Dadka Diinsoor oo ka cabanaya sicir-barar

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Suuqa khudaarta Baydhabo /Sawir/keyd/Muxyadiin Xusni/Ergo Photo | Suuqa khudaarta Baydhabo /Sawir/keyd/Muxyadiin Xusni/Ergo

26 November, 2015 BAY

 

Dadka ku nool degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa ka cabanaya sicir-barar muddo shan bil ah ka jira degmadooda oo ka dhashay go’doomin ay ku sameysay Al-Shabaab oo xirtay waddooyinka gala degmadaas. Ganacsiga ka jira gobolka intiisa kale uma soo gudbi karo degmada oo habka keliya ee gargaar lagu soo gaarsiin karo ay tahay in la adeegsado diyaarad.

Beeraleyda Diinsoor sanado badan dalag uma soo go’in abaar ku raagtay darteed oo ay weheliyaan dagaallo iyo barakac. Roobka deyrta ee curtay si aad ugama di’in si la mid ah degmooyinka kale ee dalka. Dalaggii u keydsanaa beeraleyda waa gabaabsi. Raashinkii ganacsatada ugu keydsanaa bakhaaradda oo yaraadayna wuxuu sababay sicir-barar.

Cabdinuur Maxamed Cabdi qoyskiisa oo ka kooban 10 qof, wuxuu ka mid yahay qoysaska ugu daran ee uu saameeyay sicir-bararka. Waa 52 jir ka shaqeeya falista beeraha. “Shaqo joogto ah oo maalin kasta aan helo ma aha,” ayuu yiri Cabdinuur oo la hadlay Raadiyo Ergo. Wuxuu sheegay in 10-kii mitir oo dhul beereed ah uu ku falo 50 kun oo shilin Soomaali ah, balse aanay intaas ku filneyn nolol-maalmeedka qoyskiisa raashinka oo qaaliyoobay dartiis.

“Kiiladii sokorta ahayd oo la iibin jiray 12 kun oo shilin Soomaali ah waxay mareysaa 30 kun oo shilin ($1.5). Wax kasta way qaaliyoobeen. Iima suuragasho inaan maalin kasta soo helo qoyskeyga wixii ay cuni lahaayeen,” ayuu yiri.

Diinsoor waxaa deggan qoysas beeraley u badan. Hase yeeshee, colaadihii iyo abaartii soo maray waxay dhaxalsiiyeen dadkii ay noloshooda beeraha ku tiirsaneyd inay maciin-bidaan shaqooyin yaryar. Awliyo Aadan Nuur iyo toddobo carruur ah oo ay dhashay waxay nolol-maalmeedkooda ka heli jireen keydka dalagga ka soo go’a beertooda oo ay u kala qeybsan jireen wax ay cunaan, wax ay suuqa geystaan si ay u iibsadaan iyo wax ay keydsadaan. Markii ay roob la’aantu dheeraatay, keydkiina uu ka dhamaaday waxay billowday inay shaah ku iibiso suuqyada si ay nolosha carruurteeda ugu maareyso, balse lacag u dhaxeysa 20 kun ilaa 50 kun oo shilin oo ay soo shaqeyso maalintii kuma filna nolol-maalmeedkooda.

“Carruurta aad bay iiga dhibaateysan yihiin, nolol fiican ma haysanno, waxbarasho ma haysanno, waxaan u baahannahay in gargaar naloo fidiyo,” ayay tiri Awliyo oo la hadashay Ergo.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Diinsoor ee maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, Xasan Maxamed Xuseen wuxuu Ergo u sheegay in uu ka walaacsan yahay xaaladda cunto yarida ah iyo sicir-bararka haysta dad uu ku qiyaasay 28,800 oo qoys oo ku nool degmada oo uu xusay inay go’doonsan tahay 150 cisho. “Diinsoor wax-soo-saar kama jiro, cid gargaar siisana ma laha, dhibaatada jirtana ummadda way wada saameysay,” ayuu yiri Xasan oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ka codsaday inay gurmad degdeg ah la soo gaaraan shacabka inta aysan xaaladdu isku beddelin musiibo bani’aadamnio oo aan waxba laga qaban karin.

Mustaf Maxamed Cabdi wuxuu ka mid yahay ganacsatada Diinsoor. Bakhaarro waaweyn oo raashinka lagu iibiyo ayuu leeyahay. Wuxuu sheegay inuu ganacsigiisa ku tiirsanaa badeecooyinka ka yimaada gobollada kale ee dalka, balse go’doonka ay ku jiraan uu sababay inay gaadiidkii ganacsiga soo gaari waayaan degmada. “Sicir-barar xun ayaa jira, liitarkii saliidda ahaa oo la iibin jiray 15 kun oo shilin wuxuu marayaa 40 kun oo shilin Soomaali ah. Dadka danyarta ah ma awoodaan inay wax iibsadaan,” ayuu Ergo u sheegay Mustaf.

Gaadiidka badeecooyinka ganacsi keena Diinsoor waxay ka imaan jireen magaalooyin dhowr ah sida Muqdisho oo u jirta 367 km iyo Baydhabo oo u jirta 120 km. 

Leave comment