Tamarta cadceeda oo loo isticmaalayo biyo-dhalin

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Sawir/ dad iyo xoolo ka cabaya biyaha tamarta/Muxiyadiin/ Baydhabo/Ergo Photo | Sawir/ dad iyo xoolo ka cabaya biyaha tamarta/Muxiyadiin/ Baydhabo/Ergo

21 September, 2015 BAYDHABO

 

Saddex bil kahor dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku nool tuulada Boonkeey, ugu yaraan saddex saacadood ay u socon-jireen si ay biyo uga helaan ceelka ugu dhow oo ku yaal magaalada Baydhabo. Sidaas oo ay tahay, biyahu bilaash ma aheyn oo waxa ay ku qasbanaayeen inay lacag bixiyaan. Haddase, si joogto ah ayey biyo nadiif ah oo bilaash ah ugu helayaan tuuladooda oo 15km ku jirta magaalo madaxda gobolka Bay. Taa waxaa suurtogeliyay ceel tamarta ka hela leyrarka cadceeda ku shaqeeya oo deegaanka ay ka hirgelisay hey’adda qaxootiga u qaabilsan dowlada Norway ee magaceeda loosoo gaabiyo NRC.

Ceelkaas oo bishii saddexaad shaqeynaya ayaa  noqday il biyood ay ku haraad go’aan qoysas ka badan saddex kun oo ku nool tuulada oo xoolo-dhaqato iyo beeraley isugu jira. Xaawo Sheekh Maxamuud oo ka mid ah bulshada deegaanka ayaa Raadiyoow Ergo u sheegtay in qoysas badan horey uga qaxeen deegaanka biyo la’aanta awgeed. “Marar badan markaan Baydhabo biyo u doonano waxaa dhici jirtay in aan dib usoo noqono annaga oo dhibic biyo ahna aan helin,” ayey tiri Xaawo. Waxa ay intaa ku dartay in xitaa mararka biyaha la helo in qiimaha lagu kordhin jiray taas oo u horseedi jirtay in dadka qaarkood dib ula noqon weelashooda oo maran.

Si kastaba, Xaawo iyo dadka la mid ah hadda waxa ay ku faraxsan yihiin inay deegaankooda laga hirgeliyay ceel ay si joogto ah biyo uga helaan. Ceelkaas wuxuu bulshada tuulada Boonkeey u sahlayaa inay xoolaha iyo beeraha ka waraabsadaan. Laakiin bulshada deegaankaas oo kali ah ma ahan ee xitaa dadka ku dhaqan tuulooyinka ku dhow ayaa usoo biyo-doonta ceelkan.

Ibraahim Cali wuxuu kasoo arooray tuulada Salboy  oo 15 km u jirta Boonkay. Isaga oo la sii galbanaya dameer dhowr jirkaan oo biyaha uu u duudiyay, wuxuu Ibraahim Raadiyoow Ergo u sheegay in ceelasha ku shaqeeya tamarta cadceeda laga dhaliyo ay wax weyn ka badalayaan nolosha dadka reer guuraaga ah oo biyo yaridu ay ka mid tahay dhibaatooyinka waa weyn ee heysta. Wuxuu intaa ku daray in ceelasha noocaas ah laga hirgelin karo xitaa dhulka fog ee ay korontada magaalooyinka aysan gaarin. Tuulada uu Ibraahim ka yimid ma leh wax ceel biyood ah, waxa uuna horey ugu aroori jiray magaalada Baydhabo u jirta in ka badan 30km.

 Si kastaba, weriyaha Raadiyoow Ergo ee Baydhabo wuxuu sheegaya in ceelkan ku shaqeeya tamarta laga helo cadceeda uu bilow horleh u noqon karo haqab-beelka biyo ee dadka reer guuraaga ah ee ku tiirsan ceel-biyoodyada ku shaqeeya shidaalka oo qaali ku ah bulshada xoolo-dhaqatada ah iyo kuwo ku nool deegaanada aysan ceel-biyoodyadu ka jrin. 

 

Leave comment