WAREYSI: Abaarta Sanaag oo gaartay heer saf loo galo dameer jiirigaanno biyo ku keenay

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Jaamac Suleymaan oo u warramaya Radio Ergo/Faadumo Taxadar/Ergo Photo | Jaamac Suleymaan oo u warramaya Radio Ergo/Faadumo Taxadar/Ergo

Radio Ergo 02 May, 2017 SANAAG

 

(ERGO) - Jaamac Suleymaan Yuusuf wuxuu ka mid yahay koox xoolo-dhaqato ah oo afartan gaari ku keensatay xoolo harraadsan. Dadkan oo ka soo hayaamay dooxada Noobir ee gobolka Bari ayaa isugu soo ururaya deegaanka Ceelbuh oo roob aan badneyn uu ka da’ay horraantii bishii Abriil. Ninkan oo asalkiisii ka hayaamay deegaanka Farigaab ee gobolka Sanaag ayaa muddo lix bilood ah u hayaamay deegaanno kala duwan oo gobollada Sanaag, Togdheer, Nugaal ilaa Bari ah. Waxaan la kulannay isaga oo markaas dejinaya xoolo, waxaana waydiinnay halka uu xoolahan kala soo hayaamay.

Jawaab: Waxaanu horraantii Abriil  ka soo rarnay Qandala, halkaa waxaa ka jiray harraad ba’an, hawo geddi iyo cudurro xoolaha iyo dadkaba saameeyay oo ka dhashay hawada oo isbadashay iyo xoolo-dhaqatada oo isugu tegay halkaas.

Dadka deegaanku waxa ay ahaayeen dad wanaagsan laakiin biyihi way ka go’een. Haantaa haruub laa meeshaa ka dhacday. Aniga gaarigaas ayaa ii soo gurmaday oo i soo qaaday, nin abtigey ah oo leh baan kaalay oo i gur [i rar] baan ku iri.  Dad badan oo aan lahayn ehel oo gaadiidley aan ahayn oo aan dowlad ku xirneyn oo aan lacag lahayn ayaa meeshaas ku dhibaateysnaa. Waa ta aanu ka soo guurnay, tan aan nimidna naqaa yar ayaan ugu nimid. Wax na dhiba ma aanu arag. Xooluhu way soconayaan [way dhimanayaan] oo daawo ayay u baahan yihiin. Ilaah baa gargaar lehe dadkuna gargaar buu u baahan yahay.

Su’aal: Xoolahu ma cudurro ayay u dhimanayaan?

Jawaab: Haa, xooluhu aad ayay u xanuunsanayaan. Waxaa daashatay abaar, ka bacdina waxay ku wareereen baabuurta lagu raray roobabkan yaryar. Hawo ka geddisan tii ay u barteen oo xeebo kulul ah ayaa la isugu geeyay. Halkaa cudurro ayaa ka dhashay sida Jadeeco, Af-qurur iyo xanuunno kale oo badan. Xanuunno sii dheer ma ahane waa kuwo la daweyn karo oo shilinta iyo waxyaabahaas oo kale.

Su’aal: Wax dawo ah oo aad hesheen ama la idin keenay ma jirtaa?

Jawaab: Raxmadda ayaa daweysa, haddii ay raxmadi da’do way dawoobayaan. Laakiin waa wax abaartu ay ku shaqo leedahay oo abaarta un ku yimid ee wax sii ridan oo dhibaato ah ma ahan ee waa dhiig-la’aan.

Su’aal: Baabuurka hadda ari intee la eg ayaa kuu saarnaa?

Jawaab: Wax boqol ka yar ayaa ii saaran. Markii hore ee aan meesha geeyay dhowr gaari baanu ku soo guurnay. Haddeer saddex qoys arriyadood ayuu gaarigu inoo wadaa. Markii hore anigu shakhsi ahaan gaari kaas oo kale ah baan raray oon ku guuray waa ii buuxay. Marka arigu sidaas buu isaga soconayaa, wax rajo leh ma aha.

Su’aal: Xoolahaas kuu haray ee hadba meel ula guureyso wax intifaacsi ah ma kuu leeyihiin?

Jawaab: Muddo lix bilood ah waxba lagalama bixin xoolaha, iib, qalliin waxba lagalama bixin, dadka un baa ku dhibaatoonayay, gaadiidleydana waa lagu dhibayay. Raashin baanu siinnaa, hadda waxaa u taalla galley oo loo daadinayaa markii uu naqu ku filnaan waayay. In shaa Allaah, Ilaahay naxariis baynu uga baryeynaa.

