Danyarta oo uu saameeyay shilin Soomaaligii hore oo laga diiday Gaalkacyo

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Keydka sawirrada/Ergo Photo | Keydka sawirrada/Ergo

Radio Ergo 14 July, 2017 GAALKACAYO

 

(ERGO) - Lacagtii hore ee shilin Soomaaliga oo laga diiday suuqyada Gaalkacyo ayaa horseedday cunto-yari siddeeddii maalmood ee u dambeysay soo wajahday qoysaska soo barakacay iyo kuwa saboolka ah ee  shaqooyinka yaryar noloshooda ku maareeya. Lacag cusub oo suuqyada soo gashay dhowaan iyo nidaamka telefoonnada lacagta lagu isticmaalo oo doollar ah oo keliya ayaa magaalada ka shaqeeya, waxaana la diiday gebi ahaanba lacagta duugga ah gaar ahaan tii hore ee burburka ka hor la daabacay.

Axado Muuse Suleymaan ayaa ka mid ah dadka soo barakacay ee ay arrintan saameysay. Waxay ka shaqeysaa nadaafadda guryaha, xafiisyada iyo goobaha ganacsiga, iyadoo Raadiyo Ergo u sheegtay inuu hoos u dhacay dhaqaalaha soo gala, taas oo ay u sababeysay lacagta cusub oo yar, dadka heli karana ay kooban yihiin.

Axado oo 40 jir ah cunto joogto ah ma helo qoyskeeda oo ka kooban 14 qof tan iyo markii la billaabay in lacagta la kala sooco. Dhaqaalaha ay isku keenaan labo wiil oo ay dhashay oo sagaal jir iyo 11 jir ah oo baalash ku shaqeysta, mid 17 jir ah oo dhismaha ka shaqeeya, seygeeda oo muruqmaal ah iyo iyada way ku filneyd, laakiin isbeddelkan ayaa soo koobay fursadahaas shaqo. Maalinta oo dhan ayuu qof kasta nasiibkiisa soo tijaabiyaa, laakiin keligeed ayaa inta badan shaqo soo hesha.

Mararka qaar waxaa ku dhacda iyada oo shaqo heshay in lacagta la siin waayo. “Dadka marka aan nadaafadda u sameynayo iima sheegaan ee marka aan shaqada dhameeyo ayay i dhahaan ‘ma hayno lacagta cusub ee noo soo laabo’, galabtiina waxaan mar kale u noqdaa iyagoo aan weli haynin,” ayay tiri. Mararkaas oo kale oo gacan marnaan ay gurigeeda ku noqoto dukaamada deriskeeda ah ayay raashin ka amaahataa ama qatooyo ayuu reerkeedu ku seexdaa.

Hooyadan oo qoyskeeda uu deggan yahay xerada Buulo-bacley ee Gaalkacyo ayaa ka soo barakacday abaartii 2011 oo qallajisay beer ay lahaayeen oo ku taallay degmada Qallaafe ee dhulka ismaamulka Soomaalida-Itoobiya. Lacag ay ayuuto u goosatay labo toddobaad ka hor oo dhan SoSh2.4M ($85) ayaa guriga u taalla, laakiin ma ahan nooca cusub ee suuqyada laga oggol yahay. Dumaakada markii ay la tagtay way ka diideen inay wax uga iibiyaan.

Dadka qaar waxaa ku dhacda lacagta ay soo shaqeysteen marka ay suuqa adeeg uga doontaan in la kala sooco oo qeyb lagu daro inta la diiday. Warsame Aadan Guuleed oo 50 jir ah, kana mid ah xoolo-dhaqatadii Gaalkacyo u soo barakacay shan bilood ka hor markii ay abaarta ceyrteysay ayaa noo sheegay in maalmod ka hor SoSh100,000 ($3.5) oo uu ka soo helay shaqadiisa oo xamaali ah la kala soocay oo laga diiday SoSh75,000.

Lacagtaas uma wada goyso cuntada qoyska iyo caanaha carruurta, wuxuuna tilmaamay inay tani gelisay xaalad nololeed oo adag.

Ganacsiga oo yaraaday ayaa sidoo kalena saameeyay fursadihiisii xamaaliga. Wuxuu xusay inay tani si aad ah u saameysay nolosha toddobadiisa carruurta ah iyo hooyadood oo meel kale aanay wax ka soo gelin, kuna tiirsaneyd lacagta uu ka helo waxa uu dhabarkiisa ku soo xamaalo.

Arrintan ayuu ka walaacsan yahay haddii ay sii socoto inay cariiri sii geliso cunto helistooda oo markii horeba aan ahayn mid joogto ah. 

Leave comment