Dhegeyso Sheekada Lama Huraan Q2

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir


Radio Ergo 28 January, 2016 NAIROBI

 

Kusoo dhawaada sheeko taxane ah oo ka hadlaysa dhinacyo badan oo ku saabsan xaaladaha nolosha Soomaalida. Sheekada oo la magac-baxday LAMA HURAAN waxay ka hadlaysaa burburkii ku dhacay Qaranweynihii Soomaaliya kaddib dagaallada sokeeye, amaan-darrida baahday, qaxa, dhaca iyo kufsiga.

Sheekadu waxay ku saabsan tahay dad ku wada nool tuulo khayaali ah oo Tub Caano lagu magacaabo oo loola jeedo tuulo barwaaqo aheyd oo dadkeedu ay wada noolaayeen iyada oon la kala xigsaneyn, qabiil iyo kooxna aan loo nisbeyneyn. Ma aheyn mid leh ciidan iyo hub oo waxay dadkeedu ku wada dhaqnaayeen xeerar ay isla oggol yihiin. Tuuladaas hadda waa laga qaxay, oo dadkeedu meelo kale ayay barakac iyo qaxooti ku tageen. Kaddib dib bay ugu soo noqonayaan tuuladoodii TUB CAANO si ay nolol cusub dib ugu billaabaan. Haddaba, halkan ka dhageyso sheekada LAMA HURAAN qeybteeda 2aad oo Raadiyo Ergo ka baxda khamiis iyo sabti walba.

Leave comment