Wareysi: Dowladda oo mashruuc biyo-gelin ah ka sameynaysa miyiga oomanaha ah

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Keyka sawirrada/Ergo Photo | Keyka sawirrada/Ergo

Radio Ergo 05 July, 2017 MUQDISHO

 

(ERGO) - Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe biyo-gelin ah oo ay ka sameynayso deegaannada oomanaha ah iyo miyiga fog si loo yareeyo barakaca iyo saameynta abaarta ay ku yeelatay gobollada dalka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Aw-Libaax Ibraahim ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in mashruucan uu yahay fulinta wixii ka soo baxay qiimeyn ay sameeyeen. Bankiga Horumarinta Afrika ayuu xusay inuu maalgelinayo. Waxaan waydiinnay in uu mashruucaas billowday iyo ilaa iyo hadda meelo ay gaarsiiyeen haddii ay jiraan.

Jawaab: Mashruuca wuuba billowday, waxaan ka wadnaa shanta maamul-goboleed sida; Galmudug, Jubbaland, Koonfur-galbeed, Puntland iyo Hir-Shabeelle. Mashruuca qeybta ugu horreysa 25 ceel waaye oo si casri ah oo ka duwan sidii hore loo sameynayo oo soollar iyo matoorro labadaba la gelinaayo, si aysan u dhicin shidaal la’aan iyo cilad matoorka ku timaada ama si cadceedda looga faa’ideysto. Shan iyo labaatanka ceelal qodan oo dayactir u baahan waaye oo la casriyeynaayo.

Waad ogtahay ceel inta la qodo ayaan la isaga tagaa miyiga, dhibaato shidaal ama matoor ama dhib kaleba ha noqoto. Marka sidii hore si ka duwan ayaa loo dayactirayaa. Hadda qeybtaan ugu horreysa dayactir waaye. Qodniinkana wuu socdaa, waxaan ka helnay dowladda Sacuudiga ilaa 150 ceel oo qaar ka tirsanna la billaabay. Laakiin tan aan hadda kuu sheegayo annaga iyo Bankiga Horumarinta Afrika ayaa iska kaashaneyna.

Saddex ilaa afar bilood ka hor ayaan maamul-goboleedyada tagnay, maamul kasta saddex ceel ayaan ku billownay oo qiimeyntooda la soo sameeyay oo howlahoodii ay socdaan oo hadda gacanta lagu hayaa.

Su’aal: Meelahaas xaggee ka mid ah?

Jawaab: Waxaa ka mid ah Balanballe, Bohol, Mirjicley [Galgaduud], Diif, Afmadow [Jubbada hoose], Garbahaarrey [Gedo], Wardiinle, Awdiinle [Bay], iyo Waajid [Bakool].

Su’aal: Maxaad ku doorateen meelaha aad hadda mashruuca ka billowdeen?

Jawaab: Qiimeynta la sameeyay ayaan ku doorannay. Meelaha ugu daran ayaan ka soo billownay shanta maamul-goboleed. Mid kasta dhowr meel ayaan ka billownay hadda qeybta koowaad waaye. Weli waxaan rabnaa in la sameeyo ceelka keliya in aanan ku dhaafin oo ceelka tuulada ku ag-yaallana biyaha la soo gaarsiiyo, in tubbo la soo jiido oo meel ay biyaha ka qaataan loo sameeyo oo dhowr meelood tuuladiiba laga sameeyo, si aysan [dadka] biyo-la’aan tuulada uga qaxin mustaqbalka.

Su’aal: Imisa ceel ama warood ayaa la qodayaa?

Jawaab: Qorshaha waa badan yahay. Ceelasha iyo waraha way badan yihiin, hadda tan waa hal qeyb oo Bankiga Horumarinta Afrika uu naga kaalmeynayo, qeybo kale oo ay dowladda waddo ayaa jira, wayna ka duwan yihiin. Marka waxaan rabnaa oo dowladda u qorsheysan afarta sano ee soo socota in boqolkiiba konton wax ka badan biyo-la’aanta wax laga qabto.

Su’aal: Imisa ceel ayaa maamul-goboleed kasta laga qodayaa?

Jawaab: Annaga iyo maamul-goboleedyada waan wada shaqeynaa si wadajir ah, baahidooda iyaga ayaa soo gudbisanaya. Labo maalmood ka hor waa tii aan mashruucaan ka wadahadleynay oo Xamar aan ku marti-qaadnay, haddana gobollada ayaan ugu soconnaa. Marka wada-tashi annaga iyo maamullada noo dhaxeeya waaye. Talada ugu badanna maamul-goboleedyada ayay ka imaaneysaa, waayo iyaga ayaa meesha jooga oo baahidooda og.

Su’aal: Kaalin noocee ah ayay ku leedahay dowladda?

Jawaab: Wixi dowladda ayaaba wadda, bankiga maalgelinta keliya waaye inta kale shaqada xooggeeda iyo fulinteeda dowladda oo kaashaneysa maamul-goboleedyada ayaa wadda.

Su’aal: Mashruucaan muxuu biyo-la’aanta ka beddeli karaa?

Jawaab: Waad ogtahay markii ay abaar dhacdo oo roobka uu yaraadaba in miyiga laga barakaco oo dadka iyo xoolaha ay biyo-la’aan u dhintaan. Marka waxaas oo dhan ayay daboolayaan. Tuuladii sanadkii hore ama lix bilood ka hor laga soo qaxay in aan sanadkaan laga qixin. Wax badan ayuu mashruucan qaban doonaa haddii uu Alle idmo.

Waxaan rabnaa boqolkiiba in badan in aan wax ka qabanno biyo-la’aanta. Sida aad ogtahay kii webiga ag-joogayna oon ayuu la dhimanaa, kii ceelka joogayna oon ayuu la dhimanaa marka dhibaatadaas sidii looga bixi lahaa oo kan webiga joogana uu biyo nadiif ah helo, kan miyiga fog joogana sidii uu biyo u heli lahaa dowladda way u qorsheysan tahay. Waxaan jecel nahay dad aad u badan inay ka faa’ideysan doonaan. 

Leave comment