Haweenka booliska ah oo ka qeyb qaadanaya yareynta tacaddiyada dumarka

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Hani Haji (bidix labaad) oo tababar la qaadaneysa gabdho kale/Munasar Maxamed/Ergo Photo | Hani Haji (bidix labaad) oo tababar la qaadaneysa gabdho kale/Munasar Maxamed/Ergo

Radio Ergo 11 July, 2017 MUQDISHO

 

(ERGO) - Hani Xaaji Axmed oo ah dambi-baare ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka mid ah boqollaal haween ah oo tan iyo markii ay ciidanka ku biireen uu taliska ku amaanay inay ka qeyb qaateen yareynta tacaddiyada haweenka iyo fududeynta habka loo wajaho dacwadaha jinsiga. Gabadhan ayaa sheegtay in shaqo-la’aanta ka jirta dalka ay ku qasabtay afar bilood ka hor inay ku biirto booliska, waxayna si gaar ah uga shaqeysaa baarista tacaddiyada ka dhanka ah dumarka.

Hani oo 28 jir ah ayaa shaqada awgeed mararka qaar ku qasbanaata in aysan waqti la qaadan labadeeda carruurta ah iyo aabbahood, xitaa habeenno ayay ka dhaxdaa, laakiin waxay ku faraxsan tahay caawimaadda ay u fidiso haweenka kale ee magaalada xilliyada ay ugu baahi badan yihiin. “Way i dhiirrigelisaa mar kasta oo aan ka qeyb qaato xal u helista dhibaato haysata qof dumar ah, wayna kordhisaa rajadayda ah inaan heer sare ka gaaro shaqada,” ayay tiri Hani oo saldhigga booliska ee Xamarweyne uu kula kulmay weriyaha Ergo.

Waxay warbixin ka qortaa haweenka dhibaatooyinka kufsiga, jirdilka iyo tacaddiyada kale ee qoyska la kulma oo ay wareysato, kaddibna waxay u sii gudbisaa xafiisyada kale ee caddaaladda ee ku shaqada leh. Waxay aaminsan tahay gabdhaha da’da yar ee waxbartay ee ku biiraya booliska inay sabab u noqon karaan hoos u dhac ku yimaada tacaddiyada loo geysto dumarka. Gabadhaha kiisaskooda la qaadayo waxay si furfuran oo cabsi la’aan ugu warrami karaan booliska maaddaama ay dacwadooda qaadayaan gabdho kale.

Hani oo baratay maamulka guud, waxay ka mid tahay 310 haween ah oo jaamacadaha ka qalinjebiyay kuwaas oo labadii sano ee u dambeysay ku biiray booliska sida ay noo sheegtay Gaashaanle sare Faadumo Xasan Maxamed (Neero) oo ah taliyaha gabdhaha booliska Soomaaliya. Waxay tilmaantay inay soo bateen haweenka dhibaatooyinka ka cabanaya ee ku dhiiranaya inay saldhiyada yimaadaan, wixii ka dambeeyay markii la qoray gabdho badan oo boolis ah oo caddeymo la raadiya, soona qabta eedeysaneyaasha. “Markii hore dhibkooda way qarsan jireen maaddaama ay ragga u badnaayeen xafiisyada,” ayay tiri.

Haweenka booliska ah ee hadda ka shaqeeya Muqdisho waa 700, tiradaas oo aad uga yar tan ragga oo ay xustay inay dhan tahay 7,000 oo askari. Gabdhahani waxay la macaamilaan dambiyada haweenka ay geystaan, loo geysto, ama ay dhexdooda isu geystaan, iyo arrimaha qoyska. Waxay caawiyaan kuwa la soo eedeeyo ee lagu xiro saldhigyada, iyaga ayaa maxkamadaha geeya kana soo celiya, una fududeeya wax kasta oo ay u baahdaan.

Saldhigyada booliska ee caasimadda oo aan shan bilood ka hor lahaan jirin qeybo u gaar ah dumarka ayaa hadda laga hirgeliyay qolal u gaar ah haweenka oo la mid ah kuwa lagu sii hayo ragga eedeysaneyaasha ah.

Hibo Cabdinuur Caddaawe oo ah 22 jir baratay cilmiga bulshada ayaa ka mid ah gabdhaha ku biiray booliska afar bilood ka hor. Waa ciidanka ilaalada waddooyinka ee maalin kasta taagan jidadka mashquulka badan ee Muqdisho. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay caqabado kala kulanto shaqada. Waxaa jira dad aan weli u hoggaansamin amarrada taraafikada, dumarkuna kumaba sii jiraan, kuwaas oo mararka qaar halis geliya nafteeda.

Laakiin way ku faraxsan tahay shaqada ay haysto ee hagista gaadiidka oo ay u aragto mid nidaamka iyo kala dambeynta dib u soo celinaysa. Waxay xustay in shaqadeeda ay tahay kala badbaadinta shacabka iyo gaadiidka iyo inay qof kasta siiso xaqa uu waddada ku leeyahay.

Booliska wuxuu ka mid yahay hay’adaha dowladda ee sida joogtada ah mushaarka looga qaato, waxaa jira hay’ado badan oo shaqaaluhu ay ka cawdaan mushaarka in uusan joogto ahayn.

Leave comment