Hooyooyin sunno-gudaya gabdhahooda

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Naciimo Cabduqaadir iyo walaasheed Ceyni oo ku faraxsan inaan loo gudin fircooni /Faaduma Taxadar/Ergo Photo | Naciimo Cabduqaadir iyo walaasheed Ceyni oo ku faraxsan inaan loo gudin fircooni /Faaduma Taxadar/Ergo

Fatuma Maalim Abukar 16 December, 2015 BARI

 

Sahra Cismaan Saciid 11 jir ayay ahayd maalintii la gudayay oo hadda laga joogo 24 sano. Waxay aheyd maalin ay cadceeddu aad u kululeyd. Maaddaama ay ku nooleyd deegaan miyi ah oo hoos yimaada magaalada Jowhar, haweeneyda Sahra gudaysay oo aan baran ama loo tababarin caafimaadka ma wadan qalab wax lagu qalo ama lagula tacaalo xaaladaha degdegga ah ee halista gelin kara nafta bani’aadamka. Waxa keliya ee ay kusoo talagashay waa sakiin duug ah, qodxo iyo xarig dabar ah oo xilligaas ahaa agabka loo isticmaalo Gudniinka Fircooniga ah ee gabdhaha. 

 “Ilaa iyo hadda aad baan u xusuustaa si xun baa la iigu jarjaray sakiinta, iyadoo ay garbaha I hayeen hooyadey iyo labo haween ah oo aan deris ahayn. Mar kasta oo ay caado igu dhacdo igama soo bixi jirin, waana ku xanuunsan jiray, taasoo keentay inaan infekshan qaado. Kama sheekeyn karo xanuunkaan la kulmay,” ayay Sahra u sheegtay Raadiyo Ergo.

Sahra oo hadda ku nool Boosaaso waa hooyo 35 jir ah oo heysata siddeed carruur ah oo afar ay gabdho yihiin.  Laakiin Gudniinkii Fircooniga ahaa ee la guday kow iyo toban jirkeeda wuxuu ku reebay xanuun badan oo aan ka harin ilaa maanta. Marar badan waxay isku dayday inay gurigeeda iyo seygeeda ka cararto  tiiraanyada iyo xanuunka joogtada ah ee uu baday Gudniinka Fircooniga ah awgood. Sida ay maleyneysay kuma nasan guurka iyo la kulanka seygeeda. Habeenkii aqal-galkaba ha ugu darnaadee.

“Markii la i guursaday si xoog ah ayuu ninkeyga ku furay meeshii tolneyd. Guurka waxaan ka aaminsanaa inuu yahay mid raaxo leh, laakiin waxaan la kulmay iyo raaxo aad bay u kala fog yihiin,” ayay tiri Sahra oo sheegtay in mar kasta oo ay dhaleyso dhaawacyo hor leh loo geysto. “Markaan dhalayo meelo badan ayaa la iga jarjaraa, taasoo sababta in muddo bilooyin ah ay boogtu i bogsan weydo oo aan salka dhulka dhigi waayo.”

Nasra Xabeeb Yuusuf, oo ah dhakhtarad ku takahsustay cudurrada haweenka ku dhaca, kana howlgasha xarunta caafimaadka Tawakal ee xaafadda Eastleigh ee magaalada Nayroobi ayaa sheegeysa in Gudniinka Fircooniga uu dhibaato maskaxeed, mid jireed iyo mid caafimaadba ku leeyahay haweenka. “Caafimaad ahaan Gudniinka Fircooniga ah wuxuu gabadha ku sababaa caabuq, dhiig-bax, isku-furan oo marka ay dhaleyso ah iyo caadada oo ku xiranta,” ayay tiri Nasra oo xustay in xanuunka ay gabdhaha kala kulmaan gudniinka uu maskaxiyan saameyn ku yeesho, ayna joogto u yihiin naxdin iyo walaac.

Gudniinka Fircooniga ah oo ku baahsan Soomaalida dhexdeeda waa caado-dhaqameed gabowday oo lagu baabi`iyo gebi ahaanba saxaaxa kore ee xubinta taranka gabdhaha. Qaramada Midoobay way mamnuucday sanadkii 2012-kii. Labaatankii sano ee la soo dhaafay ololeyaasha wacyigelinta ah ee ka dhanka ah gudniinkaas way kordhayeen. Xitaa culimada diinta ayaa dowr weyn ka qaata inay dadka ku baraarujiyaan caadadan xadgudubka ku ah dumarka ee aan diinta waafaqsaneyn. Laakiin, weli way sarreysaa tirada gabdhaha Soomaaliyeed ee Fircooniga loo gudo.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee sanadkan ay Gudniinka Fircooniga ah ka soo saartay hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan badbaadada carruurta waxay muujineysaa in weli fircooni loo gudo 95 boqolkiiba gabdhaha Soomaaliya ku nool ee ay da’dooda u dhaxeyso 4 jir ilaa 11 jir.

Hase yeeshee, afarta gabdhood ee Sahra Cismaan oo ay da’oodu u dhaxeyso 5 jir ilaa 12 jir kama mid aha kuwa fircooniga loo guday. Waa la sunno-guday. Gudniinka Sunniga ah waa hab ikhtiyaar loo leeyahay oo diinta la waafajiyay, kaas oo ah in la saro saxaaxa kore ee xubinta taranka gabdhaha oo dhiig yar laga keeno. Wuxuu lid ku yahay Gudniinka Fircooniga ah oo ujeedkiisa ugu weyn uu yahay in lagu xakameeyo dareenka iyo baahida jinsiyadeed ee gabdhaha. Sunnigu caafimaad ahaan iyo nolol ahaanba saameyn kuma yeesho dumarka.

