Ganacsiga Beledweyne oo u xiran diidmada shilin Soomaaliga

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Ganacsiga Beledweyne oo xiran maalintii labaad/Jamaal Cali Yare/Ergo Photo | Ganacsiga Beledweyne oo xiran maalintii labaad/Jamaal Cali Yare/Ergo

Radio Ergo 04 July, 2017 BALEDWEYNE

 

(ERGO) - Qofka yaqaanna ganacsade uu raashin ka amaahan karo iyo kan uu deriskiis keyd u yaallo ayaa ah dadka keliya ee wax karsan kara magaalada Beledweyne. Arrintan ayaa ah natiijada ka dhalatay xirnaashaha ganacsiga ee labadii maalin ee la soo dhaafay. Waxay ganacsatadu diideen qaadashada shilin Soomaaliga, iyaga oo tuhmaya inay magaalada soo gashay lacag cusub oo badan oo ay ganacsato daabacdeen.

Koowdii ilaa labadii bishan Luulyo waxay ganacsatadu oggolaayeen oo keliya inay wax ka iibiyaan dadka haysta doollarka Ameerikaanka ama ay lacagta ugu keydsan tahay telefoonnadooda gacanta, balse wixii ka dambeeyay saddexdii bishan waxaa xirmay ganacsiyadii oo dhan.

Cabdullaahi Cabdiwaaxid Xiirey oo ka mid ah ganacsatada raashinka ee Beledweyne ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay go’aansadeen ugu dambeyn inay xiraan ganacsiga maaddaama aanay kala ogaan karin qiimaha sarrifka shilinka iyo doollarka.

Sarrifka $100 oo ka hor Sabtidii ahaa SoSh2.8M ayaa gaaray Sosh4M ka hor intii aanay sarrifleyaashu joojin qaadashada shilinka.

Dadka magaalada ayaa Isniintii dhigay bannaanbaxyo ay uga cabanayeen ganacsiga xirmay, laakiin taasi waxba kama beddelin xaaladda. Ma jirto xitaa sandaqad yar oo furan. Isku soo baxaasna wuxuu abuuray cabsi ay ganacsatadu ka qabaan in boob loo geysto haddii ay dukaamada furaan.

Fardowso Cabdulle Jimcaale oo ka ganacsatada khudaarta iyo miraha beeraha ka soo go’a ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in iyada oo haysata 1M oo shilin ($35.7) aanay haddana waxba ugu soo iibsan karin shanteeda carruurta ah. “Waa arrin dhib badan in lacagta aad haysato aysan waxba dhaamin qashinka,” ayay tiri. Dadka qaraabada la ah ee u dhow iyo dukaamada ay taqaanno ayay raashinka deyn uga soo qaadataa. Waxay rajeyneysaa marka ay xaaladda isbeddesho inay deynta iska guddo.

Waxay xustay in xaaladdan ay isku mid ka dhigtay dadka lacagta haysta iyo kuwa aan haysan marka laga soo tago kuwa uu raashinka guryaha u yaallo.

Ganacsatadu waxay sheegayaan in lacagta been-abuurka ah ay ka imaanayso deegaannada gobolka Hiiraan ee ay gacanta ku hayso Al-Shabaab, meelahaas oo la sheegayo inuu ururku ka mamnuucay qaadashada shilinka la daabacay intii burburka lagu jiray. Waxay tilmaameen in ganacsato uu amarkaas saameeyay ay lacagta soo geliyeen Beledweyne si ay uga fogaadaan khasaaro.

Soomaaliya waxaa ka shaqeeya kunka shilin oo keliya, taariikh isku mid ah oo ah in la daabacay 1990-kii ayaa labada lacagba ku wada qoran, sida uu weriyuhu sheegayo, laakiin waxay ganacsatadu ku kala saaraan aragtida iyo taabashada.

Duqa magaalada Beledweyne ee maamulka Hir-Shabeelle, Cali Dhuux Cabdi oo weriyaha Ergo ee Beledweyne uu arrintan wax ka waydiiyay ayaa beeniyay in ay jirto lacag been-abuur ah oo magaalada soo gashay. Wuxuu ku amray ganacsatada inay furaan goobahooda, ayna qaataan shilinka. Ma hergelin amarkaas laakiin ilaa iyo hadda 19 ganacsade oo lagu eedeeyay inay fulin waayeen ayaa la xiray.

Leave comment