Muqdisho: Haweenka abaarta kasoo barakacay oo dedaal ugu jira korinta carruurtooda

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Kaydka Sawirrada/Ergo Photo | Kaydka Sawirrada/Ergo

Radio Ergo 08 July, 2017 MOGADISHU

 

Xabiibo Maxamed waa 40 jir heysata 5 carruur oo agoon ah, afar bilood ka hor ayay kasoo barakacday deegaanka Ceel-wareegoow ee gobolka Shabeellaha Hoose abaarta halkaas ka jirta awgeed.

Seygeeda Maaddeey oo toddobaadyo xanuunsanayay wuxuu geeriyooday lix bil kahor kadib markii uu daryeelka caafimaad ee uu u baahnaa. Intii ay tuulada joogeen Xabiibo iyo qoyskeedu waxay ahaayeen dad beeraleey ah, waxay kaloo lahaayeen dhowr dheef oo lo’ iyo ari isugu jira. Hayeeshee beertii iyo dhowrkii neef ee xoolaha ahaaba waxa ay ku waayeen abaarta sii xumaatay horaantii sanadkan, welina ka jirta meelaha qaar.

Xabiibo iyo toddobo carruurteeda ah waxa ay saddex bil kahor ku biireen boqolaal qoysas ah oo abaaraha kasoo barakacay oo degay xeryaha duleedka magaalada Muqdisho. Labo ka mid ah carruurteeda ayaa xeradaas ugu geeriyooday shuban biyoodka daran ee ku faafayay xeryaha dadka soo barakacay ilaa horaantii sanadkan wax yar toddobaad imaanshiyahooda kadib.

Hadda waxay la halgameysaa nolosha qoyskeeda, iyadoo aroor walba ku kalahda xaafadaha magaalada Muqdisho si ay u hesho shaqo-guriga aan joogtada ahayn ee dhar-dhaqista iyo howlaha la midka ah si ay dib ugula noqoto carruurteeda wixii ay habeenkaas cuni-lahaayeen.

Shaqooyinka ugu badan ee qoysaska muqdisho laga helo waa dhar dhaqid, guri ka Adeegid iyo carruur xannaaneyn, waxaase jira caqabado ay Xabiibo iyo haweenka la midka ah kala kulmaan qoysaska ay u shaqada u qabtaan.

“Shaqooyinka markasta lama helo, halkii mar ee aad heshid waxaa suurtagal ah in howsha dhowr jeer lagugu celiyo oo lagu dhaho sidii la rabay uma qaban ku laabo ama lacagtaada ka tag. Mararka qaar lacagtii aad maalintaas shaqeysatay ayaa laguu diidayaa ama lagu leeyahay waa deyn oo mar kale soo noqo,” ayey tiri Xabiibo.

Sidaas oo ay tahay, maalinta ugu shaqo wanaagsan waxa ay heshaa shan doolar, taas oo aan ugu filnayn inay dabka ugu shido carruurteeda wax ka badan hal waqti.

 “Si aan u helo dad loo shaqeeyo maalintii oo dhan xaafadaha ayaan ku wareegaa aniga oo naadinaya oo leh Dhaqoow… dhaqoow… dhaqoow, ka dib ayaan helaa qof raba in howl loo qabto.”

Muddo afar bilood ah oo ay Xabiibo degan tahay Xerada Shabeelle laba mar oo kaliya ayaa la keenay raashiin mucaawino ah. Hal mar oo ka mid ah uun bay nasiib u heshay raashiinkaasi, waana tan ku kaliftay in aysan xerada iska dhex fadhin oo ay magaalada u shaqo tagto.

Safiyo Cali Aadan waa hooyo 31 jir ah oo korineysa afar carruur ah oo uu aabahood ku furay. Carruurteeda gabadha ugu weyn ayaa hadda 8 jir ah, taas o o ka dhigtay Safiyo qofka keli ah ee qoysku ku tiirsan yahay. Waxa ay kasoo barakacday tuulada Malable ee degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay xoolo abaarta ku dhamaaday ku dhaqan jirtay.

 “Shaqada ugu badan ee aan qabto waa guri nadiifin iyo dhar dhaqid; waxaana ka helaa ilaa 3 dollar ama ka yar,” ayay tiri Safiyo.

 “Shaqada iskama galo dadka waan la heshiiyaa, sidaas oo tahay dadka qaar ayaa xaqaaga deyn kaaga dhigaaya ama kuu diidaaya iyagoo ku leh sidii la rabay howsha uma qaban maalintaas carruurtu way iska qadeysaa, dadka qaarna wey fiican yihiin oo xitaa raashiin iyo dhar ayay na siiyaan”

Hooyooyin badan oo ku sugan xeryahay lagu barakacay ee ku yaala degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedka magaalada Muqdisho ayaa la halgamaya nolosha carruurtooda oo lagu furay ama uu aabuhu ka geeriyooday.

Aweys Xaaji Nuur 

 

Leave comment