Dhadhaab: 269 qaxooti Ah oo u guuray Soomaaliya

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Maryan Cali (bidix) oo diyaar u ah inay baska fuusho/Dhadhaab/Axmed-Nuur/Ergo Photo | Maryan Cali (bidix) oo diyaar u ah inay baska fuusho/Dhadhaab/Axmed-Nuur/Ergo

Cabdiraxmaan Taysiir 26 January, 2016 DADAAB

 

(ERGO) - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa maanta sahay iyo gaadiid ay ku safraan ku caawisay 269 qof oo qaxooti Soomaali ah oo ka ambabaxay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Kenya, kuna sii jeeda Soomaaliya. Tallaabadaas ayaa qeyb ka ah mashruuca ay hay’addu ku caawineyso dadka go’aansada inay si iskood ah ugu guuraan magaalooyinka xasilloon ee Soomaaliya.

Maxamed Aadan Barkhadle ayaa qoyskiisa oo ka kooban 8 qof wuxuu ka mid yahay dadka ku noqonaya magaalada Kismaayo oo ay markii hore ka yimaadeen. Bas geynaya xudduudda Soomaaliya ayay saakay ka raaceen Dhadhaab. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu rajeynayo inuu dib nolol fiican uga abuuran doono magaaladiisa oo uu tilmaamay inuu soo hagaagay amnigeeda. “Xoolo iyo hanti kale igama horreeyaan, balse waan ku faraxsanahay inaan qaxootinnimada ka baxayo oo dalkeyga aan ku noqonayo,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay inay xeryaha ku haysteen amni, balse ay noloshooda saameyn ku yeelatay cunto-dhimis ay sameeyeen hay’adaha gargaarka wixii ka dambeeyay bishii Nofeember ee sanadkii hore. Cuntada oo qaxootiga la siin jiray bishii labo jeer ayaa lagu soo koobay hal mar, taas oo ay hay'adaha u sababeeyeen dhaqaale-yari. “Nin carruur korsanaya ayaan ahay, shaqana kuma haysto halkan, cuntadiina waa la dhimay,” ayuu yiri Maxamed oo shan sano ku noolaa xeryaha.

Dadka noqonaya oo ka kooban 51 qoys oo dhammaanood degganaa xerada IFO II ee Dhadhaab ayaa ku kala noqonaya degmooyinka Baydhabo iyo Diinsoor ee gobolka Baay iyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose. Dadkaas oo dhan waxaa xeryaha keentay abaartii Soomaaliya ku dhufatay sanadkii 2011 oo saameysay dad ku dhow 3 milyan oo qof. Waxay ahayd tii ugu xumeyd ee dalka soo marta muddo 60 sano ah.

Maryan Cali oo qoyskeeda uu ka mid yahay kuwa ku noqonaya Baydhabo ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in shan carruur ah oo ay dhashay ay dhammaantood waxbarasho bilaash ah ku haysteen xerada Ifo II oo ay degganaayeen shan sano. Waxay rajeynaysaa inay carruurteeda waxbarashada sii wadan doonaan marka ay ku noqdaan Baydhabo. Dugsiyada halkaas ku yaalla waa kuwo gaar loo leeyahay oo lacag la bixiyo bil kasta.

Qaxootiga maanta la ambabixiyay ayaa tirada guud ee dadka Soomaaliya ku noqday bishan Jannaayo ka dhigeysa 1637 qof, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Aadan Rashiid Cabdi oo ah madaxa dib-u-celinta qaxootiga ee UNHCR.

Dadka iskood u go’aansaday inay noqdaan waxaa ku jira Cali Abshir oo ka mid ah dhallinyarada wax ku baratay kuna guursatay xeryaha. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inay ku noqonayaan Diinsoor oo markii hore uu ka yimid. “$400 oo sahay ah ayaa nala siiyay. Lacag intaas la egna waa naloo ballan-qaaday marka aan Soomaaliya tagno,” ayuu yiri Cali oo ay weheliyaan xaaskiisa iyo labo carruur ah oo ugu dhashay Dhadhaab.

Aadan Rashiid wuxuu sheegay inay diiwaangeliyeen 16,000 oo qof oo kale oo diyaar u ah inay Soomaaliya ku noqdaan. UNHCR ayaa Soomaaliya dib ugu celisay 7734 qof wixii dambeeyay bishii Disember, 2014 markaas oo uu billowday mashruuca dib-u-celinta qaxootiga oo ka dhashay heshiis saddex-geesood ahaa oo daba-yaaqadii 2013 ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo hay’adda UNHCR.

(Axmed-Nuur Yogol/AT)

Leave comment