Banderbeyla: Raadiye lagu maalgeliyay in kayar $30

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Maxamuud Cumar, aas-aasaha iyo maamulaha raadiye macmal ah oo laga dhageysto Banderbeyla/Cabdiraxmaan/Ergo Photo | Maxamuud Cumar, aas-aasaha iyo maamulaha raadiye macmal ah oo laga dhageysto Banderbeyla/Cabdiraxmaan/Ergo

16 November, 2015 BARI

 

Waa saddexda galabnimo oo daqiiqado dhiman. Badriya Dayib oo ah weriye aan la tababarin waxay isku-aaddineysaa warqado qoraalkooda qalin loo adeegsaday oo laga jaray buug duug ah. Iyada iyo Maxamed Cawke Saciid oo ah martida Barnaamijka Caafimaadka ee maanta waxay ku fadhiyaan dirin lagu dhex fidiyay qol yar oo cariiri ah. Maxamed wuxuu ka mid yahay howl-wadeennada caafimaad ee degmada oo Boosaaso u jirta qiyaastii 368km.

Idaacadda oo dhan waa qol yar oo ku yaal meel taag ah oo magaalada ka baxsan. Qolkan waxaa is dhex daadsan fiilooyin iyo qalab jajaban oo la xiriirshay, oo ah qalabka ay idaacaddu ku shaqeyso. Waa qolka laga hago ee qalabka idaacadda oo dhan uu yaallo, waa isla istuudiyaha iyo qolka jiifka ee Maxamuud Cumar oo ah aas-aasaha Raadiyo Horyaal.

Maanta barnaamijka waxaa looga hadlayaa cudurrada faafa iyo sida looga hortegi karo. Cod-baahiyaha ayay gacanta midig ku soo qabsatay. “Galab wanaagsan dhageystayaal,” ayay ku billowday furitaanka barnaamijkan oo  Arbaco kasta laga maqlo horyaal FM oo ah idaacad macmal ah. Waa idaacadda keliya ee laga dhageysto Banderbeyla oo ah degmo yar oo qaddiimi ah oo ku taal cirifka bari ee gobolka Bari. Waa idaacadda lacagta ugu yar lagu maalgeliyay idaacadaha dalka, laakiin waa il-wareedka keliya ee dad lagu qiyaaso boqol kun oo qof oo ku nool degmadaas.

Idaacadda waxay ka sameysan tahay qalab la xiriira isgaarsiinta oo la isku soo ururiyay, sida raadiyeyaal jajabay, batariyo kuwa dabka loo isticmaalo ah, anteenno iyo war-lalis. “Qeyba meel baan ka keenay. Kaddib waan xiriiriyay, waana rakibay anigoo isku alxamaya. Waxaa iiga baxday lacag ka yar $30,” ayuu yiri Maxamuud oo ah 51 jir ah, ahna aas-aasaha iyo milkiilaha Raadiyo Horyaal.

Maxamuud ma ahan injineer shahaado sare ka heysta cilmiga teknoolijiyada ama dhismaha idaacadaha. Xitaa dugsi sare ma dhigan. Riyadiisii dhallinyaronnimo waxay ahayd inuu wax ka barto isgaarsiinta iyo dabka. Laakiin wuxuu qaatay tababarro kooban oo la xiriira farsamada korontada. Baahida warbaahineed ee ka jirta degmada oo ku taalla dhinaca xeebta fog ee Badweynta Hindiya ayaa ku dhalisay Maxamuud hindisaha Raadiyaha Horyaal oo ay ku qaadatay ku dhawaad labo sano in uu noqdo mid ay bulshadu dhageysan karto. “Idaacadaha kale ee gudaha nama soo gaaraan, kamana warqabi karno waxa ka dhacaya deegaannada nagu dhow ama halisaha nagu soo fool leh sida masiibooyinka dabiiciga ah. Baahiyahaas ayaa igu dhiirrogeliyay aas-aasidda idaacaddan,” ayuu yiri Maxamuud oo la hadlay Raadiyo Ergo.

Hadda, Maxamuud waa maamulaha iyo weriyaha idaacadda oo lix sano jirsan doonta bisha dambe. Idaacadda oo laga dhageysto mowjadda 97.7 MHZ waxay gaartaa magaalada oo dhan, iyadoo sagaal saacadood hawada ku jirta maalin walba. “Waxaan hawada soo galnaa saddex jeer oo kala duwan maalin walba: Subaxa hore, galabkii iyo fiidkii xilliyada dadka ugu badan ay idaacad dhageystaan,” ayay tiri Badriya Dayib oo iyada iyo saddex weriye oo kale oo midi ay dumar tahay ay ka howlgalaan Raadiyaha. Midkoodna ma qaadan tababarro warbaahineed. Waxay baahiyaan wararka, shirarka iyo dood cilmiyeedyada gudaha, barnaamijyo la xariira caafimaad, waxbarasho iyo ganacsi. Waxaa u sii dheer barnaamijyada ka baxa idaacadaha laga dhageysto mowjadda gaaban ee Raadiyo Ergo, BBC iyo VOA oo ay sii duubaan kaddibna ay dib u sii daayaan.  

Raadiyo Horyaal oo sidoo kale iidhehyo u sameeya xarumaha ganacsi ee magaalada wuxuu bishii ka helaa 2M oo shillin Soomaali ah oo ay noloshooda ku maareeyaan afarta qof ee ka shaqeysa. Idaacaddu ma adeegsato koronto oo waxay ku tiirsan tahay qalab korontada ka dhaliya cadceedda oo uu Maxamed sanadkii 2012 ku iibsaday $75, lacagtaas oo kasoo xarootay iidhehyada. Laakiin maadaama uu Maxamuud yahay Aabbe ay u joogto afar carruur ah oo dhaqaalaha kasoo gala Raadiyaha uusan ku filneyn, wuxuu xilliyada habeenkii oo idaacaddu ay dansan tahay uu ilaaliye ka yahay dugsiga sare ee Banderbeyla.  “Xogta iyo macluumaad waa muhiim noloshada bulshada, si gaar ah xilligan oo dabeylo iyo daad laga digayo,” ayuu yiri Maxamuud. “Maadaama ganacsatadu aysan  xiiso weyn ku heyn maal-gelinta dhulka fog oo dhaqaale xoogan aan laga helin, hirgelinta raadiye noocan oo kale ah wuxuu qeyn ka qaadan karaa wargelinta bulshada iyo uga digista masiibooyinka xilliyada dhibku jiraan,” ayuu Maxamuud hadalkiisa ku daray.

Waxaa soo diray Cabdiraxmaan Maxamed

Waxaa qoray Cabdiraxmaan Taysiir

Waxaa tifaftiray Muxyadiin Rooble

Leave comment