Su’aal: Abaarta ka hor xoolo intee la eg baad lahayd?

Jawaab: Ariga wuxuu iigu kacay ilaa 600 oo neef iyo lacag ilaa toban kun oo doollar ah, geel adigu 28 buu ahaa. Marka xooluhu way is cuneen, lacagti baa ugu horreysay sidaan ugu furayay oo aan wax ugu iibinayay, arigiina waa aniga tiradiisii idin sheegay. Geelna 12 neef baan ogaa oo galley lagu siiyo meel Docolo la yiraahdo.

Su’aal: Marka lacagtaan tobanka kun ah waa wixii lagu guur guurayay?

Jawaab: Wixii lagu guurayay iyo xoolihii oo la raashimayo sidii dadka, gaari iyo galley baa qaatay. Xoolihi waa la quudinayaa, raashin baa la siiyaa, hadda ayuu xerada u yaallaa oo loo dhigayaa. Waad soo gadaneysaa, xoolo la iibsanayana ma jiraan oo qof weliba jeebkiisa ayuu cunayaa, ehelkiisa ayuu oranayaa wax ii soo dir. Xoolihi sidaas ayaa loo biilinayaa.

Su’aal: Adiga ma reerkii baad wada socoteen mise waad ka timid?

Jawaab: Maya, reerihii xaggaas baa beryo hore uga imid. Xoolo kac dareeri ah baanu wadnay. Labo xaas baan leeyahay oo xaaskii weynaa oo keli ah baa ila socotay si xoolaha ay iila celceliso. Xaaskii kale carruurihii ayay deegaankii ku haysaa. Yeelkadeede aqal iyo carruur ma jiraan, xaaladuhu waa iska dacal basar.

Su’aal: Xoolaha maxaa dhaafsan oo aad hadda wadataan?

Jawaab: Ma wadanno, wax agab la yiraahdo saddexdaas jiirigaan ee gaariga ii saran iyo hadba shubka raashinka ee aanu karsanno iyo digsi intaas ayaanu haysannaa.

Su’aal: Marka haddii uu xitaa roobka yimaado weel biyaha lagu keydsado ma jiro?

Jawaab: Ma jiro wax lagu keydsado iyo meel laga galo. Hoygeenna waanu ka nimid, gaadiidna dadku ma wada haysto, qof kastana waa nala mid, annaga labo dameer baan wadannaa oo jiirigaannada aan ku qaadanaa. Mid hal caagad ah oo afar liitar qaad ah sita ayaad arkeysaa oo saxaraha maraya oo sidii booyadda la oranayo halkaas ayuu dameer furtay oo caagadda lala soo qabanayo.

Su’aal: Marka abaartan xooluhu inay baxayaan, daaq la’aanta iyo roob yarida waxaa u sii dheer, qoysaskii xitaa way kala geysay oo qofba dhinac ayuu qabtay...

Jawaab: Barakac aad u daran ayaa ku dhacay Somaliland iyo Puntland inta aan ka war hayo labadaba. Hadda waxaanu ka nimid Qandala meesha la yiraahdo oo badda u sii jeedda Caluula agagaarkeeda. Halkan ayaan hadda mareynaa oo Ceelbuh ah. Dadkaas barakacaya qofna ehelkiisii, xaaskiisii iyo carruurihiisii kama warrami karo, intaasina waa ila mid.

Su’aal: Hadda reerkii iyo carruurtii aad halkaas uga soo tagtay xilligii aad ka soo guureysay goormee ayay ahayd, Maxaadse uga soo tagtay?

Jawaab: Afar bilood baan moogahay. War la isuma hayo, telefoon mar laga wadahadlo oo isgaarsiin un mooyaane, laakiin dadka intiisa badan qaar baan warba ka haynin oo intii ay Howd u kaceen muddo lix bilood gaaraysaba ka maqnaa guryahoodii.

Risiqa Ilaahay baa qoray oo qofna risiqiisa ma waayo. Laakiin habkii aan nolosha ku soo saaran jirnay meel halis ah buu marayaa. Dalkeenna waad ogtahay miraha ka soo go’a waa xoolaha. Xoolihii abaar baa haysata. Marka xoolaha aad bay qalqiil ugu sii jiraan.  Ma dabar go’in oo dhulalka qaar waa annagaa naqa raacineyna laakiin qalqiil bay ku sii jiraan oo sidii dadkana waa loo quudiyaa xoolaha.

Leave comment