Beeraley ku soo barakacay xeryaha duleedka Muqdisho

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Haweenay ka mid ah beeraleyda soo barakacay oo aqal ka dhisaneysa Saddex-buurood /Maxamed Cabdi Xasan/Ergo Photo | Haweenay ka mid ah beeraleyda soo barakacay oo aqal ka dhisaneysa Saddex-buurood /Maxamed Cabdi Xasan/Ergo

27 November, 2015 SHABELLADA HOOSE

 

Qoysas beeraley ah oo ay tiradooda gaareyso 1400 oo qoys ayaa toddobaadkan ku soo barakacay xeryaha ku yaalla inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, kaddib markii ay beerahooda ku baaba’een fatahaadaha uu sameeyay webiga Shabeelle.

Guddoomiyaha Guddiga Dadka ku barakacay duleedka Muqdisho, Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay dadkaas kala dejiyeen xeryo lagu barakacay oo ku yaalla afar deegaan oo kala ah Carbiska, Lafoole, Ceelasha Biyaha iyo Saddex-buurood, balse aanay u awoodin inay aqallo u dhisaan. “Bannaannada ayay iska seexdaan iyaga iyo carruurtooda, wax aan u haynana ma laha,” ayuu yiri.

Xumeero Xaaji Cali oo wadata sagaal carruur ah waxay ku biirtay qoysaska ku barakacay Carbiska oo Muqdisho u jira 25km. Waxay ka mid tahay 800 oo qoys oo ka soo barakacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose oo beer 12 hektar ah oo ay ugu beernaayeen sisin iyo yaanyo ay ku baaba’day fatahaadda. “Buushash ay dad kale horay u deggenaayeen ayaan la wadaagaa tan iyo Khamiistii hore oo aan imid, waxaana ka galaa roobka habeenkii da’. Waa nolol cariiri ah oo ay adag tahay in lala qabsado,” ayay tiri.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in markii ay joogeen Qoryooley ay carruurteeda dhigan jireen iskuul wax lagu baro agoonta iyo dugsi Qur’aan. Noloshoodana ay ku maareyn jirtay dakhliga ka soo gala beerta. Laakiin hadda aanay carruurtu haysan waxbarasho. “Waxaan u shaqo tagaa beeraha ku yaalla Afgooye. Ciddii u baahan in beerta loo falo ayaan u shaqeeyaa. Raashin ayaa la I soo siiyaa oo aan carruurta ula soo noqdaa,” ayay tiri.

Xaliimo Cabdullaahi oo ah hooyo wadata 10 carruur ah, waxay ka soo barakacday deegaanka Beledul-Amiin oo Afgooye u jira 14km. “Biyo, baahi, wax la’aan iyo rafaad ayaa I soo barakiciyay,” ayay tiri Xaliimo oo ku jirta xerada Saddex-buurood oo Afgooye u jirta 10km. Toddobaad ayay joogaan xerada. Waxay sheegtay in aysan haysan wax ay cunaan. “Saakay sidaan u soo toosnay aniga iyo carruurteyda waxba ma cunin. Carruurteyda baahidooda markii aan u adkeysan waayay, ‘orda deriska ka soo tuugsada’ ayaan ku dhahay. Maxaan sameynaa? Xaggeen wax uga keenaa?” ayay tiri Xaliimo oo aan la kulannay 12:00 duhurnimo, waxayna intaa ku sii dartay in aysan xitaa haysan gogol oo dhulka ay seexdaan.

Xaliimo Maxamed Cabdi fatahaadda waxay ka baabi’isay 10 hektar oo dhul-beeereed ah oo ay ku lahayd degmada Jannaale. Hadda waxay iyada iyo carruurteeda ku nool yihiin xerada Saddex-buurood. “Toddobaadkan dhexdiisa ayaan nimid. Beerteyda galleydii ku beerneyd oo aan nolosheenna ku maareyn jirnay biyaha ayaa baabi’iyay,” ayay tiri. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay habeenkii meel bannaan ah seexdaan oo aanay haysan hooy ay ka galaan roobka iyo kuleylka cadceedda.

Guddoomiyaha Guddiga Dadka ku barakacay duleedka Muqdisho, Maxamed Cabdiraxmaan wuxuu dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ka codsaday inay dadkaas u fidiyaan gargaar degdeg ah.

(Maxamed Cabdi Xasan /AT)

Leave comment