Nafaqo-darro ka dhalatay cunto-yarida abaarta oo ka jirta Hiiraan

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Sacdiya Afraxow oo gabadheeda 11 bil jirka ah ku haysa isbitaalka/Jamaal Cali/Ergo Photo | Sacdiya Afraxow oo gabadheeda 11 bil jirka ah ku haysa isbitaalka/Jamaal Cali/Ergo

Radio Ergo 10 July, 2017 HIIRAAN

 

(ERGO) - Lix iyo toban carruur ah oo ka yar shan sano, lana ildaran nafaqo-darro ayaa lagu baxnaaninayaa isbitaalka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Carruurtan oo shanti maalmood ee u dambeysay laga keenay deegaanno kala duwan oo ku yaalla miyiga gobolka Hiiraan, iyo qeybo ka tirsan Galgaduud, Bakool iyo dhulka ismaamulka Soomaalida-Itoobiya ayaa ka soo jeeda qoysas xoolo-dhaqato iyo beeraley isugu jira oo ay abaarta saameysay.

Rowdo Xasan Cilmi oo kormeere ka ah qeybta nafaqaynta ee isbitaalka Beledweyne ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in carruurta loo keenayo ay hayso nooca daran ee nafaqo-darrada, taas oo ay u sababeysay iyagoo aan daryeel caafimaad helin inta aanay ku daahin xaaladdan. “Qaarkood xitaa iyagoo nafaqo-darrada la bararay ama qalfoof noqday ayaa la keenaa,” ayay tiri.

Deegaannada carruurta laga keeno waxaa ku jira Ceel-cadde, Maxaas, Moqokori, Teedaan, Takaraale, Quracjoome, Buq-goosaar, Buq-aqable iyo Shuubo. Rowdo ayaa xustay in carruurta qaar ay nafaqo-darrada u weheliyaan cudurro kale sida jadeeco, shuban, oofwareen iyo dhiig-yari.

Sacdiya Afraxow waxay isbitaalka kula jirtaa gabadheeda oo 11 bil jirta oo ay aad u caateysay nafaqo-darrada. Waxay ka keentay deegaanka Moqokori oo 168 km u jira Beledweyne. Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in ay labo maalmood ka hor keentay isbitaaka muddo shan bilood ah oo ay xanuunsaneyd kaddib.  Deegaankeedu ma laha isbitaal, balse waxay xustay in dawooyin ay ka iibsatay farmashiyeyaal aysan xaaladdeeda waxba ka beddelin. Nolosha qoyskeeda waxay ku tiirsan tahay dhaqaalaha laga helo dukaan yar oo ninkeeda uu ku leeyahay Moqokori.

Waxay tilmaantay in ay hadda u muuqato mid isbeddel yar sameysay sida dawada loogu billaabay. Xaaladdeeda way soo roonaaneysaa waxayna dib u soo celisay dhaqdhaqaaqii ay gabtay.

Carruurtan ayay Rowdo sheegtay in qoysaskooda ay haysato cunto-yari ka dhalatay abaarta. Waxay xustay in waaliddiinta ay wareysteen ay u sheegeen in aanay helin cunto ku filan iyo caano. “Naaska hooyada caano kama helaan, haddana cudur ayaa ugu darsoomay ama biyo nadiif ah ayay waayeen,” ayay tiri. Waxay tilmaantay in ay taas u dheer tahay cuntada oo qaaliyowday meelo badan oo gobollada carruurta laga keenayo ah.

Cabdiyo Sheekh Isxaaq oo ah hooyo haysata 7 carruur ah, isbitaalkana kula jirta gabar ka mid ah carruurteeda oo labo sano jirta ayaa noo sheegtay in bilihii u dambeeyay ay abaartu ku adkeysay helista cuntada. Maalinta aysan qadin hal waqti ayay wax cunaan oo mararka qaar ay deyn ku soo qaataan. Qoyskeeda oo ku tiirsanaa dhaqashada xoolaha ayay u hartay 21 ari ah oo aan lahayn caano laga maalo, iibna aan gelin abaarta oo weli deegaanka ka jirta darteed, 52 kalena gaajo iyo harraad ayaa dilay.

Isbitaalka oo u sameeya nafaqeyn lacag la’aan ah ayaa carruurrta u kala saara labo qeybood. Kuwa ay nafaqo-darrada u weheliyeen cudurro oo ay qasab tahay in la seexiyo si loo daweeyo kaddibna loo nafaqeeyo iyo qaar ay nafaqo-darrada keliya hayso oo loo diiwaangeliyo bukaan-socod miisaankooda iyo caafimaadkooda joogto loola socdo.

Arbaco kasta tiro ka badan 100 carruur ah ayaa isbitaalka booqata si quudin iyo nafaqo-celin loogu sameeyo. Waxaa la siiyaa caano iyo malmalaaddo nafaqo-celin ah tan iyo inta uu miisaankooda caadi ku soo noqonayo. Qeybta Nafaqada ee isbitaalka waxaa gacanta ku haysa hay’adda Wardi oo ay taageerto UNICEF.

Leave comment