Qaar ka mid ah dadkii qaxootiga Yemen ka soo noqday oo ku guulaystay inay nolol cusub ka bilwodaan Muqdisho

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Maxamed Muxidin oo jooga goobtiisa/Sawir/Munasar/Ergo Photo | Maxamed Muxidin oo jooga goobtiisa/Sawir/Munasar/Ergo

Radio Ergo 15 June, 2017 MUQDISHO

 

Maxamed Muxudiin Nuur iyo wiilkiisa Axmed Maxamed Muxudiin Nuur oo lix bil ka hor dib uga soo noqday dalka Yemen ayaa si wadajir ah uga shaqeeya farsamo gacan oo ay ka sameeyaan alwaaxda la tuuro ee ka soo hara guryaha la dhiso, kuwaas oo ay dib u hagaajiyaan kana sameeyaan sariiro, miisas , qalabka lagu fidiyo sanbuuska xilliga ramadaanka iyo fadhiyo.

Shaqadan cidna kuma caawin, waxaana xirfadan uu Maxamed Muxudiin Nuur uga shaqaynsan jiray Yemen, gaar ahaan Magaaladda Sanca halkaas oo uu tahriib ku galay 26-sano ka hor kuna dhalay 15 caruur ah oo uu ugu waynyahay kan hadda garabkiisa ka shaqeeya oo 22-sano jir ah. warbixintaan weriyaha Ergo ee Muqdisho Muanasar ayaa soo diray. Ka dhegeyso halkaan hoose. 

Leave comment