Dhul loo ooday daaqsinka oo ay ka faa'ideysanayaan xoolo-dhaqatada Bari

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Keydka sawirrada/Faarax Dubbad/Ergo Photo | Keydka sawirrada/Faarax Dubbad/Ergo

Radio Ergo 06 July, 2017 BARI

 

(ERGO) - Xoolo-dhaqato gaaraya 2,500 oo qoys ayaa toddobaadkan isugu tegay dooxada Dharoor ee gobolka Bari si ay uga faa’ideystaan dhul-daaqsimeed oodnaa xilligii gu’ga oo hadda loo fasaxay xoolaha. Dooxadan barwaaqada noqotay ayuu dhirirkeeda yahay 70 km, ballaceeduna 30 km. Waxaa raadka dadka, xoolaha iyo gaadiidkaba laga ilaalinayay tan iyo dhamaadkii bishii May ee sanadkan.

Xoolo-dhaqatada waxay ka imaanayaan deegaanno hoostaga degmooyinka Boosaaso, Qandala, Isku-shuban iyo Qardho oo gu’gii bilihii laga soo gudbay aan helin roob wanaagsan.

Cabdiraxmaan Maxamed Muuse oo ka mid ah xoolo-dhaqatada halkan isugu tagtay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in cawska sida wanaagsan uga baxay dooxada uu xoolo-dhaqatada hayn karo tan xilliga deyrta oo ku beegan bisha Sabteembar ee soo socota. Ninkan 60 jirka ah oo wata 80 neef oo ari ah ayaa ka yimid deegaanka Duur-xagar oo 45 km u jira Dharoor, halkaas oo markii ugu dambeysay uu roob ka da’ay deyrtii dhamaadkii sanadkii hore.

Deegaankiisu wuxuu ahaa dhul qallalan oo ay dhirtu ka dhamaatay wixii ka dambeeyay bishii Febaraayo, kaddib markii ay daaqii laga helay roobka deyrta dhaqso u dhameysteen xoolo-dhaqato aad u badan oo ka kala yimid gobollo dhowr ah oo ay abaartu si daran u saameysay.

Cabdiraxmaan oo ay sanadkii 2016 abaarta uga dhimatay 170 ari ahaa ayaa xusay in ay tani fursad u tahay isaga iyo qoysaska la midka ah oo wajihi lahaa abaar daran maaddaama aysan roob fiican helin. Wuxuu intaa ku daray xirmaysigan inay ka barteen cashir ah haddii dhulka la xannaaneeyo oo hadba aag la xirto in ay yaraan lahaayeen baaba’a xoolaha iyo xaalufka deegaanka.

Dharoor oo ahayd deegaan dhul-daaqsimeed leh ayay dadkii deggenaa abaarta uga barakaceen bilihii ugu dambeeyay sanadkii hore, iyagoo aaday deegaannada hoostaga Bender-beyla iyo dooxaha Noobir oo ay ka da’day deyrta. Hase yeeshee si looga faa’ideysto biyo badan oo gu’gii ku soo qulqulay dooxadan oo biyaha ku darta Badweynta Hindiya ayaa dadkii deggenaa iyo xoolo-dhaqatadii kaleba laga celiyay sida uu noo sheegay Maxamuud Ismaaciil Ciise oo ah duqa degmada Isku-shuban oo ay ka tirsan tahay Dharoor.

Wuxuu tilmaamay in guddi ay ku wada jiraan odayaasha dooxada iyo booliska degmada ay hirgeliyeen xeerar cusub oo loo dejiyay ilaalinta dhul-daaqsimeedkan. Xoolo-dhaqatada u dhow dooxada oo deegaannada kale ka heli karay daaq ayaa ganaax lacageed lagu sameynayay haddii ay xoolahooda daajiyaan xermada. Dhowr jeer ayaa dad la ganaaxay sida uu xusay duqa degmada. Qofka geliya neef ari ah waxaa laga qaadayay $2, geelana $5.

Duqa ayaa xusay in arrintan intii aysan ku dhaqaaqin ay wada-tashi kala sameeyeen odayaasha, markii ay oggolaadeenna waxay ka saxiixeen qoraallo aqbalaad ah oo sharraxaya qaabka loo ilaalinayo dhulka iyo shuruucda loo marayo. Kaddib maamulka degmada iyo kan gobolka Bari ayaa soo saaray qoraal sharci ah oo la dhaqangeliyay.

Nabadoon Faarax Maxamuud oo ka mid ah odayaasha dooxada iyo xoolo-dhaqatada ka faa’ideysanaysa doogga baxay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in intaan dhulka la xirmeynin la sameeyay wacyigelin ballaaran oo dadka loogu sheegayay danta guud ee ugu wada jirta arrintan. Ninkan oo 300 oo ari ahaa ay abaarta ka dishay ayaa hadda haysta 200 oo neef.

 Odayaasha ayuu tilmaamay inay kaalin muhiim ah ka qaateen kormeerka iyo ilaalinta dhulkan, iyaga oo wada shaqeyn dhow la sameeyay booliska. Sidoo kale waxay ka qeyb qaateen in dadka lagu wargeliyo dib-u-degista markii la fasaxay iyo xeerarka lagu wada noolaanayo si aysan colaad u dhex marin dadka meelaha kala duwan ka imaanaya.

Leave comment