Sida daaqa iyo biyaha loogu heshiiyo deegaannada uu roobka ka da'ay ee la isugu tagay

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Maxamuud Faarax Cali oo ka mid ah odayaasha iyo guddiga abaaraha oo Ergo ugu warramay Ceelbuh/Faadumo Taxadar/Ergo Photo | Maxamuud Faarax Cali oo ka mid ah odayaasha iyo guddiga abaaraha oo Ergo ugu warramay Ceelbuh/Faadumo Taxadar/Ergo

Radio Ergo 17 May, 2017 SANAAG

 

(ERGO) - Roobka gu’ga ayaa ka da’aya meelo kala duwan oo Soomaaliya ah. Meelaha uu sida anaagsan uga da’ay ayay xoolo-dhaqatada abaarta ku raagay ka heleen biyo iyo daaq. Laakiin waxaa jira meelo uusan ka da’in oo dadkii deggenaa ay u soo naq-raaceen dhulka roobsaday. Deegaanada la isugu imaanayo qaarkood oo bed ahaan - xeryaha iyo aqallada la heli karo - ay yar yihiin; baadka iyo biyahana sidoo kale, waxa ay dadku ku dagaallamaan sida ay u wadaagi lahaayeen.

Ceelbuh oo gobolka Sanaag ah wuxuu ka mid yahay deegaannada uu ku hormay roobka gu’ga oo horraanti Abriil u da’ay xilli deegaannada u dhow oo dhan ay weli qalleyl ku sii jireen. Taas waxaa ay sababtay inay isugu yimaadaan dad xoolo-dhaqato ah oo gaaraya 4,500 oo qoys oo ka kala yimid gobollada Bari, Togdheer, Sool iyo galbeedka Sanaag. Odeyaasha deegaanka waxa ay ku guuleysteen in dadkaas kala duwan ay ku martigeliyaan deegaankooda oo aad u yar, isla markaana ay dadku isdhexgal sameeyaan, kuna heshiiyaan inay si nabadgelyo ah u wadaagaan kheyraadka kooban ee la helay.

Si aan u ogaanno habka ay u maareeyeen arrintan iyo cashirka ay hab dhaqankoodaas ka baran karaan deegaannada kale ee ay mararka qaar ka dhacaan colaado salka ku haya daaqa iyo biyaha ayaa waxaan la kulannay odeyaasha deegaanka si ay noogu sharraxaan.

“Magaceyga waa Maxamuud Faarax Cali waxaan ka mid ahay odeyaasha iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha ee deegaankan Ceelbuh.  Dadka noo yimid hoy ma sidan oo wax ay ka galaan qorraxda iyo roobkana ma wadan. Raashin ma haysan oo xitaa ma wadan weelal ay biyo ku shubtaan.

Sidaas oo ay tahay, dadka deegaanka ayaa isu xilqaamay inay ku taageeraan wixii yar ee ay heli karaan. Reerkii guri deggenaaba waxaa lagu ag furay reer kale oo soo hayaamay oo dhulkii yaraa baan dib u qeybinnay si ay dhammaan u helaan xeryo iyo meelo ay aqallo ka dhistaan. Marka sidan oo kele deegaan uu roob ka da’ay la isugu yimaado oo dhulku uu ciriiri noqdo, reer guuraagu waxa ay ku dagaallamaan helista dhulka; halkan wayba ka dhacday oo billowgiiba qoysas reer guuraaga ah baa ku diriray oo hub iyo middiyo isu qaatay.

Dadkii horey u deggenaa halkan ee barakacay ayaa si gaar ah isu xijinayay dhulka, laakiin shir baan u qabanay oo waxaa lagu heshiiyay in dadka martida ah iyo kuwo loo yimidba ay si siman wax u wadaagaan. Waxaan ku dedaalnay nabadgelyada iyo dejinta annagoo qoysaska imaanaya u tilmaamaynay meesha ay ku furan karaan.”

Photo | Nabaddoon Maxamuud Xabar/Faadumo Taxadar/Ergo

Ma sahlana in dadka ay si nabad ah isu dhexgalaan xilliyada adag ee sidan oo kale ah. Haddii uu khilaaf yimaado sidee u xallisaan?

“Magaceygu waa nabaddoon Maxamuud Xabar oo waxaan ahay guddoomiyaha guddiga deegaanka Ceelbuh. Waa sax oo dad hor leh oo aan goobjoog u ahayn heshiiskan ayaa maalin walba imaanayay. Guri iska dhisan oo ari galo ayuu nin baabuur wata imaanayaa oo wuxuu moodayaa in uu cidlo yahay wuu ku dul furayaa. Marka waxaanu sameynaa xaradii uu ariga geli jirnay ma ahane dhanki kale baanu xerada ugu beddelnaa kii degay oon dhahnaa docdaa xero ka dhigo, ileen wixii meel loo kala raro ma leh oo wuu kooban yahay dhulka roobka helay. Marka sida aan nabadgelyada u ilaalinno waa sidaas.

Hase yeeshee, haddii qof meel uu horey u deggenaa uu u diido dadka imaanaya, waxaan u dirnaa ciidamada deegaanka oo soo xira. Dadka wuu bisil yahay oo marka aanu xirno qofku wuu iska dan qaataa oo wuxuu yiraahdaa ‘howshaa dib uguma noqonayo’ waana iska sii deynaa. Gacantaanu isa saarnaa waa la is dhunkadaa, bes.”

Leave comment