Beeralayda Jawhar oo kula dagaalamaya cayayaanka beeraha farsamooyin aan ahayn sun

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Sawir/kaydka/Ergo Photo | Sawir/kaydka/Ergo

Maryan Sheekh 09 July, 2017 SHABELLADA DHEXE

 

Beeraleyda ku nool degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa bilaabay hab cusub oo ay beerahooda uga badbaadinayaan cayayaanka gala dalagyada Sisinta, Galeeyda, Digirta, Yaanyo iyo qudaarta kale oo la guran doono dhamaadka bishan.

Ciise Axmed waa beeraleeyda ku nool tuulada Bayaxow oo 15km bari ka xigta Jowhar. Waxa uu leeyahay beer hal hegtar ah oo uu u qeybiyay afar meelood. Qeyb wuxuu ku abuuray Galeey, qeybna Yaanyo, labada qeyb ee kalena wuxuu u qeybiyay qudaarta Kostada, Bagalka, Ansalaatada, Kamsar-caleenta, halka qeybta kale ay ku abuuran yihiin Basbaas iyo Barbarooni ayaan ku beeray.

Habkaas ayaa ku sheegay inay ka caawineyso in uu ka hortago in cayayaanku isaga gudbo dallagyada beertiisa ka baxaysa. “Dalag kasta cudur gaar ah ayaa ku dhaca. Beerta dhan hadaad hal dalag ku beerto hal nooc oo cudur ah ayaa ku dhacaya si fudud ayuuna isaga gudbayaa,” ayuu yiri Ciise.  

Hab-beerashan waa ku cusub yahay beeraleyda Jowhar oo si joogta ah uga cawda cayayaanka baabi’iya dalagyada beeraha gobolka Shabeelada Hoose. Cayayaanka ugu badan ee waxyeeleeya beeraha degmadan waa dirxi yar yar iyo malabiso oo ay wehliyaan cayayaano cusub oo aysan weli aqoonsan.

Waxa ay kula tacaali jireen sun lagu buufiyo beerta oo aan ahayn xal waara oo looga hortago cayayaanka beeraha gala.  Ciise oo xilli-abuurashadan beerta ku maalgeliyay lacag dhan saddex milyan oo shilin waxa uu ku hanweyn yahay markii ugu horreysay dalagiisa uga badbaado cayayaanka horey u baabi’in jiray.

Maxamed Cali Jimcaale waa 50 sano jir; wuxuu uu leeyahay beer ku tiirsan waraabka.

“Waxaan fasalkaan abuuray labo higtar oo aan ku beeray Sisin iyo Digir laakiin marka ay 25—30 maalmood abuuran yihiin ayuu cayayaan galay. Wuu iga qasaaray fasalkaas oo lacag dhan afar milyan oo shilin baan sidaas ku waayay,” ayuu yiri Maxamed. Taas cashir bay u noqotay oo wuxuu leeyahay in dalagiisu u kala badbaadi lahaa haddii uu abuuran lahaa miro kala duwan. “Haddii hal dalag beerto way fududahay in cayayaanku si sahlan ugu faafo,” ayuu yiri.

Beeralayda deegaankaas ayaa sheegay in farsamadaan hadda ay isticmaalaan ay ka barteen tababar sanad kahor ay bixisay tababar ay ka heleen hay’ad maxali ah oo magaceeda CED loo soo gaabiyo.

 

 “Hadda waan ku shaqeysanaa farsamooyinkaan cusub oo waah ab fudud dalagyada looga badbaadiyo cayayaanka iyaga oo la kala leexinayo dalagyada uun ah,” ayuu yiri Maxamed.

Laakiin Beeraleydu waxa ay sheegaan in habkan cusub u baahan yahay shaqo ka badan intii hore maadaama qeyb walba oo beerta ka mid ah gaar loo diyaarinayo.

 

 

Leave comment