Xoolo dhaqada Soomaaliyeed oo weli wajahaya gaajo

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Sawir/kaydka/Ergo Photo | Sawir/kaydka/Ergo

Radio Ergo 18 May, 2017 PUNTLAND

 

Hay’adda maaraynta masiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa uga digtay hay’adaha gargaarka iyo samafalayaasha Soomaaliyeed in aysan joojin gargaarka la siinayo reer miyiga ilaa inta ay reer miyigu isku filaanayaan. Hay’adda ayaa sheegtay inkastoo roobabkii gu’gu da’een inaysan taasi ahayn in dadka miyiga ku nooli ay dhamaatay baahidoodii.

Abaaro muddo dheer soo jiray ayaa keenay in xoolihii badi ku le’edaan, iyadoo inta hartayna aysan lahayn wac nacfiyo, suurta galna aysan u ahayn inay ka helaan caano, cad iyo waxay iibsadaan.
Warbixintaan waxaan inoo soo diray Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji

Leave comment