Beeraleydii barakacay oo dalbanaya dib-u-dejin iyo in laga caawiyo abuurka beeraha si ay roobka uga faa'ideystaan

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Maryan Cumar oo hor fadhida aqalka ay ka deggan tahay xerada Sayidka/Munasar Maxamed/Ergo Photo | Maryan Cumar oo hor fadhida aqalka ay ka deggan tahay xerada Sayidka/Munasar Maxamed/Ergo

Radio Ergo 09 May, 2017 MUQDISHO

 

(ERGO) - Maryan Cumar Cali iyo gabadheeda oo shan jir ah waxay ku hoydaan aqal uu ku soo hooro daadka ka dhasha roobka oo ku yaalla xerada Sayidka ee Muqdisho. Hooyadan oo ka mid ah beeraleyda ka soo barakacday abaarta gobolka Gedo ayaanu sidoo kale aqalkeedu ka difaaci karin dhibcaha roobka. Waxay sheegtay haddii ay joogi lahayd tuulada ay ka soo barakacday ee Caanoole oo 35 km u jirta Baardheere inay roobkan uga faa’ideysan lahayd dib u tacbashada beerteeda.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in dhulkeeda inkastoo aan wax lagu tacbin muddo lix bilood ah oo uu u baahan yahay diyaarin in haddana haddii ay heli lahayd taageero ay dib u noqon lahayd si ay nolosheeda ugu filnaato, ugana faa’ideysato xilli-roobaadkan. Inta lagu jiro gu’ga beeraleydu waxay u dhaqaaqaan tacab, laakiin sanadkan dad badan waxay deegaannadooda uga maqan yihiin barakaca ka dhashay abaarta.

Madaxa diiwaangelinta dadka soo barakacay ee maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Maxamuud Sheekh Axmed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in labadii toddobaad ee la soo dhaafay ay diiwaangeliyeen 450 qoys oo codsanaya in dib loogu celiyo gobollada Shebeellaha hoose iyo Bay.

Maryan ayaa bishii hore ee Abriil waxaa ka dhintay wiil toddobo sano jir ahaa oo uu shuban ku dhacay iyo mid kale oo 22 jir ahaa oo dhimirka ka xanuunsanaa, kaas oo ay sheegtay inuu u dhintay dhaawac ay madaxa ka gaarsiiyeen koox darbijiif ah oo ay dagaallameen. Waxaana carruurtan oo ay saddex bilood ka hor la timid Muqdisho uga hartay gabar shan sano jir ah.

“Dhulkeyga inaan beerto waa sida keliya ee aan gaajada uga bixi karo,” ayay tiri Maryan. Ma shaqeyso, xerada ay deggan tahayna waxaa gargaarkii ugu dambeeyay laga bixiyay bil ka hor intii aysan ku biirin, sidaas daraaddeed waxay wax la cuntaa qoysas soo barakacay oo ka soo horreeyay.

Deegaankeeda ugama horreeyaan wax aan ahayn gurigeeda iyo dhul-beereedkeeda. Abaarta waxay sidoo kale ka dishay 25 ari ahaa iyo siddeed neef oo lo’ ahaa oo ay dhaqan jirtay. Waxay codsaday cid kasta oo awoodda inay ka caawiso sidii ay dib ugu noqon lahayd una heli lahayd abuur ay beerta ku tacbato.

Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dib u celinta iyo caawinta beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ku ceyrtoobay abaarta ay tahay arrinta ugu badan ee shirarkooda ay dhowaanahan uga hadlaan. Maaddaama xilli-roobaad la galay oo ay muuqato rajo wanaagsan ayuu xusay inay howshoodii gurmadka abaaraha ku soo kordhin doonaan dib-u-dejinta iyo gacan-siinta dadka soo barakacay ee doonaya inay deegaannadooda ku noqdaan.

Wuxuu xaqiijiyay in magaalada Muqdisho oo keliya ay shantii bilood ee u dambeysay soo galeen 15,000 oo qof oo u badan xoolo-dhaqato iyo beeraley, kuwaas oo badankood ka yimid gobollada Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe, Bay iyo Bakool.

Roobka ayaa ka da’aya deegaanno aanu si wanaagsan uga da’in muddo labo sano ah.

“Waa nasiib-darro in roobkii aan la’ayn uu nagu dul da’ayo annagoo aan haysan meel aan ka galno, ugana faa’ideysan karin tacabka beeraha,” ayay tiri Saciido Sheekh Maxamed oo iyada iyo 12 carruur ah oo ay dhashay ay deggan yihiin xerada lagu barakacay ee Aragsan ee degmada Howlwadaag.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in xilli-roobaadyada ay si wanaagsan uga faa’ideysan jirtay, iyada oo saddex bilood kaddib goosan jirtay 36 loor oo galley iyo sisin isugu jira iyo sidoo kale bocor, waxayna dalagyadaas iyo khudaarta u isticmaali jirtay iib iyo cunto. Laakiin toddobo bilood ka hor ayaa ugu dambeysay wax ay beerato, waxayna xerada ay deggan tahay ku biirtay bishii Janaayo.

Leave comment