Maxamed Cali Mukhtaar, waa 28 jir aabe u ah saddex carruur ah, waxa uu abaarti ku waayay wixii uu xoolo lahaa, isaga iyo reerkiisa waxa ay dhex deggan yihiin beer uu ka sameystay bannaanka Beydhabo, kadib muddo siddeed bilood ah oo uu dhisme ka shaqeynayay, haddane marka uu beertiisa soo falo waxa uu ka shaqeeyaa beeraha kale si uu nolosha reerkiisa u sii dabbaro inta uu dalag uga soo go’ayo.

“Haddaadan raasumaal lahayn waxaad ku qasban tahay inaad shaqeyso, xerada barakacayaasha ayaan markii hore degganeyn laakiin waxaan go’aansaday inaan isku tashado”, ayuu yiri Maxamed oo ku fooraray jaridda cows ka soo dhinac baxay masagada beer uu ka shaqeynayay.

Leave comment