20 haween ah oo nafaqo-darro u jiifta isbitaalka Luuq

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Sawir/kaydka/Ergo Photo | Sawir/kaydka/Ergo

Radio Ergo 03 February, 2016 LUUQ

 

Labaatan haween ah oo ay hayso nafaqo-darri ayaa jiifta isbitaalka degmada Luuq ee gobolka Gedo. Howl-wadeennada isbitaalka ayaa sheegaya in labadii bil ee la soo dhaafay ay kordheysay tirada haweenka ay nafaqo-darrida haysato ee imaanayay isbitaalkaas.

Bishii la soo dhaafay ee Jannaayo wuxuu isbitaalka diiwaangeliyay 150 haween ah oo ay soo ridatay nafaqo-darro, kuwaas oo isugu jiray kuwa uur leh iyo kuwa nuujinaya.

Dhaqtar Isxaaq Maxamed oo ah maamulaha qeybta nafaqo-darrida ee isbitaalka Luuq ayaa nafaqo-darrada la xiriiriyay inay ka dhalatay cunto-yaraan ay keeneen colaadaha, barakaca iyo xilliga lagu jiro oo ah xilli jiilaal ay xooluhu nacfi yareeyeen.

Leave comment