Sahra waxay u sunno-gudday gabdhaheeda si ay uga badbaadiso xanuunka daa’imay nolosheeda ee ka dhashay Gudniinka Fircooniga ah. “Gabdhaheyga haddiiba xanuunka aan aniga maray aysan mari doonin, taas ayaa wax walba igala weyn,” ayay tiri.

Naciimo Cabduqaadir oo 12 jir ah waa curadda Sahra. Way ku faraxsan tahay go’aanka waalidkeed ee ka badbaadiyay Gudniinka Fircooniga ah. Gabdhaha saaxiibbadeed ah ee loo guday Fircooniga waxay marar badan ka maqashay iyagoo ka cabanaya xanuunka iyo saameynta gudniinkaas, gaar ahaan xilliyada caadada. “Qaarkood maalmaha qaar guriga kamaba soo baxaan,” ayay tiri Naciimo.

Cabduqaadir Axmed Maxamed oo ah seyga Sahra, wuxuu goobjoog u ahaa dhibaatooyin dhowr ah oo Gudniinka Fircooniga ah uu dhaxalsiiyay xaaskiisa, kaas oo marar badan xumeeyay xiriirkooda. Wuxuu xaqiiqsaday in gudniinkaas uu yahay caado aan sal ku lahayn diinta Islaamka. Sababtaas ayuu ugu taageeray Sahra inay gabdhahooda sunno-gudaan. Laakiin wuxuu qoyskiisa cambaareyn kala kulmay bulshada deegaankooda oo u arka inay ku xadgudbeen xeer soo jireen ahaa. “Maxaad gabdhihiinna ugu gudi weyseen sidii loo gudi jiray? ayay badanaa dadku na weydiiyaan, balse waxaan u sheegnaa inay diintu ka soo horjeeddo Gudniinka Fircooniga ah,” ayuu yiri.

Culimaa’uddiinka Soomaaliyeed madallo badan ayay ka sheegeen in diinta Islaamka ay ka soo horjeeddo Gudniinka Fircooniga ah. Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen Ciise wuxuu aaminsan yahay in gudniinkaas uu diiniyan gaboodfal ku yahay xuquuqda dumarka. “Gabadha haddii la jarjaro oo sidaas ay ku dhimato diyo ayaa laga qaadayaa qofka guday,” ayuu yiri, isagoo intaas ku sii daray “caafimaad ahaanna diinta ma oggola wixii qofka dhibaato u keenaya.”

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Sahra Maxamed Cali ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay inay wadaan qorshe lagu soo saarayo sharci lagu joojinayo Gudniinka Fircooniga ah, kaas oo ay ku caddahay ciqaabta uu mari doono qofkii ku dhaqma. “Dhaqan muddo soo jiray in lala dagaallamo ma sahlana. Wuxuu u baahan yahay sharci qoran oo misana lagu dhaqmo,” ayay tiri wasiirka.

Laakiin, hooyooyin badan ayaa si iskood ah u go’aansanaya inay joojiyaan ku dhaqanka caadada xun ee fircooniga, taas oo ay ugu wacan tahay cashirrada ay ka barteen xanuunka iyo dhibaatooyinka uu baday.

 “Habeenkii koowaad ee guurkeyga sakiin ayaa la igu furay. Markaan ilmahayga ugu horreeyay foolanayay ilaa saddex meel ayaa la iga jarjaray, taasoo dhaawac xooggan ii geysatay. Nolosheyda waa mar jirkeyga la jeexayo iyo mar la tolayo,” ayay tiri Luul Maxamed oo kontan jir ah, kana mid ah hooyooyinka ku silcay Gudniinka Fircooniga ah. Luul afar gabdhaheeda ka tirsan way sunno-guday.

Si la mid ah hooyooyinka, waxaa isbeddelaya wacyiga ragga ee la xariira Gudniinka Fircooniga ah. Bil kasta afartan dumar oo raggooda ay weheliyaan ayaa yimaada xarunta caafimaadka ee Tawakal ee magaalada Nayroobi. Dumarkaas oo habka fircooniga ah loo guday waxa ay xarunta u yimaadaan si looga furo toliinka lagu giijiyay xubintooda taranka. Badidood waxay xarunta yimaadaan inta lagu jiro toddobaadka koowaad ee aqal-galkooda, sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay dhakhtarad Nasra Xabeeb.

“Kiiskii noogu darnaa wuxuu ahaa gabar bishan dhexdeeda habeen naloo keenay iyadoo aad u dhiig baxeysa, waxaan u qaadannay inay ilmo ku dilmeen. Laakiin seygeeda wuxuu noo sheegay inay is qabaan muddo bil ah, dhiig baxana uu sababay awood uu u sheegtay inuu ku furo meesha tolan, oo dillaacisay ilaa qaybta saxarada. Runtii kiisas xanuun badan oo aadan maleysaneynin oo Gudniinka Fircooniga ah ayaan la kulannaa mar walba,” ayay tiri Nasra.

Nasra ayaa kula talisay ragga inay ka qayb qaataan yareynta xanuunka iyo dhibaatada uu Gudniinka Fircoonigu u geysto dumarka oo inta aysan la aqal-gelin ay geeyaan xarumaha caafimaadka si loo furo meesha tolan, beddelkii ay awood ku maquunin lahaayeen. “Markaas waxaa laga badbaadayaa in gabadhii ay xanuun dareento, isla markaana ay nacdo inay ninkeeda la noolaato.”

Waxaa qortay Faaduma Macallim Abuukar

Leave comment